Raisulwasaaraha DFS oo U Furay Siminaar Looga Hadlayo Xeerka Isgaarsiinta

February 9, 2013 - Written by

IMG_0006Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta si Rasmi ah u furay Siminaar looga doodayo xeerka Isgaarsiinta iyo Warbaahinta oo ay soo diyaarisay Wasaarada Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gadiidka, waxaana siminaarkaan ka soo qayb galay bahda Saxafada, Isgaariisnta iyo Khubaro ka socota caalamka.

Xeerkaan ayaa u jeedkiisu yahay sidii shuruuc loogu samayn lahaa Isgaarsiinta ka howlgasha dalka gudihiisa sida Shirkadaha Telefoonada, Internetka, iyo Warbaahinta qaybaheeda kala duwan oo in ka badan mudo 22 sano ah aan lahayn shuruuc cayimaysa xuquuqdooda shaqo iyo qaabkii dowladda canshuurta uga qaadi lahayd.

Ugu horayntii Wasiirka Warfaafinta , Boostada, Isgaarsiinta iyo Gadiidka Mudane Cabdulaahi Cilmooge Xirsi ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay siminaarkaan.

“ Siminaarkaan wuxuu soconaya mudo labo casho ah, waxaana looga doodayaa xeerka isgaarsiinta iyo warbaahinta, dowladuna waxay qiraysaa dhibaatooyinka aad ku soo shaqaynayseen mudada dheer, iyadoo la ogyahay kaalinta ay Isgaarsiinta iyo Warbaahinta ka qaadatay horumarinta Bulshada mudadii aan ku jirnay bur-burka iyo dowlad la’aanta” ayuu yiri Wasiirku  oo intaa ku daray in dib-u-dhiska dalka ay shirkadaha isgaarsiintu ka qateen kaalin mug leh.

Wasiirka  ayaa dhanka kale sheegay in ay khaldameen waxyaalo badan  mudadii aan ku jirnay dowlad la’aanta.

“Waxaa khaldamay in la kala garan waayo waxa dadku gaarka u leeyihiin iyo waxa dadka dhaxeeya, waxaa la jabiyey xeerkii u yaalay caalamka iyadoo la isticmaalay MOWJADO ay wadamo kala leeyhiin, waxaa lagu xadgudbay xuquudii muwaadinka oo lagu khasbay inuu qaato sadex telefoon, si uu shirkad kasta u isticmaalo telefoonkeeda, waxaa isku marmay hareeraha wadooyinka waayaradii telefoonada iyo korontada, si loo saxo dhamaan khaladaadkaas waxaa dowladu soo diyaarisay xeerkaan oo la rabo inaad taladiina ku soo biirisaan ka dibna loo gudbiyo Golaha wasiirada si looga ansixiyo ugu danbayna la horgaynayo  Golaha Baarlamaanka oo ka dhigaya sharci lagu dhaqo Isgaarsiinta iyo Warbaahinta”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa u mahad celiyey kaalinta muuqata oo ay shirkadaha isgaarsiintu ka soo qaateen horumarka dalka.

 

“ Waxaan u mahad celinayaa kaalinta wax ku oolka ah ee ay shirkadaha isgaarsiintu ka soo qaateen hurumarka dalka mudadii dheerayd ee aan ku jirnay colaadaha iyo dowlad la’aanta, waxaa marnba aan la dhayal san karin sida ay u taageeraan adeegyada bulshada, oo ay ka midka yihiin  Isbitaalada, Waxbarashada, Masaajidada, iyo iyagoo taageero dhaqaale u fidiya dadka marka abaaruhu soo wajahaan, waxa kale oo muhiim ah in la xuso heerka ay shirkaduhu gaarsiiyeen dalkeena oo aan dowladi kajirin ama nidaam adag lahayn mudo ku dhow 22 sano inuu noqdo wadan ku hormaray Isgaarsiinta iyo Aalada Internetka, waxaana Soomaaliya safka hore kaga jirtaa wadamada Africa ee ku hormaray dhanka isgaarsiinta” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in maanta Soomaaliya uu ka hirgalay isbadal dhinacyo badan leh oo ay hurmuud ka yihiin shacabka Soomaaliyeed kaas oo ku baahay dhamaan gobolada dalka.

Ugu danbayntii Ra’iisul Saacid ayaa sheegay in dowladu ay diyaarinayso nidaamkii looga qaadi lahaa canshuuraha Shirkadaha Isgaarsiinta, taas oo dhaqaalaha dowlada wax weyn ku soo kordhin doona, dowladuna waxaa ay balan qaadaysaa in canshuuraadkaas lagu hormariyo adeegyada kala duwan ee bulshada, wuxuu sidoo kale kula dar daarmay warbaahinta maadxa banaan inay si masuuliyadi ku jirta ay u gutaan shaqadooda ayna ku dadaalaan sidii fariin ka turjumaysa horumarka ay ugu dugbin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.

—-DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online