Nadwo si habsami leh uga socota Masjidka Al-Madiina ee magaalada Burco(Warbixin)

February 1, 2013 - Written by

xaliikeBurco:-Waxaa xalay oo bishu ahayd  31/01/2013  ka bilaamatay masaaajidka weyn ee  jaamicu Madiina magaalada  Burco ka bilaawday Nadwo loogu magacdaray  ففروا إلي الله  Nadwadan oo gashay sanadkeedii  3aad waxaa soo qaban qaabiyey Markiska Al-imaamu shaafici ee barashada culuunta islaamka, waxaana mushaarikayn doona nukhbatu minal culimaa oo ay kala yimi gobolada W/galbeed , Sool iyo Togdheer waxaana ka   mid  ah Culimadaas waaweyn

1-Sheekh Yuusuf  Aadan.

Sheekh Maaxamed Cumar Dirir,

Sheekh Faysal cali Faarax.

Sheekh Ciise  Maxamud C/llaahi

Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike,

Sheekh  Cabdalla Daahir  Baasha  

Ugu horayn waxaa  nadwadan Furitaankeeda ka soo qayb galay qaar ka tirsan Masuuliyiinta Gobolka togdheer Salaaddiin, Culimada Gobolka ,  iyo qaybaha kala duwan oo bulshada, waxayna dhamaatood aad ugu baraarijiyeen dadweynaha reer Burco inay fursadan qaaliga ah aad uga faa’iidaystaan.

Munaasabada awgeed  waxaa muxaadaradii ugu horeysey oo ciwaankeedu ahaa  U toobad keena Allah dhamaantiin halkaa  ka soo jeediyey  Sheekh Maxamuud Maxamed Xaliike  oo si faahfaahsan uga hadlay baahida maanta loo qabo dadku inay Illaahay usoo noqdaan.

Sh, Maxamuud Xalliike  ugu horayn  wuxuu dadka xasuusiyey Nicmada  Alle ku galadaystay Adoomihiisa ee isugu jirta mid muuqata iyo mid dahsoon labadaba ayna  ugu weyn tahay Nicmatu Iimaan, taasoo u baahan garasho iyo mahadnaq  laguna  helayo kordhin loo kordhiyo nimcadaas ay ku sugan yihiin.

Muxaadaradan oo ka koobanayd 12 qaybood  oo waaweyn  oo ka turjumayey mowduuca muxaadarada waxaa ka mid ahaa sharaaxaad dheer oo uu Shiikh Maxamuud  ka bixiyey  Towbada ama usoo noqoshada Alle iyo mansilada ay  ku lee dahay Shareecada Islaamka .

Waxaana kelmedihiisii ka mid ahaa “Towbadu waa denbiga oo laga hadho iyo Alle oo loo soo noqdo iyadoo wixii Alle ku farayna lala imaanayo wixii Alle kaa reebayna laga hadhayo. Towbadu waa rujuuc Alle iyo ka qoomamo laga qoomamoodo iyadoo qofku dareemayo weynida denbigiisa rajaynayana denbi dhaaf Alle.

Qaybta labad ee  muxaadarada waxay ka hadleysey Makaanada ay Towbadu ku leedahay shareecada Islaamka  towbaduna waa xaqiiqada islaamka ama mid shamilaysa islaanimada, dhamaan shareecaduna waxay soo hoos gelaysaa Towbada, waana  tiir uu higsanayo ama  uu higsanayo qof kasta oo islaama, dadka badankiisuna ma garanayaan martabada  towbadda hadii aanay tawbadu ahayn  mid islaamaka shamilysa Alle kuma farxeen tawbada adoonkiisa.

Wuxuu shiikhu kusoo koobay qaybta labaad hadalkii Sh Naasir alsacdi ee oo ku lahaa dadku waa laba  mid Dulmiyey naftiisa xilkii la saarayna  dayacay macaasina ku jira mana toobadkeenayo oo iyo kan labaad oo ah mid toobad keenay oo liibaanay.Waxaa kale oo uu ibnu qayim  leeyahay;  dadku waa taaib iyo daalim Taaibku waa  ka  ALle caabudaya ee u   mahad naqaya u toobad keenaya xuduuda allena xafidaya.

