Sh Xassan Daahir Aweys oo sheegay in dilka Sh.Dr Axmed Xaaji iyo Sh Cabdulqaadir Nuur uu ku fooraro Ururka Al-shabaab.[Dhageyso]

February 17, 2013 - Written by

xasan_daahirBaraawe:-Sh.Xassan Daahir Aweys ayaa xalay xiriir la soo sameeyey Shabakada Wararka Halgan.net waxaan uu ka  hadlay dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waxaana uu falkaas ku tilmaamay mid aan diinta Islaamka shaqo ku lahayn. Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu sheegay in Sh.C/qaadir Nuur Faarax uu mudo aad u dheer dacwo soo waday oo uu xitaa arday u noqday isaga oo sheegay in uu ka akhristay  Kitaabkii Saxiixa Muslinka ee uu Sh. C/qaadir Nuur Faarax ka Akhrin jiray magaalada Muqdisho .

Sh.Xasan Daahir Aweys ayaa ka digay ficilka noocaan ah oo shaniica ah waxaana uu umada uga digay Khilaafka , is Gaaleysiinta ,iyo baneysiga Dhiiga Muslinka gaar ahaan culimada Soomaaliyee  .Sheekh Xasan Daahir aweys ayaa ku tilmaamay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Shahiidu Salaah.

Sh. Xasan Daahir aweys ayaa sheegay in tuhunka iyo dilka Dr Ahmed Xaaji iyo Sh.C/qaadir Nuur Faarax lagu riixayey dhankooda balse waxaa uu sheegay in arrinkaas aan cidna kala tashan uuna u warhayn  aan loo dhamayn wuxuun xusay wadaadku in uusan ilaa hadda shaqsiyan uusan samayn wax baaritaan ah balse Tuhunka dhinacooda uu jiro.

Sheekh Xasan Daahir aweys ayaa sheegay dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyo rag culuma ah loo geystay uusan ahayn mid Islaamka uu qabo wax dan ah uusan u lahayn wadciga maanta ay Soomaaliya ku jirto ficilada noocaan oo kalena ay  ka dhaceen dalka Ciraaq oo markii Al-qaacid ay laayeen madaxdii ururada kale ee dagaalka ku jiray iyo odayaashii beelaha uu fashil ku yimid dagaalkii ka socday dalka Ciraaq. Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in ficilkaas haduu ka soo fulay wadaado iyo cadowba uu yahay mid uu bari ka yahay oo munkar ah uuna si adag u radinayo .

Ugu danbeyntii ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ku baaqay in alle laga cabsado oo la dhowro walaalnimada ,Islaanimada aana laga tagin cadaalada ,wuxuu kale oo Sheekh Xasan xusay in qof walba ay sugayso geeri oo aan la ilaawin geerida.


[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Xasan_Daahir1.mp3] Ama Halkan MP3

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

55 Comments so far

Leave a comment

  1. SHEIIKHA WUXUU SHEEGAYA BEEN WAA IN LA QABTAA OO LAGU XUKUMAA DILL.

  2. haddalka Xassan Daahir waa qiraal aduunka ah tii Aaqirone wey sugee maxaa yeelay maalin kasta waxow dhaxtaaganyahay meel alle diinkiisa looga been sheegaa kamana reebo kamana tago marka waxaa qabanaa xadiiskii (NNNKH) oo ahaa manra,a munkaran falyuqayir illa Aaqirul xadiis

  3. Asw akhyaarta allaha unaxariisto sheekh cabdulqaadir waqtigiisii ayaa dhammaaday.Intaas kaddib soomaalida waxaa heysata dhib aad uweyn oo baahday illaa hada aan ujoogno in sujuudii la,iskutooganaayo,waxaase xaqiiq ah in dhibkaan meel kasoo burqanaayo waa in la,isweeydiiyaa xaggee nalaga galay.Aniga hadii aan caqligeyga hadlo waxaan aaminsanahay in dhibaatada naheysata oo leh,burburka,barakaca,khilaafka,qaxa,qabiilka,cadaalad darrada,kabeensheegida diinta,in eey katimid iyadoo eey naguyaartahay inta xalaalquudatada ah.

