Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe

February 15, 2013 - Written by

Sh-CqaadirGaroowe:-War goor dhow soo gaaray Shabakada Wararka ee Halgan.net ayaa sheegaya in allaha u naxariistee Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah Culumada ug waaweyn dalka Soomaaliya lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.  Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ugu waawayn dalka Soomaaliya,ayaa waxaa lagu dilay masjidka gudahiisa  sida warar hordhac ah ay nagu soo gaarayaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa horey ugu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Sh. Dr Ahmed Xaji C/raxmaan Raximahulaah waxaana fatwada lagu dilay culumada Ictisaam bixiyey Sheekh Xasaan Xusen ka dib markii uu ku xukmiyey in ay gaalo yihiin .

Dilka Sh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa sidoo kale waxaa qeyb weyn ka qaatay warbaahinta iyo website taageera Ururka Al-Shabaab iyaga oo mar walba sheegi jiray in uu la shaqeysto Maamul rida ah kana soo horjeedo diinta Islaamka.

Halgan.net ayaa si faahfaahsan u soo gudbin doonta qaabka uu u dhacay dilka Sh.C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah.

M_M Deeq
Halgan.net

58 Comments so far

Leave a comment

  1. inalilaahi wainaa ilayhi raajicuun kuwa dilay shiikh c/qaadir
    waa culimada somalia u
    gu waaweyn kii dilay waa in sidagdaga loogu xukumaa in ladilo laascanood

  2. inaa lillaahi wa inaa ihai raajucuun ilahay shiikha samir iyo iimaa laha ina ka siiyo isagan janadii fardowso ilaahay ha geeyo shiikheena gacan ka xaqdaran ba dishey

  3. Inaaa ilahi wainaahirajuuun

  4. innaalilaahi wa innaa illaahi rajucuun sh/c/qaadir nuur gacamay alle sw jadiisa fardowsul aclaa haku soo dhoweeyo ,maaigo u adeegana ha siiyo ,gacan ka xaq daran ayaa dishey ,kuwii dilki sheekha ka denbeeyeyna alle sw haduu kheeyr la doonin duunka haku fedeexooyo aakhiro iyo aduun beel alle sw siiyo ,ehelkuu ka tagayna sabir alle sw haka siiyo anagoo dhan ayuu naga wada tagey,gadaalkiisana alle sw nama fidnooyo aamiin aamiin amiin

  5. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
    ‘Surely we belong to God and to Him shall we return
    May Almighty Allah dwell him in Jannatul Firdaus Ameen
    Aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamen

  6. Inaalillaahi wa inaa ileyhi raajicuun
    laakiin ninkii cali binu abiidaalib masjidka kuhordilay ama cusmaan binu cafaan dilay shiikh abdulqaadir inuu salaad kudhex dilo ma layaabaysaan
    aniga waxaa iiga daran wadaadada shiikha ardadiisa ahaa oo nimankaan tirtiri kara oo fiirsanaya ayagoo hadba shiikh la dilayo war ragbaa alle idinka dhigaye nimanku diin iyo alle doona mahaystaane iska dhiciya
    meesha alshabaab ay wax kuqoraan ayaan galay aad ayaad uga dareemaysaa say ufarax san tihiin kuwa halaagsamay oo alle kafogaaday inta taageerta alshabaab alle caradiisu haku dhacdo hadaysan kabari noqon intay goori goortahay aamiin

  7. إنا لله وإنا إليه راجعون
    اللهم اغفر له وارحمه، وعافه، واعف عنه، وأكرم نُزُله، ووسع مُدخلهُ، واغسله بالماء والثلج والبرد، ونقه من الخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس، وأبدله دارًا خيرًا من داره، وأهلًا خيرًا من أهله وزوجًا خيرًا من زوجه، وأدخله الجنة، وأعذه من عذاب القبر ومن عذاب النار.

    We never get our great Sheikh He was one of the foundations of Dawa in home .

