Qorshaha Sh C/qaadir Nuur Dhiiggiisa Lagu Bannaystay Maanta Ma Bilaaban Ee Wuu Dhamastirmay W/Q Cubtan Yuusuf

February 19, 2013 - Written by

Maqaal-300x158بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله الذي خلق الموت والحياة ليبلونا أيّنا أحسن عملاً والصلاة والسلام على المبعوث رحمة للعالمين القائل “إنما بعثت لأتمم مكارم الأخلاق” الذي سمّاه ربّه حقا “بالمؤمنين رؤفاً رحيما” والذي قال في أحرج وأصعب وأضيق ساعات دعوة ربه , داعيا لقومه المشركين”اللهم اهد قومي فإنهم لا يعلمون” وعلى آله وصحبه الأخيار ومن تبعهم باحسان إلى يوم الدين

وبعد

Qorshaha Shiikh Abdulqaadir N. Faarax Dhiiggiisa Lagu Bannaystay Maanta Ma Bilaaban Ee Wuu Dhamastirmay

Marka hore Alaah baan ku mahadinaynaa xaalad walba oo na soo waajahda dhib iyo dheefba, marka xiga shaki kuma jiro in lays imtixaamay, kuwii sabra oo sugnaada Allaha naga dhigee, geerida culumada, waalidka iyo saalixiintu waa dhaawac kugu yaal oon sahal ku bogsan, markay dulmi sabasatan ka sii daran, shalay bay ila tahay markii Dr. Ahmad Xaaji Abdiraxman – رحمة الله عليه- anagoo wali jiifna  sadexdii habeenimo naloo kaga sasiyay hurdada khabarkii naxdinta badnaa ee qadarta Rabbi ka sokow,  dalamadu soo qorshaysay, maantana waa faajica kale oo la mid ah tii hore, waa sheikh Abdulqaadir Nuur Faarah-  رحمه الله إنا لله وإنا إليه راجعون اللهم أجرنا في مصيبتنا وأخلفنا خيرا منها -.

Maalinkaas baan ku hadaaqay erayo ay ka mid yihiin kuwan:

Ibna eedo aqal udgoon idan Ilaah noqay abaalkaagu

Albaabadii fardowsaad la yeel ila xirkaagiiye

Shuhadada abaalkoodi allow aadan il ka duufin

Ha argagixin markii uumiyaha iilka laga faydo

Ajashaada kama xumi oo waa idan Ilaaheene

Waa amar la gooyoon marnaba laga ahaanayne

Haddayna dunidu agab leedahooy cidi abaadayso

Udgoonow Rasuulkeenii baan laga aroorsheene

Waxse uur ku taalada na baday oon la wada oynay

Ehelkiyo axbaabtii wxii olol ka yeeraayay

Ibna faarax sheekheennii uu uurku gubanaayay

Akhyaarkii Idiris iyo culumadii wada ilmaynaysay

Waa ardada agoomowday iyo cilmiga iilka lagu aasay

Aqoontiyo sharciga diinta  oo la afla gaadeeyay

Aqwaashiii udgoonaha oon la marin abaalkeeda.

Geeridu xaq weeye kulligeenna geeri sugayaal baynu nahay, waxaase dhibka sii kordhinaya waa  dulmiga iyo gardarrada, waa arxan darrada iyo abaal ka dhaca  xadka ka baxay. In culumada  la xurmayn waayo maqaamkooda la garan waayo maxaa lagu fasiri karaa? Ma diin xumi iyo iimaan yari baa, ma jaahilnimo iyo akhlaaq xumaa?  mise waa duqonimo iyo garaad la’aan?

Haddi la laayay ka warrama? Waa musiibo wayn, waxaana  tala ahaan  ugu soo jeedinayaa dadka ku nool dhulka lagu daadiyay culumadaas dhiigooda inay Allaah danbi dhaaf waydiistaan ciqaabtiisana ka magan galaan ربنا لا تؤاخذنا بما فعل السفهاء منا waxaan shaki ku jirin in ay tahay arin cabsideeda mudan  ciqaabna ka soo dagi karto Ilaah hayna ka nabad galiyee.

