Sheekh Daahir Aw- Cabdi oo ka hadlay dilkii loo geystay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax

February 15, 2013 - Written by

shdaahirGaroowe:-Shiikh Daahir Aw- Cabdi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyey dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo maanta Salaadii Casar lagu dilay gudaha masjidka  Badar  xili uu ku gudo jiray Salaadii casar rakcadeedii 4aad . Sh Daahir Aw Cabdi  ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaaliyeed in ay ka hortagaan kuwa laynaya culimadii dalka Soomaaliya isagoo xusay in dilka caalimku uu yahay danbi weyn oo khatar ah.

Sh Daahir Aw-Cabdi ayaa sheegay in xaqa ay cadayn doonaa cidna aysan uga gaban doonin kuwa doonaya in ay aamusiyaan culimada xaqa sheegaysa, Sh Daahir Aw-Cabdi  ayaa si adag u sheegay in ay wadi doonaa  dariiqii lagu dilay Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, iyo Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo culimadii kale ee lagu dilay dalka Soomaaliya.

Sh Daahir Aw-Cabdi ayaa sheegay in wiil yar oo Jaahil ah uu ahaa kii dilay Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo diinta faafinteed taariikh weyn ku lahaa dalka Soomaaliya waxaan uu sheekh ku tilmaaya in lagaaray waqtigii dadka shacabka ah ay ka toosi lahaayeen hurdadooda oo ay u bareeri lahaayeen kuwa laynaya culimadooda.

Sh Daahir Aw-Cabdi ayaa sheegay in Sh Cabduqaadir Nuur Faarax uu ahaa nin lagu yaqaan geesinimo xaqna aan la gaban mowqifkiisuna ahaa mid aan isbedelin,  Shiikh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah culimada Soomaaliya ayaa ugu danbayn ugu baaqay in culimada Soomaali yeed ay xaq u sheegaan dadka Soomaaliyeed ayna ku dadaalaan faafinta diinta iyo Manhajka saxda ah ee Ahlusunaha.

M_M_Deeq
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. geeridu waa xaq qof walibana waa uu dhadhaminayaa waxaanse ka xunahay dilkii foosha xumaa ee jaahilnimada iyo diindarada ahaa ee loogeysta alla ha u naxariistee haldoor culimada soomaaliyeed ee sh.c/qaadir nuur faarax isaga oo ku guda jira rakcadii afaraad ee salaada casar

  2. alle ha unaxariisto sheekheena laakiin waxaan ku baraarujin lahaa umada soomaaliyeed maahmaah tidhaahda : nin asaagi loo xiirayow soo qoyso . hadaba hadaan inta culimada hadhay laga gaadhin cadawgaa ilaahay iyo muslimiinta ba u ah waxaa dhici doona waxa aan caaqibadeeda la mahadin

  3. Culima waxaan kula tilinlhaa inay iyaga qudhoodu hurdada iyo isku hallaynta dawladda ka baraarugaan oo ay diyaargaroobaan inay hoggaanka u qabtaan dagaal iyo in gacmaha loola tago kooxda khawaarijta ah ee ka lumay diinta xaniifka ah guud ahaan iyo kitaabka Rabbi, si diinta iyo dadka muslimiinta ahba loo badbaadiyo waxaa la joogaa xilligii kama dambaysta ahaa ee ay culimadu dagaal galin lahaayeen dadka, 6 dii sano ee dambaysey ayaa la beegsanaayey odayaasha, ganacsatada, saraakiisha, macallimiinta, ardayda iyo qof kastoo bulshadaan muslimka qiimo u lahaa.

  4. asc umada islaamka gaara haan umada soomaaliyeed baan hal kaan tacsi ooga diraayaa gaar ahaan qaraabadii uu ka geeriyooday caalim buu ahaa ka soo qayb qaatay dacwada soomaaliya baac wayna kulahaa aas aaskii dacwada saxwada alle janadiisa haa ka waraabiyo tani mid ugub ahi ama nagu cusub ma ahi d. axmed xaaji baa nagala dilay asxaabu rasuuli laahi wali cali baa la dilay oo dhiigiisii alle loogu dhawaaday alle haa naga qabto raga caadada ka dhigtay dilka culumada aamin yaarabi

Leave a comment

*