  8. inaa lilaahi waa inaa ilayhi rajacuum alle naxariistii jano haka waraabiyo sheikh cabdi qaadir nuur farax oo manta koox gardani ku dishay magalada garoowe allah swt waxaan u waydiinayna inuu janadiisa ku casuumo sheikha dadkii dilkaa foosha xun gaystayna soo qabto

  9. Allaha u naxariisto Fadiilatul Sheekh A.qadir Nuur Farah. waxa uu kadhintay soomali oo dhan gaar ahaan reer Puntland.
    waxa uu dalka iyo dadka uga tag dhaxal diini ah iyo ducaad sii wadi doonta manhajka suuban ee islaamka

  10. إنا لله وإنا إليه راجعون

    اللهم اغفر له وارحمه، وعافه، واعف عنه، وأكرم نُزُله، ووسع مُدخلهُ، واغسله بالماء والثلج والبرد، ونقه من الخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس، وأبدله دارًا خيرًا من داره، وأهلًا خيرًا من أهله وزوجًا خيرًا من زوجه، وأدخله الجنة، وأعذه من عذاب القبر ومن عذاب النار.

  11. as wr wb
    dhamaan umada islaamka iyo umada soomaaliyeed ayaa uga tacsiyeynayaa geeridi naxdinta leh ee kutimid caalimkeena.
    alle weyne ayaan uwaydiinayaa in uu u naxariista jano ugu deeqo marxuunka.
    sidoo kale samir ka siiyo ehelkiisa.
    inta uukatagayna allaha uxafido kamana fidneeyo amiin.
    kuwa ku lugleh dilka caalimka hadii alle hanuun uqoray ha hanuuniyo, hadaan alle uqorina haka qabto umada islaamka iyo diinta islaamka.
    as wr wb

  12. allah u naxariisto shiikha waa shahiid ..salaadii casar buu ku jiray wuxuuna la dul istaagay baaskoolada isagoo sajuudaya oo rakcada dhamaystay,, gacan kudhiiglihii inuu baxsado bu isku dayey lakin waa laqabtay dhowr buu dhaawacay gabadh iyo labo wiil kadib dhalinyaradii magalada oo labadaas iyo qof kale kujiraan baa soo qabtay gacan kudhiglihii iyagiina waa dhawaac culus illaahay ha u sahle..

  13. INAA LILLAHI WA INAA ILLAYHI RAAJICUUN INAA LILLAHI WA INAA ILLAYHI RAAJICUUN ILLAHAY WAXAN UWEYDIINAYNAA NAXXARIIS WAASACA IN UUSIYO WIXII DILAYNA ILLAHY WAXAN UGA BARYEYNAA IN UU HALAAJIYO ADUUN IYO AAKHIRABA WAXAY NAGA LAAYEEN CULUMADII MALIN BA MALITKA KADAN BEYSA WAXEY DILAYAAN SHUYUUKH ILLAHAY ALSHABAAB MELAY JOOGTO HALAGOOYO IYAGA WIXII RAALI KA AHA OO U HAYSTA WAXAS IN UU JIHAAD YAHAY AMA UXAYSTA DIIN IN AY KU DHAQMAYAAN MASIIBO HAKUDHACDO MARKAY DILEN SH DR AHMED WAA TII MASIIBO BAA BI ISAY BADANKOOD INTII KAHARTAYNA MANTA TAN SH C/QAADIR HA UBAA BA EEN INDHAHAY NAGATUUREEN INDHAHA ALLE HAKATUUREE

  14. INAA LILAHI WAINAALILAAHI RAAJUCUUN SHEKHA ALAHA UNAXARIISTO CIDA DISHAY ALAHA SOO MUUJIYO INTA KALANA ALAHA BAD BAADIYO

  15. Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun ilaahay ha u naxariisto sh c/qaadir nuur faarax oo janadii uu firdowsa ilaahay ha geeyo xusnul khaatuno ayuuu sheekhu ku dhintay ilaahy sidiisa oo kale xusnul khaatumo nagu oofso sheekhu waxa uu ku jiray salaadii casar oo faral ah ilaahy ha u naxariisto

  16. allaha unaxariisto sheekha kuwii dilayna jasadooda allaha siiyo

  17. inalillaahi wa inaa ileyhi raajicuun alle subxanahu watacaala ha u naxaristo janatul fardowsal aclaana alle ha geeyo sheekhena sh cabdulqaadir nuur faaxar

