Sheekh.Umal oo Khudbadii Jimce uga hadlay dilkii Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax.[Dhagayso]

February 22, 2013 - Written by

Sheekh-UmalNairobi:-Waxaa maanta Khudbadii Jimce ee Masjidka Abu Bakar Sadiiq ee magaalada Nairobi uu Sheekh Maxamed Cabdi umal uga hadlay dilkii foosha xumaa ee  lagula kacay Sheekh. Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee. Sheekh. Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa  uu sheegay in fidnada ka socota dalka Soomaaliya ay gaartay in Culimada lagu dhex dilo Masaajida iyagoo ku dhex jira  waajibkii Alle saaray , Sheekh ayaa ka sheekeeyey in  bulshada Soomaaliyeed ay u soo joogeen fidnooyin badan oo ay ka mid tahay in la isla laayo, la is dhaco ,ilaa hadda ay soo gaartay in dadkii umada kheyr gaarsiinayey oo xan baarsanaa diinta Islaamka la laayo oo weliba la soo saaro Fatwo oranaysa meel walba ha lagu dilo xitaa haddii ay galaan Xaramka  cajiib.

Sheekh. Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in dal gaalo looga saari karin ama Qaran Soomaaliyeed aan lagu dhisi Karin in culimada layntooda,Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in raga ku faraxsan dilka Sheekh. Cabdulqaadir Nuur Faarax ama soo saaray Fatwada lagu dilayo culimadu ay yihiin kuwa khasaaray Aduun iyo Aakhiro.

Sheekh. Maxamed Cabdi Umal ayaa xusay in ay isku danbi yihiin kan dilay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax,kuwa soo abaabulay, kan Fatwooday, kuwa beenta ka sheegay dhiiga Sheekha isagoo sheekhu uu sheegay in taariikhda aysan soo marin  kuwo sheeganay Mujaahidiin haddan Masaajida looga nabad geli waayey oo culimadii ku dhex dilaya.

Hoos ka dhagayso Khudbadii Jimcihii maanata uu Sh Umal uga hadlay dilkii Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax
[audio:https://halgan.net/Mp3/khubadiimaanta1.mp3] Ama Halkan Mp3


 BileOsman.
Nairobi, Halgan.net

21 Comments so far

Leave a comment

  1. in dhaha alaha ka tuuro way na indho tireen , sheekh c/qaadir nuur faarax allaha janatul fardowso ka waraabsho , noloshoo dhan buu na baray , diini iyo maadiba , wuxuu na baray nolosho waxa ay tahay

  2. alow dhowr sheekha

  3. godane alaha dillooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooo

  4. alaha unaxariisto macalinkaygii shiikhaygii cilmiga shareecada inta aan ka aqaaan ibarey shiikh c/qaadir nuur faarax umadda soomaaliyeed waxaan ilaahay uga baryaya bedel khayrqaba in uu ugu beddello
    shiikha waaxaa dilay axmed cabdi aw maxameed godane waxaana leeyahay godanoow meeshaad hadda joogto ama taagantahay kula go”aday ilaahay idankii soomaaladana waxaan usheegayaa in kun jeer lasoo habaro muddo bil ahna loo qunuudo wa billaahi tawfiiq

  5. mashaa allah allah yaxfadak yaa fadiilata al-shaikh umal shaaeqa ilaahey oowsadayna janada ilaahey hageeyo aaami ammin

  6. Asalamu calaykum walaal waxaan idinku wargalinayaa inan dhageysan Kari waayey qudbadi shiikh Umal ee jimcaha waxan heystaa iPhone mobile mp3 ga ayaan dhageysan karaa laakiin waa ii firmi waayey waxyaabo kale ayaa furmayo Jazaa kumullah

  7. jasaakalaah sh umal baarakalaahu fiik ilaahay haku raajiyo adigoo kale juhalada hanaga qabto diinta kugafaysa

  8. ilaahow culumadeena xafid cadogeedana jabi

  9. Asalamu alaikum, waxaan rabaa inaan afar ilaa lix tuduc kusoo gudbiyo halkaan.
    Istirjaacsi mooyee afkii erey laga waaye
    Aadane haduu joogayoon iil lagelinaynin
    Ambiyadii lama oofsadeen aadan uhoreeye
    Asxaabtiina lama baaba,asheen baaqii haraye
    Axmec iyo c/qaadir ardaal duufsan baadilaye
    Amniyaadka abu zubayrna way ka amranaayeene
    Eebow adaa naga ogee uunka ubayaami.

