Sheekh Maxamuud Shibli oo caawa muxaadaro ka jeediyay magaalada Qabribayax oo 50-km qiyaastii u jirta magaalada Jigjiga

February 13, 2013 - Written by

3aSheekh Maxamuud Shibli oo maalmahan muxaadaraad iyo duruus ka waday magaalada Jigjiga ayaa caawa muxaadaro si ballaadhan looga soo qayb galay ka jeediyay masjidka Jamaica ah ee magaalada Qabribayax oo 50km qiyaastii u jirta magaalada Jigjiga dhinaca koonfur bari. Sheekhu wuxuu muxaadaraas ku sharxay labada aayadood ee ugu danbeysa suuradda al towba, wuxuuna sheekhu si fiican u faahfaahiyay sifooyinka wanaagsan ee ilaahay nabigiisa صلى الله عليه وسلم  ku tilmaamay, ee ay ka mid yihiin inuu aad u dhibsado nabigu  صلى الله عليه وسلم  wax alla wixii muslimiinta dhibaya , inuu aad ugu dadaalo dadka soo hanuunintooda,iyo in uu mu’miniinta si gaar ah ugu turo uguna naxariisto.

Sidoo kale wuxuu sheekhu si qoto dheer u sharxay labada tilmaamood ee ah in nabigu صلى الله عليه وسلم bashar aadane ah yahay, iyo in uu rasuul yahay,sheekhu wuxuu ka digay sida xaddiiska saxiixa ahba ku soo aroortay in rasuulka صلى الله عليه وسلم  xadda basharnimada la tallaabiyo oo la gaadhsiiyo heerka rabbinimada iyo ilaahnimada, wuxuuna sheegay sida quraankaba ku soo aroortay in ilaahay uu rasuulka صلى الله عليه وسلم  ku ammaanay in uu addoon ilaahay yahay, isaguna sidoo kale uu yidhi : addoon ilaahay uunbaa ahaye dhaha addoonkii ilaahay iyo asuulkiisii.

no images were found

Sheekhu wuxuu si faahfaahsan uga hadlay xuquuqda rasuulku ummadiisa ku leeyahay oo ay ka mid tahay in ay wayneeyaan oo qaddariyaan magiciisa oo qayaxanna ayna ugu yeedhin,in ay diintiisii iyo sunnihiisii ku dhaqmaan oo raacaan, iskana ilaaliyaan in ay khilaafaan ama dhinac maraan. Mar uu ka hadlayay sheekhu sidii uu rasuulku صلى الله عليه وسلم  ugu dadaali jiray dadka soo hanuunintooda  ilaa heer ilaahay ku canaantay in uu naftiisa ku halaagayo tiiraanyo uu ka qabo in dadku soo islaami waayeen ayuu sheekhu ducaadda u dardaarmay in ay sunnadaas rasuulka صلى الله عليه وسلم  kaga daydaan oo ay dadka khayrka la jeclaadaan dacwadana dadaal dheeraad ah ku bixiyaan.

Sidoo kale wuxuu sheekhu ducaadda kula dardaarmay in ay  ummadda u turaan naxariisna u muujiyaan si kalmaddooda loo qaato qalbigana ay u gasho,wuxuuna ka digay in dadka diinta laga caydhiyo ama la nacsiiyo, wuxuuna sheekhu sheegay in nabigu صلى الله عليه وسلم  ciddii uu meel u dirayaba kala dardaarmi jiray  بشروا ولا تنفروا يسروا ولا تعسرو    dadka u bishaareeya oo ha didinina, fududeeya oo ha adkeynina. Sheekhu wuxuu tilmaamay qofka caalimka ah in ay ku habboontay in uu isagu casiimada qaato ( wixii adag) dadkana aanu u diidin rukhsooyinka sharcigu fasaxay ee aan diinta ka hor imaneynin, wuxuuna ka digay in qofku naftiisa u qiil dayo dadkana wax walba ku adkeeyo.

Dhinac kale sheekhu wuxuu maanta durinmadii soo gabagabeeyay kitaabka  القواعد الفقهية  ee sheekh naasir al sacdi oo uu labo maalmood ka hor ka billaabay masjidka jaamica ah ee magaalada jigjiga,waxaana lagu wadaa inuu habeen danbe oo jimce soo galayo ka jawaabi doono su’aalaha dadweynaha, halka galinka danbe ee jimcahana uu muxaadaro gaar ah u jeedin doono dumarka haddii alle idmo.

Halgan.net

6 Comments so far

Leave a comment

  1. assalaamu calaykum
    jazaakallaahu khayran shiikha iyo halgan.net
    fadlan kitaabka qawaacidul fiqihiyya soogaliya

  2. MASHA ALLAHA SHEEKH QER ALAH HASIIYO IN OO LAGEELE SOO BUQDU AYEY IIHEED WA AYO XIISO BAADAN AYAAN U QABNAA ASAGA IYO DHAAMAAN CULUUMADA SOMAALIYED MELKASTOOY JOOGAAN ALXMDUULILH HELA AYAA MAHAD LEH WA AYO MUSLIN AYUU NAGA DHIGAY LAKIIN KUWII KU DHAQMA ALOW NAGA YEEL

  3. asc halgan alaha barakeeyo sheekha alaha noo xafido. waxaan sheekha ka codsanaya markii ale soo nabad celiyo in uu soo jeediyo muxaadaro uu kaga waramayo waxuu ku soo arkay goblkaa uu tagay. inshaa allaah waa codsi

  4. Walalaha allah waxan idinkaga baryaya howsha ad wadan in allah idinka siyo ajarkeda dhanka kalana Musliminta waxay idinka dhowrayan Muxadaradka o wali adan so galin mesha, Marka halo So dadajiyo, Mahadsanidn.

  5. khayrqabayaal waxaan sugaynaa muxaadaraatkii sheekh

Leave a comment

*