  18. inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun shiikh Abdulkadir ilaahay ha naxariisto saacaddiisii ayaa soo dhammaatay, laakiin waxaa isweydiin mudan ragga waxaas samaynaya rag reer puntland ah ayaa guryahooda ku haya iyagoo og waxa ay u socdaan dawladduna waa ogtahay waxna kama qabato oo waxaa la yiraahdaa labo qabiil baa isku dhacaysa ee ina ka daaya, waxayna ahayd dadka noocaas ah in waalidkood toogtaan meesha ay ka qarinayaan haddii aysan dadku dantooda fahmin waxaa u danbayn doona hoog iyo halaag.

  19. innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun alle sheikha ha u naxariisto qof wanaagsan buu ahaaye, alshaab na alle umadda haka qabto.

  20. Inaa LILAAHI WAA INA AILEYHI RAAJICUUN ALLAHA U NAXARIISSTO. SHEIKH

  21. As wrx wbr

    Inaalilahi wa inaa ileyhi raajicuun, waxaan hawada u marinayaa tacasi dhamaan ehelada iyo caruurta iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee sheikh uu u ahaa sheekh waxaana leenayahay ilaahay janada farowsa ha ku arsaaqo dacwadii uu ka tagay iyo magaaldii uu ka geeryoodayna samir iyo iimaan ilaahay ha ka siiyo, laakiin waxaa hubaal ah in ilaahay fashili doono sida uu u fashilay kuwii dilay sheikh Dr axmed xaaji abdirahman waxaan leenayahay ilaahay labadaas sheikh ee dacwada lafdhabrta u ahaa kuwii diley ha qabto umada wax kale kuma wadaan ilaa fasahaad iyo diinta ilaahay oo ay ehelkeeda la dagaalamaan mooyaane wax kale ma yaqaaniin ilaahay umada haydka qabto

  22. INNAA LILLAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN afkiibaa juqda gabay musiibo weyn ALLOW kheyr nooga dhig caaligkeyniine ALLOW kutubkiisa midig ka sii

  23. Innaalillaahi wa innaa ileyhi raajicoon allaha unaxariisto sheeqeyna allana waxaan ka baryeynaa inoo cimrigooda soo dadajiyo kuwii ka danbeeyay dilka shiikha

  24. inna lillahi wainna illeyhi raajicuuun illahay swtc ha unaxariisto dhamaan shacabka somaliyeed ee muslimiinta iyo qarabiiiii uu katagay samir iyo iimaan allah haka siiyo amin mida kale waxan maqlay gacan kudhiiiglihiii walahayaa eee warkaas marunbaaa yaaa wax war ah kahaya

  25. alla ha u naxariisto shiikh a/qaadir janatul firdows haka waraabiyo kuwi dilayna alla ha so qabto

  26. Inaa lilaahi wa ina aileyhi raajicuun …allaah u naxariisto Shiekh … Allaah naga qabto kuwaan caadeestay in ey culumada ladagaalamaan …

  27. allaah u naxariisto sheekha kuwii dilayna waa khawaarij in la laayo waaye dawadooda.

    War nimankii dilay sheekha ma la qabtay….reer garowe war dhamaystiran na soo gaarsiya.

  28. Innaalillaahi wa innaa ilayhi raajicuun waxaa shahiiday caalim wayn oo loo ooyay allaah ha unaxariisto gacantii dhiigiisa gashayna ilaahay ummada ha icadeeyo alow jannatul firdos daji adaa awoodee

  29. inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun
    ilaahay sheekh abdilkadir janadii haka waraabiyo
    waxaa dishay gacan ka gardaran
    waxaase dhibaato ah dilalkan lagu ugaadhsanayo
    indhihii umada somaaliyeed waxaana la rabaa
    in umada lagala dagaalamo dhinnaca culuma udiinka
    oo la dilo cid kasta oo aqoon u leh diinta islaamka
    si ay iskugu soo hadhaan dad juhala ah
    oo diiinta islaamka aan waxba ka aqoon