  4. SC,walaalayaal warkan Hassan daahir ha loo daayo GOAAN culimaddu
    ay ka gaaraan.talooyinkan badani waa wixii ina rogey.
    midnimadda ha la adkayo kalataga ha laga dheeraado.

  5. AW YEA MR DAAHIR AWEEYS BIG ACTOR ………JILAAGA FILMKA ALQAEDA EAST AFRICA ….SOMETIMES THIS DAYS MR HASSAN WILL GET KILL NO MERCY FOR YOU!!!!!!!!!!!! SORRY

  6. asc bacda salaam ikhwani ninkaan sheekha ah meeel oo aada oo garan la,yahay asaga iyo roobow ba makuqanacsana fikirkaan godane lkn wa dad madaxnima bartewy xagana wax makahelayaaan

  7. waxaan dhihilahaa aleka baq oo isagasoobah nimanga umadii naafeeyaay oo aan ale kabaqayn hadaad run sheegaysid rabina utoobadkeen umada been ha usheegin waxaas aad daldalaysidna cidina kaamarabto alaha alshabaab nagaqabto alahamariyo alahana kumasabababoh wadaad danbe karusheeg ayaadka aad akhrinaysid qof islaamana dhiigiisa habanaysan subxaanalaah

  8. asc/dhamantiin/hassan waxan isaga ayaa wadenka keenay/hadana waa xabsi
    guri maba hadli karo/isaga iyo odeygii kaweynaa/ee hassan turki/
    haden ka saarto tii ilaheyna wey idin sugeysaa/shababka daalimiinta ilahey
    hanaga qabto/dhaqter culumo caruur/hooyooyin wariyaal/wax ay dhaafayan majirto
    waa in gacan bir ah lugu qabtaa/insha alaah

  9. shekh xasan waa runtii waxaa haysata arin wayn oo uusan dhana u badan karin maxaa yeelay wa nin max buus ah wuxuuna maxbuus u yahay ina godone iyo ragiisa ,sidoo kale mareekanka na halkaas ayuu ooga gabanaya marka dhana uma roono asag iyo rag kale oo badan marka dadka wa in ay saas oola socdaan

  10. asc aniga waxey ilatahay in shiekh xassan oo kahadlay

    wixii qalbigiisakujiray oo daacadka ah ee dadka qaar waakuxadgudbeen shiekha midakale haduu kasooboxo yuu utegee ayaguxataa qasab ayeey kuheystaan alle halagobaqo

  11. hassan daahir, koley wuu is beri yeelay, quluubtiisa ilahay baa oga, raad raaci mayno…..

  12. bismilihaa.
    Hassan ilaah xakuunaxariisto walaal Hassan ilaah kabaq oo waad otahay xaqa meesha uu jiro dadka aad maanta ku dhexjirtid ma ahan dadka aad moodaysid ee waa khawaarikh ka’soo bax oo u soo noqo dadkaagii.Hana ugu wacin inay yihiin rabaaniyiin ama wadaado walaahi dadka waxaan samaynayaa ma’ha dad jidkii nabimaxad haya ee waa dad u shaqaynaya jin ama evil. mar labaad waxaan Hassanow kuu nasteexaynayaa inaad meshaan falka jin lagu hayo aad isaga soo baxdaan intiina dadamada leh oo ay ka’midka yihiin ragaan aqaanay oo ka’mid yahay abdulaahi ali xaashi, jamac abdisalaan, margaranayo ragaa gadaashay waxa iska badalay laakin waagii iigu danbaysay waa qumanayaan.nin yahay waad aragtaa oo meshaa ragaad ku abtirsanaysid maanta culumadii ayey dhiigoodii daadinayaan waxana ku adacoonayaan inay yihiin rabaaniyiin. Ilaahow nasag oo xaqa nagudil.

