Ra’isul wasaarah JFS Cabdi Faarax Shirdoon Garsoorku waa mid madax banaan[War-saxaafadeed]

February 7, 2013 - Written by

saacid1Muqdisho:-War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaarah dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Saacid  aysan go,aankii ka soo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir ee xukunka halka sano ah ku riday Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) iyo haween sheegtay in la kufsaday aysna fara gelin doonin.

Ra’isul wasaarah dowllada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)ayaa sheegay in xukuumadu ay baaritaan ku samayn doonto xukunka Maxkamada Gobolka Banaadir ay gaartay balse go,aanka Maxkmadu uu yahay mid u gooni ah. Ra’isul wasaarah dowllada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) ayaa waxaa kale oo warsaxaafeedka ka soo baxay xafiiskiisa lagu sheegay “ in dalka Soomaaliya uu ka jiro nidaam garsoor oo ka madax-bannaan xukuumada  sidaas darteedna loo baahan yahay in la xaq dhowro.

War-saxaafeedka ka soo baxda saaka  xafiiska Ra’isul wasaarah dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) ayaa ku soo beegmaya xili uu Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon uu ka codsaday dowllada Federaalka Soomaaliya ay xaqiijiso in si cadaalada ah loo baaro xukunka lagu riday Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) iyo haween sheegtay in ay kufsi kula kaceen ciidamo ka tirsan ciidanka dowllada Federaalka Soomaaliya.

Halkaan riix warsaxaafaeedka RW Saacid Statement_From_the_Office_of_the_Prime_Minister_PDF

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online