Sheekh Maxamuud Shible oo Muxaadaradii 2aad caawa ka jeediyay Masjid Jaamica jigjiga

February 11, 2013 - Written by

sheekhaJigjiga:-Sheekh Maxamuud Shibli ayaa caawa muxaadaradii 2aad ka jeediyay Masjidka Jaamica ah ee magaalada jigjiga,Sheekhu wuxuu caawa muxaadarada ku lafo guray afar  qodob oo ka mid ah dardaarannada tobanka ah ee ku soo arooray aakhirka suuradda ancaam.

Sheekhu ugu horreyntii wuxuu si faahfaahsan uga hadlay xaaraantinimada dhiigga qofka muslimka ah, wuxuuna si baaxad leh u soo bandhigay nusuusta faraha badan ee baabkaas ku soo aroortay ee qu’aan iyo sunnaba leh, wuxuuna aad uga digay in la daadiyo dhiig xaqdarro ah, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay dhiigga ku daadanaya dagaallada iyo aanooyinka qabiilka, iyo shubuhaadka aan wax ka soo qaadka laheyn, wuxuuna sheekhu sheegay in qofka dhiiggiisa si loo badbaadiyo ashahaadadu ku filantahay wuxuuse si naxdin iyo tiiraanyo leh u tibaaxay in maanta dadkii salaadda iyo Masaajidda hortooda lagu sii sugayo si loo dilo.

Sidoo kale wuxuu Sheekh Maxamuud Shible caawa ka hadlay khatarta ay leedahay in maalka agoonta lagu tagri falo ama loo isticmaalo si aan bannaaneyn, iyo ciqaabta arrintaas ka dhalaneysa aakhiro iyo cadaabka sugaya qofkii maalka agoonta si xaaraan ah u quuta.

no images were found

Qodobka 3aad ee sheekhu caawa ka hadlay wuxuu ahaa hagaajinta halbeegyada wax lagu kala iibsado sida miisaanka iyo walxaha wax lagu beego, wuxuuna sheekhu tilmaamay in miisaanka iyo beegga oo la khiyaameeyo ay ka dhashaan saddex ciqaabood oo xagga aduunka ah sida ku soo aroortay xaddiiska saxiixa ah oo kala ah: in dadka abaar lagu sallido, in maciishaddu ku adkaato iyo in lagu sallido madax jaa’iriin ah.

Ugu danbeyntii wuxuu sheekhu wuxuu ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda caddaladda oo aheyd qodobkii afraad ee uu caawa ka hadlay wuxuuna sheegay in caddaaladdu tahay udub dhexaadka ummaduhu isku taagaan, wuxuuna tilmaamay in ilaahay dumiyo dowladda muslimka ah ee aan caddaaladda ku dhaqmin halka uu dib u dhigo dowladda gaalada ah ee caddaaladda ku dhaqanta, sida uu ka soo guuriyay sheekh ibnu taymiya,cid kasta oo xil ama masuuliyad haysana wuxuu sheekhu kula dardaarmay in ay caddaaladda ilaaliyaan kana fogaadaan eexda iyo nin jecleysiga.

Muxaadarada waxaa dhageysanayey dad aad u fara badan oo rag iyo dumarba leh oo soo buuxdhaafiyay masjidka, waxaana lagu wadaa in sheekhu uu habeen danbe dhammeystiri doono labada qodob ee ka dhimman dardaaraannadii tobanka ahaa.

Dhinac kale sheekhu wuxuu maanta 11:00 kii barqanimo masjidka jaamica ah ka billaabay kitaabka القواعد الفقهية  ee Sheekh Naasir Al Sacdi, waxaana darsiga soo xaadiray  Dadweyne fara badan, darsigana waxaa loo duubayay si maqal iyo muuqaalba ah.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Muxaadaraadka uu Sheekh Maxamuud Shible Xafidahulaah uu ka jeediyey Masjidka Jaamica ee magaalada Jigjiga Inshalaah.

Ha,yda Al-Suna
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. Allah haka abaal mariyo sheikha runtii Sheikh Shibli waa lafdhabarta dacwada iyo aqoonta ee manta dalka somalia

  2. allah

    ha ka abaal mariyo sheekha dacwada uu ugu baxay meel aad looga baahanyahay

  3. sheekha jasaahulaahu khayral jasaa
    allah ha ka abaal mariyo sheekha dacwada uu usobaxay waxanan odhan lahaa culimada kale iyana sidaas ookale diint haa ugu baxeen dhamaanteena aynu noqono ducaad ila allah hana loo wada boxo diinta oo fadhiga haalagakaco

  4. ASC WR WBRAKAAATUH
    MAASHAA ALLAAAH ALLAAH HA BARAKEEYO SH MAXAMUUD SHIBLE QODOBADA UU SHEEKHA KA HADLAY KUWII KU DHAQMA ALLAHA NAGA DHIGO KALIMAAADKA DAHABIGA AH EE SHEEKHA KU HADLAY KUWII KA FAAIIDAYSTA ALLAHA NAGA DHIGO

Leave a comment

*