Ninkii iimaan dhabihi dheehay amuu dhuuxa kaga yaalo

Kaan dhalan rogminoon qalbiga dhooddi laga saarin

Markuu dheehdo  dhagarqabuhu intu dhibo inoo gaystay

Dhiiggaaga yaal dhulkaad Rabbiga ugu dhawaanaysay

Dhugashada quraa qalbigu  inuu dhaawac noqonaayo

Ilmaduna dhibcaysoo ay waliba dhabanka qoynayso

Ayaan dhaar ku marayaa hadaad iga dhabaynaysid

Kuwii dhinaca kaa jiray markuu cijligu dhumuca tuuraayay

Dhaayaha  ku saaray markaad jooga ka dhaqaaqday (sii dhacaya)

Oo haddana dhiirradoo dhagar qabaha dhuumasha u diiday

Alla dhowrye dhabar adayg inay muujiyeen waa mid noo dhigane

Adna dhimatye dhib dambe Allow aadan dhaayahaba saarin

Cimrigaagii dheeraa intaad dacdawada soo dhiraandhirisay

Towxiidka dhuuxa intaad dhigtood kor u dhawaaqaysay

Xikmad baa lays dheeryahee intaad ula  dhawaanaysay

Miraheeda waan dheefsanoo wadadu waa sida dharaartiiye

Dhaxalkaagu dhumimayo shiikheeniiyow ee dhib li’I seexo

Shuhadada dhigaalkoodii Ilaah darajo kuu dhiibyay

Annagana fitanada nagu dhex furan nala ka dheereeyay.

Dib u Milicsiga  Qorshihii Sheikhaynka  Lagu Dilay

Sida aynu la wada socono fitnadan culumada qaarna lagu laayay, qaarna ku handadan yihiin ma ahan mid habeen iyo maalin ku bilaabatay, ee mudo dheer ayay soo socotay, waxayna soo martay marxalado kala duwan, waxaana jilayaal ka ahaa qolooyinkaan soo socda.

1- Mediaha Amase Saxaafadda: oo inta aan anigu ka aqaan ay ka mid yihiin somalimidnimo.com, soomalimmemo., AmiirNur.com,  oo howlaha ay ku mashquulsanaayeen walina ku howlan yihiin  sidan yihiin:

– Been abuur culumada lagu been abuurto laguna eedeeyo wax ayna ahayn ama oran, iyadoo la taxriifinayo hadalladooda loona fasirayo sida laga rabo.

-Waxaa lays qabadsiin jiray sawiradooda iyo faallooyin la maleegay lana ikhtiraacay si laysu waafajiyo masawirka iyo faallada qoran.

– Dabagal  la daba galo dhaqdhaaqooda iyo muxaadaraadkooda si loogala soo dhex baxo waxii lagu biirin lahaa faallooyinka la doonayo, si taas u suura gashana waxaa la jar jararaa muxaadaraadka ayadoo lagala soo baxayo hadal saabiq iyo laaxiq midna aan lahayn oo daba go’an, laguna ayidayo nusuus iyo aqwaal culumo hore leedahy oo  google cut & paste looga soo raray, laguna xad gudbay, waaqic aysan lahayn loo adeegsaday.

– Waxaynu xasuuusanaa in hidden cameraadka iyo rekoorada lala daba socon jiray, iyagoo ku sugan culumadu Baytullaahil Xaraam  gaar ahaan Mina iyo meel kasta oo ay fursad ka heli karaan sida masaajida.

– waxaad ku arkaysaa websiteyada aan kor soo sheegay culumada masawiradooda oo darbiyada ku sharaxan oo gaalo lagu dhajiyo sawiradooda, inkastoo hadda sheikh Abdulqaadir laga bixiyay meelaha qaarkood masawirkiisii , taasoon u fahmay – Wallaahu Aclam- in qorshihii laga laha fulay.
Hadaad xasuusataan mawadicda ugu caansanaa waxay ahaayeen kuwan “Ma soo gaartay wadaad iyo gaal gaar u wada taagan” , culumadii masaajidka safiirka maraykanka ku soo dhawaysay, wadaadadii dumarkii iyo caruurta  kaniisadaha ku shubay, Sheikh Abdulqaadir Nur farax oo mahiiga u mahad celiyay suuratu Maaidana ku dul akhriyay, sheikh abdulqaadir oo dastuurkii gaalada ammaanay, ictisaamkii ogaadeenya oo males sinaawi u galay,  Nimanka khamiisyada cad cad xiran ee dayaarada ku goosha , gacanna chicken shiilan ku wata, gacanta kalena Coca Colada qabow ku wata , Shirkii Culimada Rabaaniyiintaa Oo Galay Maalintii Saddaxaad Iyo Culimadii Al-ictisaam Ee Gaalada Raacay Oo Laga Dooday (Alwalaa Walbaraa)iwm.

Intaas iyo in kaloo badan oo la mid ah, danta laga lahaa waxay ahayd, in marka hore  waaqica aynu manta joogno la diyaariyo wadadana loo xaaro, culumada magaca laga dilo marka hore, dhulkana lagu jiido(اسقاط الرموز), marka xigana xerada islaamka laga saaro oo la yiraahdo waa gaaloobeen, waa jawaasiis gaaladay la shaqeeyaan,marka xigana dhiigooda la qubo sida haddaba dhacday.

