Nadwo ka dhacday Masjid Jaamica Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.[Dhagayso]

February 21, 2013 - Written by Editor

DSC07121Laascaanood:-Waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool gaar ahaan Masjidka Jaamac Laascaanood ka dhacay nadwo ay ka qayb galeen culimo’u diin fara badan oo ka soo qayb galay aaskii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ay masjidka Badar ee magaalada Garoowe ku dileen xili uu ku guda jira Salaadii Casar rakcadeedii 3aad ururka Al-shabaab.

 

Culimada ka qayb galay Nadwada ka dhacday Masjid Jaamaca magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka mid ah:-

1-   Sh.Yuusuf Aadam

2-   Sh CabdiNaasir Xaaji Axmed

3-   Sh. Axmed Maxamed Saleebaan

4-    Sh.Cali Macalin Iyo Culimo Farabadan

Nadwada ka dhacday Masjid Jaamac magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo masjidka aad u soo buux dhaafiyey iyagoo dhagaysanayey culimada muxaadaraadka ay jeedinayeen iyo towjiihaadkooda. Nadwada diiniga ah ayaa culimadu waxaa ay ugu magacdareen Sifaatul Khawaarij waxaan darigaas jeediyey Sh Yuusf Aadan.

Culimo’udiinka ayaa ugu baaqay dhalinyarada da’da yar in ay alle u laabtaan oo ay waantoobaan in ay kadiyaan kooxda Al-shabaab oo cadawnimada ay u qabaan diinta iyo dadka ehelkooda ah in ay laayaan oo ay dilaan xitaa iyagoo ku jira guriga Alle kuna jira  Salaad oo ah rukniga 2aad ee Arkaanta islaamka. Sh yuusuf Aadan ayaa waxaa uu muxaadaradiisa aad uga hadlay calaamaadka lagu garto khawaarijta  wax uu yahay hadafkoodu , cid ay laayaan  iyo in ay dadkii ugu fadliga badnaa ay dileen xili ay gudanayeen waajibkii Alle saaray.

Hoos ka Dhageyso muxaadaradii Sifooyinka Khawaarijta ee uu jeediyey Sh Yuusuf Aadan

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/1n8d1au7i8/sifaatul_khawaarij_sh_yuusuf_aadan.mp3]

ama Halkan Mp3

 

Halgan.net

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. jazaaka allahu khayra jazaa sheekh yuusuf wa shukran jasiila , magaalada laascaanood muxaadiro aad loogu bahanyahay, gaar ahaan magaalada laascaanood, ee maamulka khaatumo iyo walaalohood, puntland waa in nadwooyin kuwan oo kale ah lagu qabaa dhamaan, dhulkaas, garowe, boosaaso gaalkacayo, buuhoodle, qardho iyo dhamaan dhulka soomaliya

Leave a comment

*