  13. aad iyo aad baan uga tiiraanyeysanahay dilka sheekha aadna waan uga naxay
    waxaan ilaahay uga baryayaa inuu ilaahay janadiisa ka waraabiyo
    sheekh xassanna midbaan leeyahay xoog iyo xinniinyo waxaaad leedahay isugu gee sidii aad u dabo gali lahayd daalimiinta u adeegaya cadawga
    ilaahayna ummada xaqa ha tuso

  14. ASC dhamaan akhyaarta. Intaas kadib waxaan ka tacsiyayn geerida Sh A shahiid C/Qadir Nuur Faarax. Sh Xassan Daahir Alle ha dhawree waa daaci asaga oo ku dhex jira nimankaas SHUFTADA ah ayuu markasta kula diriraa waxa uu awoodo. Tusaale Allaha u naxariistee Sh ABDULKADIR NUR FARAH dhagaysta qudbadii uu kajeediyay aaskii DR AHMED HAJI ABDIRAHMAN oo uu kuyiri waxaa dilkiisa kadanbeeyay nimankii Baydhabo kushiray marka laga reebo SH Hassan Dahir sidoo kale qudoobiyinkii kadanbeeyay ee halgan.net baahisay ee sh. Hassan ku reebayay banaysashada Cayda Culimada. Yaan caddalaada laga tagin majiro Ruux geesinimada SH Hassan daahir oo kale leh oo u bareeri kara halista uu u bareero.

  15. s/c hadalka hassan daahir waa ka daacad shaqsiyan asaga waa nin mowqifkiisa aan isbadalin ilaa iyo waqti hore ilaa burburkii siduu u dhacay waa nin ku dhaganaa fikirka ku dhaqanka shareecada wadanka in lagu xukumo ay ka daacad ahayd,balse mabaadiidaas waxaa si xun oo dhaqan xun u tarjuntay qolooyin maslaxooyin kala gooni ah,sida shabaab oo kale ayaa si qaloocan u qaatay,sidoo kale qolooyinkii jabuuti u leexday oo shariif hogaaminaayay,marka wadaadka waxaad ka garan kartaa qolo walba uu soo dhaweeya ugu danbayn ayaga ayaa qaniina midaas ayaa tusaale idinkaga filan,wabilaahi towfiiq.

  16. bismilaah.intaa kadib waxa jira diinta islaamka wax hadii qof kudhaco dhiigu banaanyahay ninka xassan laiyidhaa culimad asoomaliyeed ayuu gaalisiiyey kadib waxay banaysteen dhigoodii waxa kamida hadalkiisii :waa murtidiin “waxalagu la dagaalamyaa fil xilli wal xaram hadaan ninkaa hangool faraaro leh layskaga qaban waxbaa kadambayn

  17. ha kadayrinina illhay ayaa haya hadaayadee illhayna aynu ubarino inuu soo hadeeyo waxwalibana wakhti ayay leeyihiin ay dhamaadaan alshabaabna hada way udhamaatay ha loodiyaargarobo sidii loo baabiin lahaa iyaga yo fikirkooda khawaarijnimada ah oo yaan culimada lagu eegin waxa

  18. Asc walalayaal. Aniga wan dhagaystay hadalka sheekh xassan daahir. Hase ahaatee dareen ahaan waxaan filayaa inay jirto cilad ku gaar ah asaga oo uu yahay nin xaniban. Xoogna lagu haysto runta wanagsane wabillaahi towfiiq.

  19. Qofka waxaa lagu xukumaa hadalkiisa, qof ku leh anigu wax kama ogi ma u malaynayo in korka laga saari karo. Midda kale Sh. Hassan waxaa lagu tiriyaa dadkii ku dhaganaa fikriga Jihaadiga ah oo ahaa in wadaadadu ay tababartaan oo hubka qaataan, fikirkaas ayaa soo maray marxalado kala duwan waxaana hadda ugu dambaysa middaan ay dadkii magaca wadaadada sheeganayay ay islaynayaan, oo hadda yaabku waa in masaajid lagu dilo shiikh ka mid ah dadkii Soomaaliya Saxwada keenay isla markaasna uu Shiik kale oo isna ka mid ahaa raggaas uu beeninayo inuu isagu dilay. Marka waa Fitno qofkastoow ka fakar inaadan ku dambaabin adiga oo xanaaqsan ama caadifad ku hayso. Markii Aakhiro la tago qofkasta isaga ayaa lala xisaabtamayaa, mana filayo inay su’aalaaha aakhiro ku jirto in lagu waydiiyo qof kale dicil uu samaeeyay. Marxuumkana Ilaahay ha u naxariisto haloo duceeyo. Sh. Hassana Ilaahay xaqa ha tuso

  20. Xasan daahirow iskaga har kooxda alshabaab hadaad run sheegayso ood rabto in wax lagaa dhagaysto inta aad ku dhex dabaalanayso dhiiga muslimiinta waxba kaa dhageysanmayno.