  30. asalaamu calaykum salaan kadib ilaahay ha unaxariisto sheekhunaa al-faadil cabduqaadir nuur faarax waxaan urajaynaynaa khaatumo wanaagsan inuu kudhimtay asagoo dacwada garkiiso kuciroobay diintana usoo shaqeeyay nolashiisii oo dhan ilaahayna oofsaday maalin jimca ah oo waliba saalaad farad ah tukanaya wallaahay waa khaatumo wanaagsan hadana waxaan rajaynaynaa inuu ilaahay shahaado uqoray maxaayeelay wuxuu kugeeriyooday qacanta khawaarijul- casri qalbigu wuu namurugoon ishuna way ilmaynaysaa mana dhahayno waxaana ilaahay raali galinayn , waxaana leenahay inaalilaahi wainnaa ilayhi raajicuun .
    intaa kadib waxaan ugudbinayaa walaala halgan maamulaha in ay iga gaarsiiyaan fariintaan kusocota culumada soomaliya ee dacwada salafiga utaagan fidinteeda
    waxaan leeyahay arintu way cadaatay waana in culumada iyo ducaad soomaliya jooga iyo kuwa yurub ay u istaagaan si fikirkaan looga hortago oo muxaadirooyin laqato oo lacadeeyo fikirka خطر خوارج العصر
    waana in looga hortagaa sida ay uga hortageen fikirkaan culumada iyo ducaada sucuudiga waa in aan kucibra qaadano waxaana dhacaya hadda waxaa nooga soo horeeyay wadamo muslimiin ah gaar ahaan sucuudiga oo culumo iyo dawladba ay kahortageen .
    waa in khatarta fikirkaan uu leeyahay lacadeeyaa خطر خوارج العصر
    walaalaha halgan ha igagaarsiiyeen culumada dacwada salafiga utaagan lagana hortagaa fikirkaan .

  31. Inalilaahi wainaailayhi Raajicuun,. kuwa dilay sheekha waa maroodi takarta saaran ma arkee takarta kaluu arkaa nin muslim ah oo Ashaahaadanaya masjid (gurigii Ilahaay) kudhexdil maxaa danbi ah oo kawayn. Sunhaanalaah,.

  32. asalaama calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu
    innaa lillaahi wa inaa illaahi raajacuun
    allaha u naxariisto marxuum shiikh c/qaadir nuur faarax, gacan aan qadarkiisa garanayn, baa ku gardarood falaye, waxaan tacsi uga dirayaa umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto, gaar ahaana eheladii shiikha, waxaan talo u soo jeedinlahaa umada ilaa mataaba culimada nagu qaaligaa horteena lagu jarayaa, sh. axmed mee? maantana waa sh. c/qaadir. miyaynan jirin cid uu dhibayo laynta culimada.waa in lahelaa qaabkii culimada loo badbaadin lahaa, kuwa jarayaa birma aha ee bashar. wacyi galin kaafi ma aha, iyo da’yarta oo la waaniyo oo ladhoho ka reebtooma filciladiina, ee waa amniga culumada la sugo, meelaha ay ka imaanayaan gacan ku dhiiglayaasha waa in loogu tago oo wax laga qabto.
    acw.

  33. Inaa lillaahi wa inaa illaahi raajicuun ilaahay ha u naxariisto sheekha Cabdikhaadir, samir iyo imaan allah ka siiyo qoyska sheekha, eheladiisa iyo dhamaan ummada soomaaliyeed.Kuwa filcinkaan geeystay iyo ku ku lug lahaa illaahay haku facshiro aduun iyo aakhira amiin

  34. انا لله وانا اليه راجعون,رحم الله الشيخ وأحسن مثواه

  35. أنا لله وأنا اليه راجعو ilaahey ha unaxariisto sheikh cabdulqaadir nuur faarax nagana ilaahey samir iyo iimaan hanagasiiyo أنا لله وأنا اليه راجعو indhuhu waa ilmaynayaan qalbiguna waa tiiraanyoonayaa wax aan ilaah raalika haynse ma oraneyno yaarabi soodedeji halaaga kuwabanaystay culumada dhiigooda ilaahayow aduunka ku cadaab umadaadana kaqabo

