Nadwo ka dhacday Masjidka Al-hudaa ee Garoowe oo looga hadlay dilkii Sh Cabdulqaadir Nuur faarax.[Dhagayso]

February 18, 2013 - Written by

6Garoowe:-Waxaa caawa ka dhacay Masjidka weyn ee Al-hudaa  ee magaalada Garoowe Nadwo ay ka qayb galeen culimo fara badan oo ka qayb galay aaskii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo shalay ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal. Nadwada diiniga ah ayaa waxaa loogu magacdaray “Waa dileen Allaha dilee” waxaan muxaadaradii ugu horaysay caawa jeediyey Sheekh Yuusuf Aadan oo ka hadlay taariikh kooban oo ku saabsan Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax isagoo ka sheekeeyey xiligii dheeraa ee ay dacwada ka soo wada shaqeeyeen iyo halgankii dheeraa oo ay u soo mareen faafinta diinta iyo saaxiibnimadii u dhexeysay.

Dadweyne aad u fara badan ayaa soo buux dhaafiyey Masjidka weyn ee Al-hudaa ee magaalada Garoowe waxaan ay dadweynuhu ay aad u dhagaysanayeen culimada Soomaaliyeed iyadoo culimadu ay hoos ka xariiqeen in dilkii Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo kii Sheekh Dr Axmed Xaaji ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaab.

Hoos ka Dhagayso Yuusuf  Aadan oo ka hadlay Taariikh kooban oo ku saabsan Sh Cabdulqaadir Nuur faarax Alllah u naxariistee

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/ylmpk4gnvl/shyuusuf.mp3] Halkaan ka Dhagayso

Waxaa kale oo  culimadii goobta muxaadarad ka jeediyey ka mid ahaa Sheekh Cabdi Naasir Xaaji Axmed oo ka sheekeeyey in dilka Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaab isagoo sheegay in ururkaas uu yahay mid u shaqeeya cadowga islaamka afkaartooduna ay iskugu jirto afkaarada kale duwan oo ay ka wataan kooxihii lumay ee ay ka mid ahaayeen Khawaarijta iyo Shiicada oo ay kala mid yihiin dhinac beenta.

no images were found

Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa cod dheer ku sheegay  in diinta Islaamku aysan ku istaagayn Caalim la dilo balse ay ku faafayso oo alle mahadiis diintaan uu alle ilaalsanayo , Sh Cabdinaasir xaaji Axmed ayaa xusay in Dacwadaan ay soo martay Marxalada adag oo dalka Soomaaliya ay ka jirtay dowllada Shuuci ah oo xoog badan  balse la dagaalankeedii diinta uusan waxba u tarin oo ay dacwadu ay faaftay kuwii la dagaalamaynaya ay burbureen.

Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa waxaa uu ka sheekeeyey sida warbaahinta ururka Al-shabaab iyo kuwa taageera ay ugu caan baxeen dhinac beenta iyagoo arrinkaas ula jaal ah  Shiicada oo ah kuwa beenta ay u tahay dhaqan , Shiikh Cabdinaasir ayaa xusay in ay isku dayeen in ay been ka sheegaan kooxihii amniyaadka ahaa ee dilay Sh. Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo la yaqaan wax ay yihiin iyo waalidkood iyo wiilkii dilay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo maalin cad la qabtay lana yaqaan in uu ka tirsan yahay amniyaadka Ururka Al-shabaab oo waalidkii dhalayna ay maaro uga waayeen in ay ka reebaan arrinta sidaas u cad ayaa laga filayaa in ay beentoodii caadiga u ahayd ay ka sheegaan waan wax dhaqan iyo caado u ah.

Hoos ka Dhagayso Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka hadlay cid disha Sh Cabduqaadir Nuur Faarax iyo wax ay yihiin
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/9iqlbkhy0u/shcabdinaasir.mp3] Halkaan ka Dhagayso

Waxaa kale oo muxaadarada xala ka dhacay Masjidka Al-hudaa ka  hadlay sh Daahir Aw-cabdi iyo Sh Bashiir Axmed Salaad iyo culimo kale dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

 

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun al-shabaab ayaabaa ka danbeeysay dilkii sheekha yaan moran idinaka galin ALLAAHA gumadee ilaahay ha cidhib tiro waa khawaarijtii waa waqtigii asxaabta tidhi cali binu abi- dalib ood garanaysaan tidhi janada ayaa baan ku galynaa laa ilaaha ila laah se maxaad kala yaabi marka lagu yidhaahdo culumada soomaliyeed baan janada ku galayaa subxaanalaah

  2. ururka badbaadada dhalinyarada ee(badbaado) waxaan tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay sh.c/qaadir nuur faarax iyo waliba dhamaan umada soomaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaana ka xunahay falkaa foosha xun ee lagu dilay sheekha waxaana ale uga baryaynaa inuu shanadii firdawasa ka waraabiyo waxa kale oo halkan baaq uga diraynaa dhamaan dhalinta soomaaliyeed waxaana leenahay fikirada umada soomaaliyeed baabiinaysa ka tigtoonaada

Leave a comment

*