Sh Maxamuud Sh. Maxamed Shibli oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jigjiga(Masawiro)

February 10, 2013 - Written by

IMG_3875Jigjiga:-Sh.Maxamuud Sheekh Maxamed Shibli ayaa maanta duhurnimadii 11:07 AM waxaa uu ka soo degay Garoonka caalamiga ah ee Garaad Wiil waal ee Magaalada Jigjiga waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Golaha arrimaha Islaamka ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ,iyo weliba xubno uu ka mid yahay Sheekh Ibraahim Xuseen “Ibraahim Dhere” Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim “Abuu Xasaan”, xubno ka socda Hey’ad da Al-sunna ,Ganacsato iyo xubno ka socday Dowladda.

no images were found

Sheekh Shible ayaa la dajiyay  Hotelka Khadar wuxuuna halkaa kulan kula qaatay ducaadda deegaanka qeybahooda kala duwan , iyagoo isku dhaafsadey wareysiyo ku saabsan xaaladda deegaanka.

Hey’adda Waxbarashada iyo arrimaha dacwada ee Al-sunna ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Jigjiga u qaban qaabisay muxaarado ciwaankeedu ahaa dardaaranadii tobanka ahaa (الوصايا العشرة ), waxaana ay muxaadarada ka baxday caawa Masjidka Jaamaca Magaalada.

Dhamaan bulshada ku nool caasimada Deegaanka ee Jigjiga ayaa si weyn u soo dhaweeyay imaatinka Sheekh Shible iyaga oo sugaya in ay ka faa’iideysan doonan Muxaadaraadka iyo duruusta uu Sheekhu ka bixin doono guud ahaan Deegaanka.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online