Sheekh Maxamuud Shibli oo caawa muxaadardii ugu horreysay ka jeediyay Jigjiga

February 10, 2013 - Written by

DSCF9002Jigjiga:-Sheekh Maxamauud Shibli oo socdaal dacwadeed maanta jigjiga ku yimid ayaa caawa muxaadaro cunwaankeedu yahay  الوصايا العشرة  ka jeediyay masjidka jaamica ah ee magaalada jigjiga, muxaadarada oo si baaxad leh ay dadweynaha reer jigjiga uga soo qayb galeen rag iyo dumarba wuxuu sheekhu kaga hadlay afar arrimood oo ka mid ah dardaarannada tobanka ah ee ku soo aroorray aakhirka suuradda ancaam, labada habeen ee soo socdana wuxuu sheekhu sii dhammeystiri doonaa inta dhimman dardaarannadaas.

 

Sheekhu intii aanu darsiga billaabin wuxuu muujiyay inuu si weyn ugu faraxsanyahay dadka da’da yar ee cilmiga soo doontay halka ay dhigooda ay waxyaabo kale ku mashquulsanyihiin.

Sheekha waxaa muxaadarada ku soo dhoweeyay guddoomiyaha golaha arrimaha islaamka ee gobolka jigiga Sheekh Xasan Walcasri oo si farxadi ka muuqato u tlmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin soona dhoweynayaan imaanshaha sheekha, sidoo kale wuxuu sheekhu tilmaamay in culimadu mudanyihiin in si sharaf leh loo soo dhoweeyo,ayna ka mudanyihiin dad badan oo la soo dhoweeyo oo dibadda ka yimaadda.

no images were found

Sheekh walcasri wuxuu sidoo kale tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay dhallinyarada masjidka soo buuxdhaafisay ee ka faa’iideysaneysa culimada, wuxuuna sheegay in dadka hortiisa ka muuqda ay yihiin dadkii ugu badnaa ee masjidkan darsi ka dhageysta abid.

Sidoo kale waxaa sheekha soo dhoweeyay tacriif koobanna ka bixiyay madaxa arrimaha tacliinta ee mu’ssada al sunnah sh. c/nuur xasan rashiid, oo tilmaamay in imaanshaha sheekhu jawaab u yahay su’aal in badan ay dadka cilmiga jecel soo celcelinayeen oo aheyd goorma ayey culimada waaweyn ee sh. Shibli ka mid yahay noo iman doonaan.

Sheekhu markii uu darsiga dhammeyay dad aad u fara badan ayaa isku gadaamay oo doonayay in ay salaamaan, ka dibna albaab gaar ah ayaa laga bixiyay cidhiidhiga dartiis, wuxuuna si nabad galyo ah ku gaadhay deegaankiisii.

Maanta duhurradii ayuu Sheekh Shibli ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee jigjiga, halkaas oo ay culimada deegaanka iyo waxgarad kaleba si weyn ugu soo dhoweeyeen,waxaana lagu wadaa in sheekhu socdaal dacwadeed ku mari doono magaalooyin badan oo ka mid ah deegaanka soomaalida itoobiya.

Sida uu shaaca ka qaaday mid ka mid ah masuuliyiinta hay’adda al sunna sheekhu wuxuu barri 11:00 ka barqanimo masjidka jaamica ah ka billaabi doonaa kitaabka  القواعد الفقهية  ee sh. Naasir al sacdi, habeenka jimcuhu soo galayana wuxuu ka jawaabi doonaa su’aalaha dadweynaha inshaa allaah, sidoo kale waxaa lagu wadaa in sheekhu usbuucan gudihiisa darsi gaar ah siin doono dumarka.

Hay’adda Al sunna
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Maasha Allaah waa kulan muhiim ah waana wax aad loogu farxo allaahna hanoo siyaadiyo sheekhana allaah ha xifdiyo.

  2. ASC
    AAD AYAAD UGU MAHADSANTIHIIN IN AAD NOOSOOGUDBISAAN XUGTA CULUMADA SOOMAALIYEED IYO MEELKASTA OO AY MUXAADORO KAQABTAAN NOONASOOGALIYA MARKA AY MUXAADARADO SOOGABAGABOWDO SI AAN UGA FAA IIDAYSANO

  3. asc walaalayaal aad ayaad ugu mahadsantihiiin aadna waa ugu faraxsanahay waanan ka qaybgalay muxaadarada qiimahabadneyd ee sh.maxamud sh.maxamed shible xafidahulah

Leave a comment

*