2- Qolada comentiga ka bixisa waxa ay soo qoraan: kuwaas oo laba nooc ah, kuwa run mooday waxaa la daldalayo  niyadad wanaag amaba diin jacayl ha ku bixisee dhex booday fitnadaan.

Waxaan xasuusta qof dumar ah oon inaan magacaabo aysan  muhiim ahayn, wallow ay ummu fulaanah wadatay, ayaa waxay commenti ku soo bixisay sidan: “Sheikh Umal macalinkayguu ahaa Ilaah dartiis baana u jeclaa intuusan ilxaadka ku dhicin”! waxaan wayddiiyay inay taqaano kalmada “ilxaad micnaheeda iyo ilxaadka sheikh Umal ku dhacay waxa ay ka wado,waxay ku soo jawabtay war tira badan oo gogol dhigiisu yahay jihaad buu diiday gaaluu garabka saaray iwm.

Qolada kale,oo ah kuwa qorshaha wax kaga jira ayna dhici karto inay yihiin kuwii waxa soo qorayay laftooda oo magacyo been ah samaystay iskana dhigaya dadwayne commenti bixinaya

Mid wax gabay ku sheega tiriya baa laha sidan

U ducee Mahiigoo duqana waad maqlaseene

Maaiduu ku daah furay markuu dhiibay magaciise, sheikh abdulqaadir رحمه الله buu ku jeedaa

Mid kalaa wuxuu lahaa “lakala miiranye allow mililiq hay raacin

3- Fatwooyinka wadaadka kooxdaan:

Waxaynu wada xasuusanahay fataawidii caanka noqotay , qorshahana lagu dhamays tiray laguna xaaleeyay dhiigga culumada ee uu jeediyay walina uusan ugaalkay ka tanaazulin, wadaadka la yiraahdo Xassaan Xuseen Adam, laqabna looga dhigay “shaykhul Islaam” si sharciyad dheeraad ah iyo haybad loo huwiyo hadlakiisa, fataawidiisana shaki loo galin sida: Wadaadada jihadka diidan adduunka ha la dhaafiyo”  “ Fasaadkoodaa loo dilayaa”, “Al qaatilu mujaahid, wal maqtuulu shahiidun”.

waxaan wada daawanay badankeen in wiil ka mid wiilashii qiraalka ka sameeyay qaybtii ay ku lahaayeen dilkii Dr Ahamad -Allaha u naxariistee -uu lahaa: waan ku dhiiran waynay dilka dictoorka ilaa nala dhagaysiiyay cajilad uu xassan soo duubay markaas baan qanacnay!

Fataawidii wadaadku waxay iska soo daba dhacdo waxay ku soo gabagabowday  fatdawadan qar ka boodnimada iyo dhiirranida aan loo meel dayan ka muuqato: “Nactabir Jamaacatu Ictisaam bil kitaab wa sunnah Jamaaca  murtaddah!”

Gunaad iyo Gabagabo

Haddii aynu intaas oo marxalada ah oo qadiyadaani soo martay aynu u soo joognay waxa dhacay waa nabar aad filaysay naxdin maleh, waxaanse Allaah ka baryayaa in culumada iyo wax garadka iyo dadwaynahaba inta hartay ka kaafiyo sharkooda, cid sheikh abdulqaadir ka danbaysayna uusan ku salladin, iyagana hanuun iyo toobad siiyo hadday ehel u yihiin.

cubtanyusuf@yahoo.com

9 Comments so far

Leave a comment

  1. walaal ilaahay ha ku barakeeyo

  2. mashallah walaal ilaahay miisaankaaga akhiro ha kuugu siyaadiyo qofka diinta barta qiimahaas ayuu leeyahay

  3. as c Cubtan jasakallahu khary
    ilaahay subxaanu watacaale ha u naxariisto sheekh c/qaadir nuur faarax
    rabi janatul fardowsa acla haku abaal mariyo
    anagana ilahay samir iyo imaan hanaga siiyo kuwii dilay sheekha alle ha dilo abaal kodana alle haka dhigo jahanama qalbiga ayeey naga murjiyen diif aan dhamana way noga reben indhahena waxay noqdeen kuwa ilmo iyo murug la saxiib ah
    murugtii iyo naxdintii aan ka qadnay
    alle ha u naxariste dilki dr axmed xaaji c/raxmaan ayeey noogu daren
    sheekh c/qaadir nuur faarax raximuhullah rabi intii ka dambayse
    dilka sheekhda abaalka aay mutasteen ha mariyo
    ilaahy culumada kale hanoga badbaadiyo
    khawaarijta al shabaab waa al shaydaan kuwasi
    Cubtan jasakallahu khary
    qoralkaga waa mid xigmad ku fadhiya
    waxana ka hadashay wacyiga jira
    ilaahy hadalkaga wanaagsan ee tosan
    misanka xasanadka haku saro