  36. kuwa shiqa dilay ilahay ha caraabo aaqiro amin ani somalia maku dalan lakin shiqa waka naxay hoyady abahay ka maqlay shiq yasha inalilh wainalilh rajicun

  37. Ina Lilaah wa Inna Ilayhi Rajicuun, Naxariistii Janno Allaah Ha Geeyo, Rabbi Fardowsa Ha Ku arsaaqo, Gacan ka xaqdaran baa Dishay SHEIKHA,
    Masiibo deg deg ah haku dhacdo, cidii dishay, cidii amartay iyo waxii ka shaqeeyey,

  38. SHEEKHU WAXAA LA DILAY ASAGA OO TUKANAYO RAKCADII AFARAAD MARKUU U RUKUUCAY AYAA XABADA LAGU DHUFTAY, ALLAHA U NAXARIISTO.
    NINKII DILAYNA WAA LA HAYAA EE SHAYDAANKA AHAA.
    WAR BADAN MA JIRO NIMANKAA SHAYAADIINTA AH AYAGA ISKA DAAYEE WIXII U QIILBIXIYO XATAA YAAN SALAANTA LAGA QAADIN,

  39. Innaa Lillaahi waa innaa ilayhi raajicuun
    Allahayow u denbi dhaaf Shikhunaaa wa Caalimunaa Sh Abdulqadir ,anna waxaan si gaar ah uGu ducaynayaa sheikh oo aan waqti u ahaa arday Allahayow u dnbi dhaaf aammin

  40. Innaa Lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Ilaaheey ha u naxariisto sheekha kolleey waajibkiisi ka saarnaa faafinta diinta iyo arrimaha bulshadaba waa gudayay laakiin waxaa dilkiisan Allaah uu ku ceebeen rabay rag diin sheeganaayo hadana dilaayo dadkii diintaan naf iyo maalba usoo huray. Illaahoow inteysan culimo kale na dhaafinin iyaga magac ahaan, muruq ahaan iyo maskax ahaanba u tirtir. AAMIIN YAA ALLAAH

  41. inaa lilaah wa inaa ilaayrajuun naxariistii jano ale hageeyo ku wii dilayna jahanabo ayaan ale uga baryaynaa intii uu katagayna samir iyo iimaan ale haka siiyo aamiin aamiin

  42. Waxaa illaahey mahadii ah in Nikki sheekha dilay la qabtay, ogowna sheekha lagu dilin banaanka masjidka, ee Waxaa la dilay isaga salaad ii casar ku jira oo wali salaadii dhameysan, hana ka shakiyin cid aan shabaab aheyn sheekha ma dilin.

  43. Innaa Lillahi wa innaa ilayhi
    Rajicuun.Allah Jannatul firdawsa gurigiisa
    Ha ka dhigo.waxaa leeyahay qarabadii
    Iyo inta khayrka jecel sabra illahna ajar
    Ka fila, maxaad sugaysaan inta khayrka jeceloow
    Waad aragtaan.xaal meeshuu marayo.
    Hala hubiyo hadday dadkii lagu tuhmayey
    Noqdaana.culimada waxaa laga rabaa war cad
    Maxaa dhiman haddii manta Sh. A/Qadir
    Yallo.sida xoolihii maalinba bir ma geydada
    Dhiigooda la xalaalaysanayo.ACW

  44. waxa ummadda indhaheeda dilayo waa in laladagaalamaa

  45. inalillaah waa ina ileyhi raajicuun ilaahey sheekh c/qadir nuur farax su.aashA Qabriga ha,ufududeeyo qabrigiisana ilaahey ha,u,iftiimiyo aamiin illaahey janatul firdows hageeyo gacan ka xaqdaran baadishay culimada dhimashadooda waa calaamadaha aaqiro samanka allow culimadeenna inta noo hartay noo xifdi amiin yaarabii

