Mu’asasada Safa ee Dacwada iyo Hormarinta oo tacsi u diray Ehelada Sh C/qaadir Nuur

February 16, 2013 - Written by

Sh-CqaadirMu’asasada Safa ee Dacwada iyo Hormarinta waxa ay tacsi u direysaa dhamaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan Culimada iyo Eheladii uu ka geeriyooday Sheikh C/qaadir Nuur Faarax oo geeri naxdin leh ku timid shalay 05 04 1434 H   /   15 02 2013 M   isagoo ku jira salaadii casir gudaha Masjidka Beder – xaafada Hodan ee magaalada Garoowe uu nin dhagarqabe ah ku toogtay, waxaan ilaahay uga baryeenaa inuu jannada firdowso ku abaal mariyo sheikh C/qaadir  Eheladii uu ka geeriyoodayna sabar iyo iimaan ka siiyo

sheikhu waxa uu ahaa caalim umadda soomaaliyeed si wayn u yaqaanaan gudaha Somalia iyo dibadaba , waxa uu ku cireestay sheikh C/qaadir ( allaha u naxariistee ) u khidmeenta diinta iyo u istaagidda dacwada , waxa uu macruuf ku ahaa qeexida iyo caddaynta xaqqa sida waafaqsan shareecada islaamka.

Dhamaan umadda soomaaliyeed meel kasto ay jogaan waxaan ugu baqaynaa arimaha soo socda:

1- In alle laga cabsado laguna dadaalo raali galinta alle, Dhiiga Muslinkana laga fogaado.

2- Shirqoolada iyo hagardaamada ay cadowga diinta iyo umada soomaaliyeed u soo maleegayaan oo ay ku beegsanaayaan culimada iyo waxgaradka in laga feejignaado.

3- Umada soomaaliyeed inay ilaashato Difaacdana Culimadeeda iyo dadka bulshada waxtarka u leh.

Ugu danbeentii waxaan soo jeedineynaa in wacyi galin waafaqsan fahanka saxda ah ee diinta islaamka loo abaabulo qaybaha kala duwan ee bulshada soomaliyeed gaar ahaan dhalinyarada.

Maamulka Mu’asasada Safa
ee Dacwada iyo Hormarinta

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online