Sh.Yuusuf Aaden iyo culimo kale oo ku jira liiska ay ururka Al-shabaab ku xukumeen dilka

February 20, 2013 - Written by

shyuusufGaroowe:-Sh.Yuusuf Aaden ka mid ah Culumada ugu waaweyn Soomaaliya oo xalay  ka qeyb galay barnaamij laga diyaariyey dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu si cad u sheegay in Ururka Al-Shabaab ay u soo hanjabeen dhowr mar waxaana uu sheegay in qof walba markii loogu talo galay uu dhimanyo .Sheekh Yuusuf Aden ayaa sheegay in wiilka dhalinyarada ah ee dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax uu ka mid yahay kooxda Al-Shabaab waxaana uu sheegay in intii alle u qoray uu soo noolaa uusan lahayn askari iyo ciidan waardiyeeya, cidda dilka ugu goodineysana  aysan soo hormarin karin waqtiga uu dhimanayo.

Sheekh Cabdi Naasir Xaaji oo isagana ka hadlay barmaamijka ayaa sheegay in ay aad uga naxeen dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuuna sheegay in Al-Shabaab ay haatan u soo jeesteen in ay layaan culumada wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada u heysta in Al-shabaab diin wadaan ay ku quustaan dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

Dhina kale Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf  oo ah madaxa jaamacada Bariga Afrika  faraceeda magaalada Garoowe ayaa ka hadlay sida ay u taabatay dilka Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ahaa macalin wax ka dhiga Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Garoowe  ka mid ahaa asaasayaashii Jaamacada Bariga Afrika. Waxaa sidoo kale ka qeyb galay barnaamjika Sheekh Maxamuud Abu Sheyba waxaana uu iftiimiyey in maanta wax la dhowrto aysan jirin hadii Masaajida laga raadinayo gaalo culumadana loo dilayo in ay gaalo yihiin.

Sheekh Ahmed Maxamed Suleymaan oo ku jira liiska culumada dilka ku qoran ayaa sheegay in maanta ay cadaatay Manhajka Kooxda Al-Shabaab ee munxarifka ah cudur daarna aysan lahayn kuwa godka ugu jira oo laheystayaasha ah wuxuuna Sheekhu ugu baaqay umada Islaamka ee Soomaaliyeed in ay diintooda iyo culumadooda difaac daan .Sheekh Cabdi Qorane oo isna ka hadlay Barnaamijka ayaa waxaa ka hadlay sida ay u taabatay dilka Sh.C/qaadir Nuur Faarax raximahulaah jaaiyada Soomaaliyeed ee dibada wuxuuna sheegay in uu ahaa aabihii dacwada ayna mar walba kala tashan jireen arrimaha dacwada iyo khayrka.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta Barnaamijka ay culumada ka qeyb galeen hadii alle idmo Inshalaah.

M_M_ Deeq
Halgan.net

10 Comments so far

Leave a comment

  1. aynu u midowno inaynu ilaalino culimadeena, dhakhaatiir teena, suxufiyadeena, isimadeena, madaxdeena…..dadkani waa bir magaydo, waa in xooga lasaaro sidii loo ilaalin lahaa Alle ha inagu kaalmeeyrr loona dabar goyn lahaa codowga umada.

  2. Ogaada nimanka khawaarijta ah ee Alshabaab laftirkooda way ka dhax taantahay waqtigooduna waa uu soo dhamaaday. Ma aragtaan Maalmahaa ahayeenkoodii CALI MAXAMUUD RAAGE ( CALI DHEERE) waxay u badantahay in laga qaaday afhayeenimadi uuna u xiranyahay Alshabaab. Sidoo kale Al-imriki lama oga xaalad uu kusuganyahay in la dilay iyo in uu noolyahay. Shiraraka jaraaid oo ay qabtaan kooxda shabaab xataa hadii ay siyaasad yihin waxaa hada ka hadla Abuu-Muscab taas na loogama baran ee siyaasada waxaa ka hadli jiray cali dheere. Sidoo kale rooboow ayaa maalin hore ka hadlay dilki sheekheena cabdilqadair nuur faarax ilaah ha u naxariistee. Cali dheere ayaan dhawaanahaan sinaba loo maqlin hadalkiisa marka waxay aad iyo aad ugu dhawdahay in uu u xiranyahay Ina godane.

