Nadwo cilmiyeed lagu qabtay magaalada Boorama oo looga hadlay dilkii Sh C/qaadir Nuur

February 25, 2013 - Written by

IMG_0745Boorame:-Waxaa  lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta Gobalka Owdal Nadwo cilmiyeed looga hadlay dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ay kooxda Al-Shabaab ku dileen gudaha Masjidka Bader ee magaalada Garoowe.

Nadwada ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u balaaran waxaa ka mid ahaa culumadii ka soo qeyb gashay

1-Sheekh Yuusuf Adan oo kahadlay  tilmaamaha  khawaarijta  iyo  in  ay  muhiim ay tahay  in  dhinac  looga  soo wada jeesto

2-Sheekh Bashiir Ahmed Salaad oo aad   ugu  dheeraday  dhibka  uu  leeyahay  dilka  qof  muslim   ah Iyo  waliba  ujeedada  ka danbeysa  dilka   culimada

3-Sheekh Maxamuud Abu Sheyba oo  isna  ka hadlay  Culimada  in  lagu  xidhnaado  lana  foojignaado afkaarta Khawaarijta .

4-Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jowhar  wuxuuna  aad  ugu  mahad  naqay  culimada  soo   booqatay waxa  kale  oo   uu  tilmaamay   in  la  isku  xidhnaado lagana hortago fikirka Khawaarijta ee aan umada waxba reebayn

no images were found

Waxgaradka iyo Isimada gobalka Owdal ayaa aad u soo dhaweeyey culumada socdaalka dacwada ku soo gaaray magaalada Boorama waxaana ay ugu baaqeen culumada in ay wadaan wacyi galinta

Halgan.net
Boorame

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online