  46. Inna lillaahi wa ina ilayhi rajicuun, naxariisti jano allaha ka waarabiyo sheekh cabdulqadir nuur faarax (gacamay). maalinti la aasay dr axmed xaaji allaha u naxariistee ayu yiri geeri ayaan wada sugeynaa kana baqi mayno kuwa dhiigayaga xalaashayday. sh cabdulqadir waxa uu ahaa caalim geesi ah oo lagu xusi doono doorki weynaa uu ka qaatay faafinta diinta islaamka. kuwa dilay isaga iyo dr axmed xaaji rabna iney afjaraan culumada ilaahay ayaa abaalkooda haya oo keli ah

  47. Inaa lillahi wa inaa ilayhi raajicuun. Sheekha Allaha u naxariisto. Dhimashada culimada waa Arin khatarteeda wadata oo diintii lafdhabarkeedii weeye. Kuwa culimada laynayaana ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu dunida ku fashilyo oo dhagartoodana muujiyo. Sh cabdulqaadir Allaha u naxariistee wuxuu ahaa geesi u soo halgamay diintan, ilaahay hortiisna waxaan ka markhaati kacaynaa inuu hae iyo habeen noloshiisa siiyay dacwada iyo horimarinteeda, shahaadadiisina uu helay. Dhagarqabayaasha dilkan gaystana Allaha ku facsharo adduun iyo aakhiraba

  48. ına lilahi wa ina ilayhi rajucun .ilahay jana fardaws haka warabiyo .shiikha wuxu ka dhintay somali oo dhan .gaar ahana waxan u tacsiyaynaya ehelkisi iyo qarabadi uu ka dhintay shiikhu raximahulaah.si guudna umadda somaliyeed oo dhan .

  49. inaa lilaahi aninaa ilayhi raajucuun walaalayaal ilaahay waxaan ilaahay uga baryaeynaa inuu janadii fardowso ka waraabiyo shiikha inagana samir iyo iimaan ilaah ha inaka siiyo amiin culamo la laayaa ma sahlana

  50. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN aad ayaan uga xumahaay dilka sheekha ilahay waxaan ka baryayaa inuu soo afjaro kooxda immikaba aan muuqan balse gaaladu dhaanto.
    ilaahay wax wanaagsan ha ugu bedelo qoyskiisa iyo qaraabadiisaba.

  51. illaah ha unaxariisto shiiq c/qaadir eheladii uu katagay iyo umada somaliyed samir iyo iimaan allaha kasiiyo kuwa kadanbeya dilka shiiqa waa cadowga umada somaliyeed iyo diinta islaamka waana in umada fadhiga ey kakacdo oo koxdaan fidna wadayaasha ah leyska qabto oo ciribtooda lajaro

  52. ilaah hawnaxariisto sheekha culimada hala ilaasho dhamaan magalooyin keena ciidamao haloo sameeyo

  53. Allah yaarabi ilaahayaw unaxariiso, sheikha ..allahayaw adaa awoodleh ee gacankudhiiglihii shekha dilay khashif ..amin amin amin

  54. A/calaykum
    JACALALLAAHU JANATUL FIRDAWSA MA’AWAAHU,
    WAXAAN ORAN LAHAA WIXII FIKIRKA ALSHAAB RAACSAN HALA LAAYO SALAANTA ISLAAMKANA YAA LAGA QAADIN MEEL KASTA OO AY KU NOOL YIHIIN, WAA SHAYAADIN MUJRIMIIN AH.

  55. inaalilaahi wa inaa ilahay raajicuuuuuuuuuuuuuuun kuu nafasin daaiqatul mawat thuma ilayna aturjacuuuuuun ilaahay waxaan uga baryaynaa sheekha in uu janatul fardowsa geeyo wixii dilayan ilahay in uu ka arsadoo aduun iy akhiraba

  56. Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun Allahaa u naxariisto Sheekha

    Wixi dilay & wixii amrayna allahaa dilo oo hoojiyo

    waa musiibo in Culmida la laayo

  57. kuwa sheikha dilay waa cadowga umada ,diinta iyo dalka soomaaliyeed ,kamana duwana kuwii dilay cali ibnu dhaalib,ee khawaajid ahaa waxaan waajib ku ah dadka soomaaliyeed in dagaal waxba loola hadhin lagu qaadokuwa dilka geyst meeshii lagu arko ama laga helo

Leave a comment

*