Sahra Axmed Cabdi oo beenisay in uu la noolaa dhagarqabihii dilay Sh C/Qaadir Nuur [Dhageyso]

February 24, 2013 - Written by

bosassoBoosaaso:-Sidan wada ogsoonahay waxaa 15/Feb/2013 Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal dil loogu geystay allaha unaxariistee Sh. Cabduqadir  Nuur Farax waxa uuna dilkiisu dhacay xili uu salaadii casar uu ku tukanayay masjid kuyaala Magaalada Garoowe.Sheikh Cabduqadir  Nuur Faarax waxa uu ahaa allaha unaxariistee sheikh siweyn looga yaqiin Gudaha dalka soomaaliya waxaana uu caan ku ahaa fidinta iyo baahinta Diinta Islaamka isagoona  sheikh mudooyinkii uu noolaa uu waday hawlaha fidinta diinta islaamka.

Dhagar qabihii diley sheikh Cabduqadir  Nuur Farax allaha unaxariistee waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigi ka dib markii dadweynaha ku dhaqan Magaalada Garoowe ay si geesnimo leh ay  gacanta ugu soo dhigeen dhagar qabahaasi isago dhaawac ugeystay laba qofood oo ka mid ahaa dadkii eryanayay markii uu geystay falkii naxdin lahaa ee dilka sheikh Cabduqadir  Nuur Farax allaha unaxariistee.

Wareysi gaaban oo lala yeeshay Dhagar qabahaasi ayaa waxa uu ku sheegay inuu ku noolaa guriga eedadiis oo lagu magacaabo Sahro Axmed Cabdi oo ah haweeynay udhaxda Dr Obsiye oo ka mid ah dhakhaatiirta caanka ah ee ka hawlgala Magaalada  Laascaanood hadaba waxaa manta nala soo xariirtay oo booqasho gaaban inoogu timid Sahro Axmed Cabdi oo ah haweynada uu sheegay  dhagar qabihii dilka ugeystay sheikh Cabduqadir  Nuur Farax waxaana ugu horeyn aan weydiiyay sahra hadafka iyo ujeedka booqashadeeda maanta waxayna ku jawaabtay “Anigoo ah Sahro Axmed Cabdi (Sahro Wiilo) waxaan rabaa inaan halkan ugu sheego dhammaan Bulshada Soomaaliyeed,Culumaa’udiinka,Dawlada Qeybaheeda kala Duwan,iyo Bahda Saxaafada in warkii ka soo yeeray Ninkii diley sheikh Cabduqadir  Nuur Farax allaha unaxariistee oo ahaa waxaan ku noolaa Guriga Eedaday Sahro Axmed Cabdi waxaan si cad ucadeeynayaa in warkaasi uu sheegay dilaaga dhagar qabaha ah inuu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn aysan naga dhaxayn wax xiriir ah ninkaasi”

Hoos ka Daawo Dhagarqabihii dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ay wareysanayaan dadweynihii reer Garoowe

Intaasi ka dib ayaan waxaan sahro bal weydiiyay wax ay kala socoto arimaha dhagarqabaha waxayna markale ay tiri “anigu waxaan kala socdaa oo kaliya in wiilkan uu ka mid ahaa ardaydii wax la baran jirtey caruurteyda oo dhiganeysay dugsiga Daarul Qur’aan ,reerkooduna uu ahaa reer dagan Magaaldan Bossaso balse markii dambe ay ka guureen oo ay aadeen koonfur mana sheegi karo waqtigii ay halkaasi uguureen hayeeshee waxaan ka war helay in wiilkoodii oo ahaa curudkii inuu kaga fakaday koonfur,waxaana ii xigtay arintii dhawaan dhacday ee ahayd waxaan ku noolaa Gurigii eedaday Sahro intaas ayaan kala socdaa arimaha wiilkani waana arin aan aad ula yaabanahay in gurigayga uu baltilmaameed ka dhigto anigoo dagan kuna nool Magaalda Bossaso iyadoo uusan jirin wax xiriir ah oo naga dhaxeeya dhagar qabahani.

Sidoo kale baaritaano aanu sameynay ayaan waxaanu ku ogaanay in waalidkii dhalay wiilkani inay isaga tageen dalka ka dib markii ay waayeen wiilkoodii waxaana la iisheegay in aabaha dhalay wiilkan  inuu dhawr jeer weydiisytay wiilkiisa masuuliyiinta Al-Shabaab balse ay si cad ugu diideen.

Hoos ka dhagayso wareysiga Sahro Axmed Cabdi oo ahayd haweyndii uu ka been abuurtay Dhagarqabihii Diley Sheekh Cabduqadir Nuur Faarax Allaha unaxariistee
[audio:https://halgan.net/Mp3/WareysiSahro Axmed.MP3] ama Halkan MP3

Halgan.net
Boosaaso

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Bismillaah, adduun waa sheeko iyo shaahid. Waxaynu maanta arkaynaa waxyaabo badan oo aan sheeka ahayn; aana ahayn dhaqan islaam, mid bini’aamtino iyo mid Soomaalinimo. Dhib waa dhacdaa, waxaase khalad ah inaan qof aan waxba galabsan la dhibaateeyo. Gabadha aan hadalkeeda maqlayey waa dulmane, oo inanka la hayo wuxuu xad-gudub u gaystey dhammaan reerkeeda, sida, Dr. Obsiiye, oo ah dhakhtar Puntalad iyo Soomaaliyaba laga yaqaan. Maalintii dilka shiikhu dhacayeyna diktoorku wuxuu shaqo ugu maqnaa Xamar. Gabadha Sahara, ee Dr. qabaana waa guri joog haysata carruur yar-yar.

    Sidaa waxaa laga sheegay aaskii/duugtii alla haw naxariistee Sh. C/qaadir
    Nuur Faarax. Waxay dhammaan culimadii aaska isugu yimid caddeeyeen inaan Dr. Obsiiye iyo xaaskiisa Sahra wax cilaaqaadihi ka dhexayn wiilkaa sida
    indha-la’aanta ah u masabitay, hadduu labadooda heli lahaana uuba dili lahaa. Waxayna culimadii halkaa(xabaasha) iyo Nadwadii lagu qabtay masjidka Al-huda, Garoowe ka caddeeyeen in dhagarqabahaasi gef iyo masabidasho qoorgooyo ah ku sameeyey reer Obsiiye.
    Illaahay dulmanayaasha u hiilo meel kasta oo ay joogaanba, cidhiidhigana ka saar(aaamiiiiin).

  2. Waxan filayaa alshabaab waa umad lagu halaagayo umada islaamka layntooda & xalashiga dhiiga islaam ka beena inaysan wax ba la ahayn waa mid aan shaki lahayn dhagarqabaha beenta saaray dad aan wax kala socon xaaladiisa

  3. al-shabaab inaysan beenta kadhawr san taasaa daliil u ah
    laakiin nin masaajid caalim ku dilaya been miyuu biyo ukabadaa?

Leave a comment

*