  21. aamiiin yaa rabbii illahow culumada inta noohartay noo xifdi xaqqaaga ıyo cizka diiintaba koryeeel adaa balan qaaday in aydiintu cizigeeduba ay kor ahaan doonan

  22. alaah kabaqa oo xusuusta qabrigii madoobaa xaqa aloow iftiimi,

  23. sc oo ah abuabdala waxaan leeyahay sheekh xasan dahir wax badan ayaan sharafkaaga difaacay oo aan dad badan ku kala go,nay waxaa iga su,aal ah aaway saaxiibada sida ahmed xaaji abdirahman. maxamed idris seediga sheekh cali warsame iyo dad badan oo saaxiibada ahaa mawaxad ka dooratay ina godane iyo khawaarijta in aad u noqoto makarfone waxaan kugula talin lahaa is daba qabo sc

  24. asc
    meeshaan wxaa cad iney al shabaab ey sameeyeen dilkaan ,waliba fatwadi ninka xassan ladhaho ma ahan sheikh waa kalab diin waxna ka aqoon,wali naar baad rabtaa adiga leh masuuliyada anigaa qaadi ha ladilo culumad,
    tankale waxaad halkaan u maleysaa al shabaabo iney war is ka heyn sida odagaan u hadlaayo,shaikh daahir aweys ka imow meeshaas waa meel foolxun,cid ku dilimeyso,lakin dadkaad la joogto yeeyna u eersan nin waayeela baa tahay ,waadna dhiman,qofkasta waa jamacadiisa .

  25. Ascww soomaali Maxamed, salaan kadib soomaaliyeey dad badan oo wax akhriya waxna qora ayaan fahmeynin waxa Soomaaliya ka jira marka Soomaalida alqaacidada munxarifiinta raacdey iyo Soomaalida gaalada raacsan ma ahee aawey soomaalidee kale? Aawey culumaauddonkii? Aawey aqoonyahanadii? Aawey cuqaashii? Marka Soomaaliya ma waxaa loo deynaa labadaas kooxood? Suaasheyda jawaabteeda aa qof walba oo soomaali ah oo waxgarad laga rabaa mida kale qof walboow xusuusnoow Xafiiska nabigeena NNKHA uu ku yiri” Qofkii Allah iyo maalinta Aakhira rumeeyey haku hadlo kheyr ama ha iska sameyso”. Wabilaahi Towfiiq

  26. waad ogaan doontaa alshabaab bahalimadooda sheikh Hassan Daahir gudhiisa ayay birta saari doonaan kol dhowna waxaad maqli doontaa Sh Hassan Masbaa qaniinay ama miinaa la kacday iyagoo leh kuwaas meel ay kasoo jeedaan ama madhab ay aaminsanyihiin midna lama yaqaano waa Booba oo dila yaa wadani mooryaantii isbaarada dadka ku dilaysay iyagaa meel fariista yiri sababtoo ah biskoolad safraysa oo gobol ka gobol culumo dhiigooda lala safrayo ayay keeneen waa olole aan horay somalia usoo marin oo argagaixiisa leh alloow adigu awoodaada kuwaas ku cirib tir adigaa qaadiree culumaday dileena qabriga u nuuri oo u waasici allow naxariistaada janno ka waraabi Sh Dr Ahmed Haji Abdi-rahmaan Iyo Sh Abdulqaadir Nuur Faarah alloow culumadeena kale ee noolna shartooda ka xijaab aaamiin yaa allaaaah