Qaybta 3aad ee muxaadarada ayaa  xukunka towbada iyo inay waajib tahay in Alle loo soo noqdo loona toobad keeno wuxuuna shiikhu sardiyey aayad iyo axaadiis badan oo ka hadlaya waajib nimada towbada iyo inay dadku ka faa’iideystaan jaaniska ay haystaan maadaaba ay toobadu ku xadidan tahay waqti oo aan la aqbalayn hadii ay naftu qarqarada soo gaadho  iyo in an la aqbalayn towbada marka qoraxdu ay kasoo baxdo dhinaca Galbeed.

Intaas ka dib wuxuu skiikh  Maxamuud ku  tacqiibiyey qaybihii kale ee maxaadarad oo iyana ka kala hadlayey ka faa’iideysiga fursadaha lahaysto iyo ku halaagsamida  u kaadsiinyaha  loo kaadiyo in loo  sugo towbada. Taasoo qofku denbiiile ku noqonayo dib u dhigida usoo noqoshada Alle.

Towbada in loo degdego waa waajib mana banaana in dib loodhigo hadiii uu denbiga ka toobad keeni waayo dib u dhigii uu towbada dib u dhigay waa denbi  wayna yartahay inay dadka qalbigooda kusoo dhacdo.

Waxaa lagama maarmaana in towbadu ahaato mid  nasuxa ah ay u dhan yihiin dhamaan shuruudaheedii kuwaasoo uu faahfaahiyey  shardiyada ku xidhan towbada saxda ah ee Alle u aqbalayo adoonkiisana laga doonayo Alle wuu aqbalaa adoonka towbadiisa inataanay qaraqarada soo gaadhin.

Macaad ayaa rasuulka Alle ku yidhi  iidardaaran wuuuna ku yidhi Rasuulku SCW  ALle ka cabso , alena xus  wixii aad samayso  ee gef ah twbad ka daba keeno    wixii qarsoodo ahaana—qardsoodi wixii muuqatana si muuqata. Qofkii wanaajiya wixi u hadhay cimrigiisa  sida towbad ama camal saalica waa laga saamaxaa wicxi tagay Towbatu nasuuxa  waa in denbi laga toobad keeno iyo inaan dib loogu noqon sida caanuhu aanay ugu noqonayn halkii ay ka yimaadeen.

Calaamadaha ay leedahay towbada saxda ah waxa ka mida  midho dhal ama  natiijo ka xasisha marka la aqbalo adoonka kana muuqata, Taasoo ka madhan wixi  ku dheehmi karaya ama kugu dhawaynaya wixii aadka siibatay hanoqdeen denbigii ama dadkii ehelka u ahaa denbigaasba.

Waxaa kale uu uu shiikhu xusay Astaamaha towbada  bacdigeed soo baxa  inay ka mid tahay in qofku la yimaado wanaag sidii horena uu ka fiicnaado. iyo in qalbigagu la socdo cabsida Alle, iyo in  markaad xasuusato aad ka qoomamooto wixii aaad hore u samayn jirtey. Waayo  kuwa denbiga  samaynaya ee  aduunka jooga 3webi ayaa aduunka u yalaa oo ay iskudaahiriyaan  haday kuwaasi ku filaan waayaan naarta ayaa ka daahirisa.

Ugu dabayn wuxuu shiikhu kusoo gunaanaday dardaaran dheer oo uu umada kula dardaarmayo inay toobada u degdegaan  iyo inaan Denbiga la yaraysan, inuu  kula weynaado denbiga  ogowee Majiro denbi yari , iyo In xumaha la raaciyo camal suuban, iyo inaan In laga quusan raxmada aale

Xunuunka idin  hayaa waa debi daawadiisuna waa  denbi dhaaf  Denbiyaduna  waa dhaawcyo   intee dhaawac qof u dhinatay wuxuuna kusoo xidhay dardaarankii ibnu baaz  ee ahaa – waxaan kuu dardaarmayanaa toosnaana towbad iyo  istiqfaar  kuna  bisharayso khayr iyo isllaax .

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Muxaadaraadka nadwada xalay ka bilaabatay magaalada Burco gaar ahaan Masjidka Jaamica ee Madiina

Halgan.net
Burco

1 Comment so far

Leave a comment

  1. walaalayaal waad ku mahadsan tihiin sida aad uga ha qabtiray saan bulshada wax yaalaha ay u baahan yihiin, gaar ahaan arimaha dacwada. MAHAD SANIDIIN

Leave a comment

*