  10. Jazallahu khayr khayral jazaai sh umal,ikhwaanii waa loo baahanyahay dhamaan kalimaadka culimada iyo khudabkooda ayay kaga hadlayaan waaqici maanta uma soomaaliya ay marayso saa darteed walaalaha halgan waxaan ku boorinayaa ha katagina dhamaan wixii kalimaad ah ee culimadu jeediso
    Mahadsanidiin

  11. ilaahow haqa u gargaar anagana nagu sug culimadana noo xifdi — Aamiin

  12. asc wll waxan idinka codsanaynaa maqalka muxaadirada mahayno ın aad soo galisan manshaa allah sh umal allah yaxfadak اللهم ارفع دذجته في عليين illahy ha ubarakeeyo aduun kıısa ıyo aakhiradiisaba waa sh runta ıyo xaqqaba cadeeya manshaa allah……

  13. masha alh. shiikheyna allaaha inoo xifdiyo runta kama ganbado. wlalaha waxaan idin ka codsaneyna in aad inoo soogalisaan ayadoo maqal ah.asc

  14. qudbada halaso dhameystiro maxadhacey shiikhana allaha xafido

  15. Jisaa kalaahu khayran sh maxamaed Cabdi Umal Xafidahu allaah sid a uu uma ugu cadeeyay Firqada daalimada ah cajiladihiisii hore iyo khudbada maantaba
    Sidaa Daraadeed waxaan ugu baaqayaa shacbi waynaha islaamka ah ee soomaaliyeed in ay culimadooda difaacdaan oo kooxdaa mujrimada ah ladagaalamaan oo laayaan indhaha alla ha karidee waxay rabaan in ay umada indhaha tiraan waxay dileen
    Culimadii ,isimadii,ganacsatadii,aqonyahnadii,dumarkii,iyo caruurtii waa musiibo umada lagu imtixaamaayo ee umadu ha ogaato oo meel halooga soo wada jeesto siday culimadu ku baaqeen

    Mahadsanidin

  16. walaalayaaloow maad soo galisaan maqal ama muuqaal khudbadda sheekha.

    • asc walaalayaal bahda halgan kheyr allaha idin siiyee waxaan idinkaga fadhinaa khudbada shiikh umal allah haka xafido waxii shar ahoo dhane

  17. illahey haxifdiyo shekena ,waligisa runta kamalexleexdo, cimir dheer iyo cibado suuban ayan urajeyna insha allahu

  18. dhagaysi maleh sxbyaal plz dhagysi soo galiya

  19. Mahad dhamaanteed waxaa iska leh ilaahay (swc) nnkh muxamed ibnu cabdillaah,ilaahhay culimada lalaayey hakawaraabiyo naxariistiisa waasica ah kuwa nool ee kaxuna ilaahay ha noo xifdiyo waa indhahayagii,waa qudwadayadii kuwa khawaarijta ah ee dilay sh c/qaadir nur faarax ayaa maanta khasaaray,wuxuuna kusugayaa aakhiro ee maxaad kaga jawaabi doontaa markuu alaah ku yiraahdo raoow waydii wixii ay igu dileen (al-shabaab)? maxaa su’aashaas idiinka diyaarsan? sii waydiiya culumaa’u suuda fatwootay dilka culimada kuna dhaha maxaan su’aashaas kaga jawaabnaa? alla wacnaan lahaydee anigaa ilaahay ii sahlay su’aashaa iyo jawaabteeda.

  20. Allaah ha xafido culimadeena sharta iyo makriga cadawga aay maleegaayaana haka badbaadsho,kuwan culimada dabar guraayana rabi ha fashilo oo haku bixiyo gacan kale mideey doontaba ha ahaatee oo ha dabar gooye

Leave a comment

*