  27. shiekhu naftiisa buu beri yeelay cid kale kama hadlin

  28. Sh.Xasan waa iska beri yeelay dilka culimmada, lakiin maadaama ay arrinta dilka culimmada ay fuliyeen kooxda Alshabaab isagana uu ka yahay sarkaal sare beri kama noqon karo dhiigga culimmada iyo muslimiinta ay maalin walba dilaan. Waxaase u habboonaan laheed marka hore inuu ka beri noqdo ururka Alshabaab
    Alshabaab baan ka tirsanahay dhiigga Dr.Axmad Cabdiraxmaan iyo Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaan beri ka ahay cidna caqli leh kaama rumeysaneyso.
    Labada Sheekh Allaha u naxariisto, dembigoodana ha dhaafo, Jnnadana ha ka waraabiyo

  29. SC, Dadka la soo indha cad in Xasan Daahir faro ku gabad yahay mid baan dhihi lahaa, isagana mid baan dhihi lahaa. Xasan haduu cabsi uu ka qabo Shabaab uu xaqii u inkiray oo uga hadli waayey waxa eey Shabaab umada ku hayaan, dee isageey islaanimadu daacad ka aheyn. Waxuu ilaaway in Ilaaha wax dilo, nooleeyana. Qiil uma noqononeeyso maalintuu Ilaah hortiisa tago, inuu yiraahdo cabdi baa ii geeysay inaan xaqa ka leexdo. Ina Daahir Aweysna waxaan ku dhihi lahaa “Qansiirka cunidiisa waa iga xaaraan, laakiin berkiisa iyo wadnahiisa ii xalaal ah” meel ma wada galaan. Shalay soow maadan xalaashan dhiiga muslinka ee lagu qubay Hotel Shaamoow, soow maadan kor iyo hoosba u dhihin dhiiga shacabka, kan culimada, wax garadka, caruurta waa lagama maarmaan in la qubo si aad mowqifkaaga u garto. Maxaa baroorta keenay markii Sheikh C/Qaadir Nuur la amaamusiyay?.

  30. alle ha u naxariisto shiikha , sh xassan daahir aweeysna hadlkiiisa waxaa kamid ahaaa dilka shiikha in eey kadnbeyeen cadaw daaqil ah iyo kuwa dibada ka yimaaaday run ahaanti hadalkaaas waa mid qiima leh waana runtiiisa cida caadeysaty leeynta culimada halaka eey kayimadeen dalka guduhiisa ma ahan ee waadibadan somamliya weligeed wadaad shiikh ah in loo dilo qabiil ama si kam inkastoo eey jiraaan wadaado ku dhintay si shil ah ,laakin arinkaan bareerka ah waa shekdaii alqaacida alle ayaana kamagan galany fidnadoooda

  31. marka hore waan ka tacsiyey naa geerido waa xaq qofwaliba waa dhimanaa ,, hassan daahir war kiisa qabasho malahan waa nin ku dhuumaley sahaayo baraawe iyo jilib wax ba yow san calool jileec idin ka gelin wuxuu laayay dad garaya ilaa 10.000 somali ah nimankaa waa naf lacaari haleys raaciyo yaan laga baqin

  32. inaalilaahi wainaa ileeyhi raajicuun allahuakbar shiek ween ayaa na ga dintay ilahey ha u nahariistu.

  33. Sh Xasan waxaan oo khalqi ah oo adooma allah ah iney wada khaldan yihiin oo aad adiga saxan tahay sax ma ahan ee go,aan degdeg ah ka qaado

  34. khawaarijta meeshaa ku aragtaan guba! intaysan idin qarxin.

  35. Sh HAssan Daahr isagaa fara ku gambad ah kuwa u lajoogo ma jecla fikirkoda haduu ka so tago cid uu isku aaminaayo majirto waa nin daaci ah haduu hadal ka dhaho kuwa la joogo ayaa khaarajinaayo waadna ogaan doontaan ninkaas wa nin daacad ah kuwa uu la joogo ayaa dili doona runta ayuu sheegaa war jiraaba cagaaro ayuu iman

  36. Waxay ani ila tahay adhi daasad kama waynaado ayaa hore loo yidhi

    waxaa muuqata in marba sheeekha la dilo uun loo ooyayao,laakiin aan ilaa imika culimadu aynan soo saarin fatwo ku haboon sida loo ga hortagayo shayaadiinta

  37. Xasan daahir aweys sheekh maaha wuxuu ka tirsan yahay koox daadisa dhiig muslim dalkana u horseeday in ay joogaan ciidamo gaalo ah. Kooxdan afhayaan waxaa u ah Cali dheere isagu ha hadlo ileen godane waaba isqariyaaye wax la qariyaa qurunbaa ku jira hadduu daacad yahay muu dadka is tuso.xasan iyo abumansoor waxay ku jiran xabsi xorna maaha.

