Nadwo cilmiyeed diini ah oo lagu qabtay Masjidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa(Dhageyso)

February 25, 2013 - Written by

DSC01669Hargeysa:-Waxa lagu qabtay habeenkii Jimcuhu soo galeyey Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargaysa Nadwo cilmiyeed diin ah oo loogu magacdaray نعمة الأمن وحرمة الدم المسلم ”Nimcada Amniga iyo Xurmada Dhiiga Muslinka ah”, Nadwadaan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidda Alle uu u xaaramtimeeda in dhiiga dadka muslinka ah lagu xadgudbo iyo afkaarta guracan ee dhinac marsan manhajkii ama dariiqii toosnaa ee Ahlusunaha , culimada ayaa laba jibaaray wacyi gelin kale duwan oo ay ka bilaabeen gudaha dalka Soomaaliya iyagoo culimadu ay si geesinimo leh u sheegeen in aysan marna ka leexan doonin dariiqii toosnaa iyo dhiiranantii in la cadeeyo Xaqa ee lagu yaqaanaya Allaha u naxariistee Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo kooxda Al-shabaab ay dileen xili uu ku gudo jiray gudashada Salaada Casar.

no images were found


Hoos Ka Dhageyso Muxaadaradii Sheekh C/raxmaan Aw.Ahmed

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/r1dpaw4kel/nadwo1aad_sh.cabdiraxmaan_aw_axmad.mp3]Ama Halkan Mp3

Nadwo cilmiyeedka diiniga ah ayaa waxaa lagu soo qabtay magaalooyinka Garoowe, Laascaanood, Gabiley iyo Hargeysa waxaan  nadwadaan ka qayb qaadanayey  culimo waaweyn oo ka soo qayb qaatay aaskii Sh Cabduqaadir Nuur Faarax, culimada ka qayb galay Nadwadaan ayaa waxaa ka mid ah.

  1. Sh Bashiir Axmed Salaad
  2. Sh Yuusuf Aadan Maxamed
  3. Sh C/Raxmaan Aw Axmed Cubayd
  4. Sh Maxamed Cali Jaamac
  5. Sh Maxamed Ibraahim Jaamac

Ugu horeyntii waxaa kelmad ku saabsan amniga jeediyey Sh Cabdiraxmaan Aw- Axmed waxaanu tilmamay sheekhu inuu yahay amnigu shay qaaliya oo ay u baahan yihiin dhamaan noolaha oo dhami, sidoo kalena ay u baahan tahay diintu oo zan amni la,aan la baran karin, lana faafin karin.

Hoos Ka Dhageyso Muxaadaradii Sheekh Yuusuf Aden uu ka Jeediyey Masjidka Cali Mataan

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/pf553h062b/nadwo2aad_sh.yuusuf_adan_muxumad.mp3]ama Halkan Mp3

Waxa sidoo kale oo kalmed qiimo badan isaguna halkaa ka soo jeediyey Sh Yuusuf Aadan oo ka waramay Taariikhdii sheikh C/qaadir Nuur Faaraxa alla ha u naxariistee oo lagu dilay magalada Garowe xili uu ku gudo jiray Salaada Casar kana mid ahaa culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya , Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in Al-shabaab ay iyagu dileen Sheekha isagoo Sheekh Yuusuf uu kooxdaas ku tilmaamay koox Khawaarij ah oo dhinac marsaan Manhajka saxda ah ee Ahlusunaha.

Hoos Ka Dhageyso Muxaadaradii Sheekh Muxamad Cali_jaamac uu ka Jeediyey Masjidka Cali Mataan

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/5atzi92i1h/nadwo4_aad_sh.muxamad_cali_jaamac.mp3]ama Halkan Mp3

Ugu danbayntii ayaa waxaa isagana kalimad wacdi ah jeediyey Sheekh Bashiir Axmed Salaad waxaan uu Sheekhu ka hadlay ilaalinta dhiiga qofka muslinka ah iyo khatarta ay leedahay laynta culimada , Sheekh ayaa sheegay in kooxaha lunsan ay dhaqan u tahay in ay culimada diinta xan baarsan ay dilaan horayna ay u dileen Cali Ibnu Abi daalib iyo Cisman Ibnu Cafaan. Waxaa ayaguna si guuda uga hadalay amniga iyo ilaalinta dhiiga muslimka Sheekh Maxamed Cali Jaamac iyo Sh Maxamed Ibrahim Jaamac.
Hoos Ka Dhageyso Muxaadaradii Sheekh Bashiir Ahmed Salaad ka jeediyey Masjidka Cali Mataan

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/v5lb50aa5k/nadwo3_aad_sh.bashiir_axmad_salaad.mp3]ama Halkan Mp3

Halgan.net
Hargeysa

4 Comments so far

Leave a comment

  1. mashaalla

  2. a/c/w/ waa arin wanaagsan in ay culimadu fadhiga kakacaan oo waliba qolada nairobi sida shekh umal shibile iyo culimada mareeykanka in ay nadwo ku qabtaan 18 gobal ee soomalia oo gobal waliba laga shidaa faynuus ifaysa
    waa arin dad badani ilaqabaan lana soo dadajiyo gogosha iyo amaan ka culimada waxaa sugaya gobolka ay martida u yihiin iyo waliba shicibkooda waxaana qabaa in la soo dadajiyo arintaas
    wabilaahi tawfiiq

  3. waa war wanaagsan

  4. illahey ha xifdiyo culimada islaamka
    aamiin

Leave a comment

*