Saddex billad Sharaf oo uu heley Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ilaahay ha u naxariistee.

February 22, 2013 - Written by

Imaamu Axmed waxaa laga sheegey Inuu oran jirey Farqiqa annaga iyo Ehlu bidaca noo dhexeeya waa Jinaazada” Hadalkaasi waa hadal wayn oo aad u qiimo badan, waxaan xasuustaa qoraalo ay soo bandhi geen website yada taageera ururka alshabaab, kuwaas oo ay ku aflagaadaynayeen Sheekh Cabdulqaadir Xilli uu nasteexo qiimo badan ka jeediyey Kulan Ay ka soo qaybgaleen dad badan oo siyaasiyiin ah, Sheekha wax yaalihii lagu Dacaayadaynayey waxaa ka mid ahaa Inuu Dastuurka Gaaladu wadato loo keensadey inuu Ansixiyo, Hadalkii sheekha Iyagu ma aysan duuban laakiin Sawirkiisa ayeey ku arkeen internetka Kadibna waxay keeneen Fallaadh ay ku foorariyaan Qofka ay maagan yihiin.

Qofka Muslimka ah ee Daacadda ah Marka Been lagu tuhmo, dacwadiisuna ay tahay Ikhlaas ilaahay dartiis qofkaas waxaa ilaahay abaal marin ku siiyaa xilli ay noqotaba ha ahaatee in Sumcadiisa ilaah kur u qaado, waxa lagu sheegayna uu ka bari yeelo.
وإذا أراد الله نَشْـر فَضَيلـة *** طُويت أتَـاحَ لها لسـان حسود
لولا اشتعال النار فيما جَاوَرَتْ *** ما كان يُعْرَف طِيب عَرف العُود

Maalmo kadib waxay walaalada Halgan soo galiyeeyn Hadalkii uu Sheekh Cabdulqaadir ka jeedinayey Meesha la isugu yimid, waxayna noqotey nasteexo aad u qiimo badan oo ku habboon in loo jeediyey Madaxda, Sheekhuna wuxuu Amrey Madaxdii halkaas joogtey in ay ilaahay ka cabsadaan wuxuuna u dardaarmey wixii wanaaggu ahaa ee ku haboonaa.

Been Abuurka ay sameeyeen Shabab Mufsidiin, wuxuu ahaa mid hordhac u ah qorshaha ay doonayeen in ay ku saaraan Maxkamaddooda ku dhisan Caqli Xumada waxayna daliil uga dhigteen inuu yahay Murtad ay bannaantahay In la dilo, Maxkamaddii ku dhisnayd caqli yaridu hadii ay soo baxdey, waxaa la go’aamiyey in sheekha la dilo, laakiin waxaa dhacdey wax aysan filanayn, oo uu markii hore shaydaanku ka qariyey!.

Sida ay sheegeen waxay isku dayeen in ay dilaan Sheekha laakiin fursad bay u waayeen, shaydaankii wuxuu u sheegey raggii ficilka fulinayey in la dili karo xattaa hadii uu ku jiro Masjid Gudihiis, maxaa yeeley waa Murtad!.

Sheekha waxaa u timidmaalintuu sugayey, horena uu uga dardaarmey in qofka dilaa khasaarey, wuxuuna sheekhu sheegey in ay suurto gal tahay in ilaahay Shahaado uga dhigo.

Shahaadadaan Sugaayaan
Shaadhkeedii Xidhanahay
Xaqqa Sheegistiisana
Sharaf baan ku helayaa,
Shahiidkii mixraabkuna
Sheekhaygii weeyaan.

Dannigii wanaagsanaa ee uu sheekhu rajaynayey ilaahay waa siiyey, wuxuuna Allaah ugu daray Laba billad Sharaf oo Ay yartahay in ay helaan Dadka Muslimiinta ah illaa Qof nasiib badan maahane.

1- Sharaful Makaan oo ah Meesha uu ku jirey xiliga ilaah oofsanayey oo ahayd dhulka uu ilaah ugu jecel yahay Dhulkiisa oo ah Masaajidada ilaahay Sida ku sugan Saxiixul Muslim Min Xadiithi Abii hurayrah

أحب البلاد إلى الله مساجدها . وأبغض البلاد إلى الله أسواقها

2- Sharaful Qawl oo ahayd Isagoo ka soo kacay rukuuc lehna ” Samicallaahu Liman xamidah” ama Rabbanaa lakal xamdu: ” Ilaahay waa Ajiibey midkastoo Mahadiya” ama Ilaahow adigay kuu sugnaatey Mahaddu ”

3- Sharful Zamaan oo ah Xiliga uu Salaadda ku jirey oo ahayd Maalin Jimcefadligeedana rasuulku SCW noo sheegey kuna cad xadiiska ay soo saareen Abuu’daawuud iyo Muslim uuna wariyey Abuu hurayrah “Rasuulku SCW wuxuu yiri Maalin Qorrixi soo baxdo waxaa u khayr badan Maalinta Jimce” Xiligaas Sheekhu isagoo ilaahay hortaagan ayuu Matukaduhu Sheekha Rasaas ku ganey halkaasuuna ku shahiidey sida aan ilaahay uga rajaynayno.

Saddexdaas billad Sharaf oo aduunka ah Ayaa ilaah siiyey Qof Kastah oo Muslim ahna wuxuu jeclaystey ama tamaniyey In ilaah uu khaatimdiisa sidaas oo kale ka dhigo.

Bal aragnay Mutukade daqiiqado kadib sida xaalkiisu noqdey, dakharro, maryihii oo laga xayuubiyey, Jeel Cadhiidhi ah oo lagaliyey, intaasi waa aduunka Cadaabka aakhiro ayaana u yaalla mujirim kasta oo dhiiga Muslimiinta Daadiya.

Rabbi noo Xifdi Culimadeena, oo dhawr, rabbi xaqqa iyo diinka ku sug, rabbi na yeel kuwa ixtiraama culimadooda oo garta xaqooda.

W/Q: Mustafa Maxamuud Xaaji Cali-deeq Alkhaledi
(Mustafa Akhyaar)

 

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online