  38. walayaal sh xasan wali manhajkiisu waa roonyahay waxaadkaloo ogaataan walaalaha leh muukasoo baxo haduu kasoo baxo xaguu adaa miyaydaan caqlilahayn ,teeda kale ha sugiwaayina shabaab iskumid maahan oo qaar caaqibileh aya akabuuxa waxayse dhibatadu katagantahay kooxda ilaahay kafuratay oo khawarijta dhiigyacabyada aoo uu ina godane iyo kuwa xeeran oo looyaqaan amiyaadka ilaahay waxaan kabaryaynaa inuu kuwaa namakaniyo abaalkooda halaga waraabiyee WAA GAR WAAGARIWAA NIN WALBA WUXUU GEEYSATBAA LAGA GOYNAA WABILAHITAWFIIQ

  39. acww, walaalayaal sh xasan daahir armuu hostage yahay oo qudhiisu qafaalanyahay oo uusan hadli karin? sida xaqiiqda xasan dahir awayas meel baa lagu hayaa nin amar iyo nahyi midna leh maahan waa nin god ku dhacay oo qudhiisu dil suge ah.

  40. shiiqa hada kama soobixi karo waa xabsi guri

  41. sheikh xasan dahirow waxan kugula talin lahaa hadaad d
    diiday ficilka shabaab iyo dhiiga ay maalib walba faraha. kulalajiraan
    kasoo tag oo u imow shacabka soomaaliyeed si aad murugada ula qaybsato hadaadan saas yeelin dee garan maayo si aan kaaga rumaysano ereyada fiican eed sheegtay ninka culimada soomaaliyeed dilaya inaad isku magac wadataan maqanciso shacabka somaliyeed

  42. asalamu calayku marka hore waxaan la yaanahay xasan dahir isagoo sidaa wax kasta u og hada wuxuu la safanyahay kuwa dilay shiikh c/qaadir waxaana nasiib daro ah in uu ilaa hada uusan ka bixin hadalkan iyo ayadahan kama saarayso waxa uu ku jiro waxaan oran lahaa hadi ay kaa dhab tahay isaga bax umada somalina sharaf baad agtooda ku yeelan ilahayn waa danbi dhaafe naxariis badan

  43. Ascw,
    aniga waxee ila tahay Xasan Daahir in asiga laftirkiisa uu alshabaab kor uga mid yahay aanan wax war ah ka heeynin waxa ee sameeyaan xitaa waxaa ila muuqato in uu halis ku jiro naftiisa.

    Umada waxa ee u socotaa meel aanann la garaneeynin

  44. Waxba Yaan loo walwalin Umuuraha Sodaa, Maxaa yeelay Waa kala bax iyo Culuum AMA Duruus noo dhimanyd, Hadii aan Si kale u Iraah Manhajka Khawaarijaa Ummadu wax ka Baraneysaa! Shabaabna Waa Dad isku jira ee way kala soocmi doonaan,
    ولتستبين سبيل المجرمين

  45. anigu dhagaysan maayo ninkaas warkiisana marabo ilaa uu mujrimiinta kasoo tago ama kabari noqdo oo ay xiraan ama uu gacantooda asna kushahiido haduu run sheegayo sababtoo ah asaga iyo shiikh a.qaadir isku manhaj ayey ahaayeen intuusa balada godkooda galin
    ha kasoo fakado kursi waqti uu raadiyo uma harin shiikh xasane quraankiisii iyo qiraa aadkiisii ha iska raayiciyo koley wax badan kadhumee

  46. asc salaam kadib walaalayaal waxaan dhankayga kaga tacsiyaynayaa sh c/qadi nur farax ALLAHA U NAXRIISTO JADISANA HA GALIYO.. wixii dilana allah hasoo ifiyo si looga jaro jariimadaas waynanka badan
    Kadina markaan dhagaystay kalimada shiekh xasan dahir wax al shabab uusoo hadal qaaday inaanay jirin, sidaa darteed waxaa wanaagsan hadalka sida sheikha u yiri inaan waxba lagu darin waxna laga jarin waa mahadsantihiin……