  3. allaah naxariistiisa hasiiyo sh/c/qaadir iyo dhamaan culimadii naga geeriyootay , umada soomaaliyeedna dhamaanteed waxaan udirayaa tacsi .
    waxaa kaloo halkaan fariin uga dirayaa kuwa xaga doonaya ee ka mid ah kooxda al shabaab , fariintaan kooban { waxaa hadafkeenu ahaa inaan xorayno – SAMJIDUL AQSAA- laakiin hada waxaad dumineysaan masaajida soomaliya ku yaala } – toobad keena oo allaah ulaabta waad lunteene –

  4. asc subxanallahi nimankaan yahuudu soo dirsatay umada soomaaliyeed waa in ay meel oga soo wada jeensataah waad u jeeden culimadeenii mid loo hanjabo iyo mid la dilo rabi ha u naxariisto sh cabdulqaadir iyo sh axmed xaji
    walee waad ku dabar goaysaan culimada dhiigooda iyo birma yageyda waxaan aad iyo aad ugu mahad baraan u celinayaah allah swt
    waxaa mahad iyo hanbalyo u gudibayaah shacabka reer garoowe ee geesiyiinta ah oo xamada isku dhigey gacan ku diiglahana gacanta ku dhigey,runtii ku dayasho baad mudan tihiin wado fiican baad furteen good test dowlada puntland waxana ka codsanayaah dadkaas geesiyiinta ah oo xabad isku dhigey si ay mujrinka shiikha dilay u soo qabtaan abaal marin in la siiyo meel aan oga soo wada jeensano ninmankaas awliyadii ilahay meel ay ka gasho la ,adahay

  5. sheekha hala ilaaiyo dhamaan dadka iyo dawladahaba ilaahna hadhawree sheekha

  6. Dadka muslimiinta in la laayo waxaa sannado badan fadwo ku bixinayey ninka khawaarijta soomaaliya joogta sheekha u ah ee la baxay magaca uusan istaahilin (Shiikh Xassaan) ee isagu gaalada hoostooda ka dinnaahyeeya wuxuu rabana ku hadla danna aysan gaaladu ka lahayn! CAJIIB. Fatwadiisii u dambaysay ee aan ka daawaday iyadoo video ah wuxuu lahaa soo laaya Kuwa federaaliisimka ka aaminsan, murtaddiinta dawladadda soomaaliya hadda xukuma iska daaya ha noo sii joogeene, soo dumiya miyaanan horay idiinku oran, soo dumiya puntland iyo soomlilad, indhaha kasoo tuura ayuu hadalkiisa ku qurxiyey taasoo aan ogaaday wuxuu uga jeeday markay dileen Allaah ha u naxriistee sheekh Cabdilqaadir Nuur Faarax. Ninkaas arrimihiisa iyo meesha uu joogo marka laysu eego bal qof kastoo muslim ah ha miisaamo arrinkiisa.

  7. shekh c/qadir iyo dr ahmed xaji alla ha u naxariisto midkoodna wakhtigiisii ka hor dhiman kuwa loo baqayaana ama la handadayo wakhtigooda ayeey dhiman doonaan lakiil waxaa waa jib ah oo ina wada saaran culumada in la waardiyeeyo guryaha ilaahayna sidoo ilaahay wuxuu inoo banayey hadii cadaw laga cabsanayo in qaarkeena tukado gaarna waardiye u noqdo inta tukanaysa .waxaa qabaa degdeg in masaajidyada muhiimka ah iyo ilaha laga soo galo lataago rag waardiye ah oo dib salaadooda ka tukada waa in lahelo camerarooyin inta ku
    xeersan masaajidyada waa in lala socdo qofka maanta ku soo korda dadka degan inta u dhow culamada.salaam calaykum

  8. kuwa culimada iyo dadka waxgalkaa nagadilaayo waa cadawga ummada soomaaliyeed ee haleyska dhacsho oo haloo midoobo

  9. Walaalayaal kheyr Allaah ha idin siiyee noo soo gudbiya codka ama muuqaalka culumadan Rabi ha xifdiyee

  10. intaas kali ah kaafi ma aha ee culumada soomaaliyeed iyo ictisaam waxaa looga fadhiyaa in ay diyaariyaan sidii layskaga dhicin lahaa nimankaas qaloocan ee aad moodo in ay khamreysan yihiin marka aad eegto ficiladooda

Leave a comment

*