Sheekh Maxamuud Shible oo caawa Muxaadaradii 3aad ka jeediyey jigjiga(Masawiro)

February 12, 2013 - Written by

DSC01013Jigjiga:-Sheekh Maxamuud Shibli oo habeennadanba muxaadaraad ka waday magaalada jigjiga ayaa caawa muxaadaradii saddexaad ka galay masjidka jaamica ah ee magaalada jigjiga, sheekhu wuxuu caawa si faahfaahsan uga hadlay labo qodob oo ka mid ah dardaarannadii tobanka ahaa ee ku soo arooray suuradda ancaam.

Ugu horreyntii wuxuu sheekhu caawa ka hadlay ahmiyadda oofinta ballamaha iyo heshiisayada wuxuuna sheekhu tilaamay in arrintaasi si ballaadhan ugu soo aroortay quraanka iyo xaddiiskaba,sheekhu wuxuu sheegay in ballanta ugu muhiimsan ee la ilaalinayo ay tahay midda ilaahay aadanuhu la galeen ee ah in ay kaligiis caabudaan shirkigana ay ka fogaadaan,waxaa kale oo sheekhu tilmaamay in ballamaha adag ay ka mid yihiin kuwa ilaahay culimada ka qaaday in ay xaqa caddeeyaan meel kasta iyo wakhti kastaba.

Sheekhu wuxuu xusay in caalimka loogu cudurdaari karo wixii ka awood bata laakiin culimada oo dhan aan loogu cudurdaareyn in ay cabsi darteed xaqa la qariyaan wuxuuna yidhi waa in la helaa rag is qaddima oo u dhinta xaqa bayaanintiisa.

Ballamaha adage ee sheekhu soo qaaday waxaa ka mid ahaa kuwa u dhexeeya labada is qaba si gaar ah ballanta ninku qaaday iyo masuuliyadda ka saaran qoyskiisa,waxaa kale oo sheekhu si faahfaahsan uga hadlay ballamaha iyo heshiisyada ganacsi ama siyaasadeed ee muslimiinta dhexmareysa ama muslimiinta iyo gaalada dhexmareysa.

no images were found

Sheekhu wuxuu tilaamay in ballan furyadu ay tahay dhaqan munaafiq sida xaddiiska ku soo aroortay aakhirona calan gaar ah loo taagi doono dadka ballan ka baxa caadeysta oo la odhan doono tani ballan furyadii hebal.

Qodobka labaad ee sheekhu caawa ka hadlay wuxuu ahaa raacitaanka sunnada iyo dariiqa toosan ee salaad walba aan ilaahay ka baryeyno inuu inagu sugo marka aan faataxada akhriyeyno  اهدنا الصراط المستقيم , sheekhu wuxuu sheegay in cibaadaadka oo dhami ay yihiin kuwo lagaga dayanayo nabi muxamad  صلى الله عليه وسلم wixii aan daliil laheynna uu yahay bidco mudan in laga digtoonaado.

Sheekhu wuxuu sheegay in bidcadu ay labo nooc tahay, nooca 1aad waa mid aan asal diinta ku laheyn oo dadku iska abuurteen iyaga oo is leh aad khayr ka heshaan ama ilaahay ugu dhowaataan wuxuuna tilmaamay in noocaasi yaryahay, nooca 2aad waa shay diinta asal ku leh oo wax lagu kordhiyo ama laga dhimo, sida salaadda oo rakcadeheeda la kordhiyo ama wax laga dhimo, wuxuuna sheegay in cibaado kasta oo wax lagu daro ama laga dhimo ay bidco tahay mudan in laga digtoonaado, wuxuuna sheekhu sheegay in bidcooyinka noocaas ahi ay badanyihiin.

Sheekhu wuxuu habeenka jimcuhu soo galayo ka jawaabi doonaa su’aalaha dadweynaha, galinka danbe ee jimcahana wuxuu muxaadaro gaar ah u jeedin doonaa dumarka, waxayna ka dhici doontaa sida la sheegay masjidka Al raxma ee xaafadda 1aad ee magaalada jigjiga.

Hay,da Al-Suna
Jigjiga

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online