  47. ASC, IKHWATILKIRAAM.

  48. asc culimada dhiigoodu waa sun cidii urisa wey ku sumawdaa cidii dhadhamisan wey ku dhimataa mana qarsoomi doono insha allah xassan dahir iyo abu mansuur wey khasbanyihiin xagey aadayaa haday kasooo baxaan

  49. maxuma hadalka xasan dahir lakin udhawee iney asne dilaan

  50. sheekh xasan daahir waxaa dibaato ugu filan inuu maanta la saf yahay kuwii dilay sheekh c/qaadir oo uu ogyahay qiimaha uu u lahaa dacwada iyo faafinta manhajka saxda ah, inuu ka tacsiyeeyo dilka sheekha waxaa uga habboonaan laheyd inuu aakharadiisa u daneeyo uu uu ka bari noqdo kooxda ashahaado la dirirka ah ee culimada masaajidda ku layneysa.
    anigu sheekh xsan kama fileyn wax aan aheyn inuu yidhaahdo anigu shabaab bari baan ka ahay ma rhaddii uu xaqiiqsaday in ay sheekhii dileen kama fileyn inuu geerida sheekha ka hadlo isaga oo cod shabaab ku hadlaya oo odhanaya innagaa la ina tuhmayaa.
    inta aan ka naxsanahay gerida sheekha waxaan ka yareyn inta aan ka naxsanahay sheekh xasan oo cimri geeriyaad jooga oo la safan koox uu ogyahay in shaqada ay hayaan ay tahay in la cidhib tiro wax walba oo qiime u leh umadda soomaaliyeed oo culamada iyo diintu ugu horreeyaan.
    sheekh xasan lagum baran nin cabsada laakiin barasho ayaa inoogu dhimmaneyd aad baan ula yaabay hadalka aan macnaha laheyn ee uu ku hadlay tolow ma xabbad baa dhafoorka lagaga hayay? aad baan u jeclaa inuu iska aamuso haddii uuuna xaqa uu ogyahay caddeyn karin.

  51. waxan wali shaki badan kasi qaba in ay layan culumada dad sameyana way yihin marka sh xasan dahir xo ogal wuyahay lkn waxan kabaqanaya inta xita hada lajogto in aysan cafiyayn kuwani wa nahalo wa uagarsato NJOga waxu kagalay laynta wax garadka digtoni haqaben umada somaliyed sidi lashegayna ha ilashaden culimadoda ilashta dahabna way ka qalisanyihin samaysta istaaf usameyana istaaf allahu fadexey allahu ku ciqab adun iyo akhiro allahuma amin

  52. Iloowsho dhowaa ma umulbaa. Oo markuu ku gumaadi jiray muslimiiinta masaakiinta ah Xamar ma xasuusan jiray Geeri iyo ilaahay. Allah maxaa dadka filin loo ciyaarayaa. Waxaan leenahay xassan daahir aweys.

    باس ما سلكتم

    باس ما صنعتم

    hoog baad shaqaysateen. Adigu ilaahay u toobadkeen horta oo u noqo intaadan dad ku oran.

  53. Xassan dahir aweys khawaarijtuu ka mid yahay waxbaa yuusan siyaasad isticmaalin. Xataa haduusan wax ka ogeyn fikirka shaabaabku qabaa somali la gumaadayana ayuu oran jiray waa iska caadi.

    Waa dhiigyo cab waxba yuusan ku dhuuman.

  54. Xassan daahir haduu run sheegaayo haka soo tago khawaarijta wuu ogyahay inay ayaga yihiin Kuwa wax dilaya maalin walba wuuna la sii joogaa.

  55. asc wr wb aniga kolay ninkaa odayga ah ee xasan warkiisa maba jecli waa nin wayn oo mawqif lahayn waxana kaaga filan maanta meel uu u ciirsado ma yaqaan marka warkiisa qiimo male allaah hasoo hadey

Leave a comment

*