  4. asc markahore ilaah sabir hanaga siiyo culimadii u dhigantay soomaali barkood oo alle oofsaday waxana urajeyneyna makaan wanaagsan iyo raaxo ilaah yaana dhaafshay fitankan dunida buuxdhaafshay. marka labaad ukhtii wa gabadha qoraalkan dheer leh ilaah haku xifdiyo niyadaada iyo aqwaashaada ilaah hakulmiyo kumana fitneeyo cimri dheer cibaado iyo baarinimo yaan kurajeyay xaga eebe inu alle kuku badalo sidaad uuga gocatay xanuunkan umuujisay dhacdadan foosha xun wsc.

  5. asc cajiib gabadha qoraalkeedu wallaahi aad buu iicajabiyey iyo xog ogaalnimadeeda ilaah hanoobadiyo gabdhaha somaliyed oo martabadaas gaarsiisan adigana allaha kuuxafido diintaada iyo ehelkaagaba ws

  6. Maashaa Allaah. Walaal Alle (SW) ha ku barakeeyo, qoraalkaan qiimaha badan iyo shakhsinimada diiniga ah ee kaa muuqata waa heer sare. Laakiin waxaad ogaataa Soomaali maanta waxay ku sugan tahay waa fidni dhammaanteen na wada saameysay (فتنة تعمّ الصالح والطالح) marka waxaa loo baahan yahay in haddii aan soomaali nahay ama Guud ahaan Ummada muslimiinta ah la iska wada ilaaliyo fitnadaas oo laga dhabeeyo Alle (WS) hadalkiisa (واتقوا فتنة لا تصيبنا الذين ظلموا منكم خاصة) Marka waxaan dhihi lahaa dadku ha fekaraan meesha ay kasoo askuntay mushkiladdaan nagu habsatay dhammaana Caalamka Islaamka ka socota intiisa badan. Annigu waxaanse u arkaan in ay nafteena ka timid (قل هو من عند أنفسكم). gabadha walaashay ee Hooyaday ku magaca ahna aad baan ugu faraxsanahay dareenkeeda cajiibka ah iyo suugaanta ay soo gocotay ee ay ku cabbirtay dareenkeeda (فماالتأنيث لاسم الشمس عيب – ولا التذكير فخر للهلال).

  7. maasha Allah wa maqaal xikmad xambaarsan oo si fiican la iskugu duba ridey . jazakillahu khayr.

  8. ascww
    khayr badan allaha siiyo walaasheen cubtan gabdha badan oo iyadoo kale ahna allaah ha na siiyo hana noo barakeeyo wax badan ayaan akhriyey walaal qoraallo aad leedahay oo cilmi iyo caqli badan uu ka buuxo. masiibadaan nagu dhacdayna waa mid rabbigeen noo qadaray waana ku sabraynaa walow xanuunkeeda iyo dhaawaceedu nagu culusyahay oo dhaawacii DR axmed oon wali naga bogsan nalooku daray waxaanse isku sabirsiinaynaa in wadadu tahay wado nalooka horeeyey oo ay mareen ambiyo ilaahay, khulafaa’u rasshidiin culimo iyo ducaadba ilaahay jalla wacalaa na diintiisu uma istaagin ee waa socotay iyaguna maanta ma shalaayayaan.
    kuwa mujrimiinta ah ee noo isticmaalau Hadmu diin bi ismi diin kuwaasna waxaan hubaa insha allaah inay tahay nihaayadoodi, waxaan ilaahayga weyn ee waaxidka ah ka baryayaa inuu halaagooda soo dedejiyo bilaadka iyo cibaadana uga raaxeeyo.

  9. Walashay cubtan Allaah ha ku barkaeeyo hana ku xifdiyo, waxaan xasuusatay qaraaladaadi qiimiga badnaa ee aad ku garaai irtau juhulada Ale diintiisa la coloowday walshayeey waad ku mahad waana wax waajib inagu ah difaaca dinta iyo culimada ilaahada nabaradii hore oon bogsoon ayaa nalagu dhuftay kuwo cusub ale ayaan uga dacwoonin marka hore waxaas la soo gaaray dabar go oodi ayaan qabaa Alaah diinta imaanka iyo islaan nimada hanoo xifdiyo.

Leave a comment

*