Ra’iisal Wasaaraha oo maanta la kulmay Agaasimeyaasha Wasaaraddaha ee Dowladda

February 3, 2013 - Written by

IMG_9757Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa xafiiskiisa kula kulmay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Dowladda, isaga oo kala hadlay sidii loo dardargeli lahaa howlaha Dowladda iyo sidii isbedel cusub oo deg deg ah kuna dhisan Horumar loo sameyn lahaa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmaamay ujeedada kulankan maanta ee Agaasimeyaasha Wasaaradaha inuu yahay mid looga baaraan degayay sidii loo gaari lahaa isbedel cusub oo muuqda, isla markaana loo dejin lahaa Istaraatiijiyad cad oo lagu horumarinayo waxqabadka Wasaaraddaha Dowladda.

“Shirkan waxaan uga gol-leenahay in aanu ku xaqiijino isbedelka cusub ee Soomaaliya ka dhacay uu gaaro faraca ugu dambeeya ee maamulka Dowliga ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in sidoo kale ay ka hadleen sidii fariin isku mid ah iyo Istaraatiijiyad cad ay ummadda ugu gudbin lahaayeen howlwadeenada Wasaaraddaha.

“Mar kasta waxaan la shiraa Wasiirada, balse waxaa kale oo aan maanta la kulmay qeybaha kale ee muhiimka u ah Nidaamka Dowladda, saacad ka hor waxaan la kulmay dhaaman madaxda kaabayaasha Dowladda, anigoo shirkeyga labaadna kula kulmay Agaasimeyaasha Wasaaraddaha” ayuu mar kale yiri R.wasaare Saacid.

no images were found

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in kulamada ceynkan oo kale ah ay qeyb ka qaadanayaan hirgelinta qorshayaasha cusub ee Dowladda iyo isbedelka ay bilowday inay ku talaabsato Dowladda Soomaaliyeed.

—–DHAMAAD—–

Garad Salad Hersi
Press Officer, Somali PM Office

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online