Shir Maamul gobaleed loogu sameynayo gobalada Jubooyinka oo 23 bishan Furmaya

February 11, 2013 - Written by

Macallin Ibraahim MaxamedKismaayo:-Guddoomiyaha guddiga farsamada ee Maamul u sameynta gobalada Jubbooyinka ayaa si rasmi ah u sheegay in uu ka furmi doono magaalada Kismaayo 23 bishan shirweyne ay ka soo qeyb gali doonaan dhamaan dadka degan gobalada Jubooyinka iyo Gedo,IGAD iyo Masuuliin ka socda DFS kaas oo lagu dhisi doono Maamul Gobaleed.

Guddiga farsamada ee Maamul usameynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in ay soo gaareen magaalada Kismaayo in ka badan 500 ergo kuwaas ka kala yimid gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Wararka aan sidoo kale ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in magaalada ay ku sugan yihiin wafdi ka socda IGAD,Xildhibaano ka tirsan DFS iyo dhamaan Guddiga farsamada Maamul usameynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo  kuwaas oo ka gaaraya 25 xubnood.

Siyaasada DFS ayaan cadeyn ilaa iyo haatan waxaana xarig jiid siyaasadeed uu ka dhexsocdaa masuuliin ka tirsan DFS kuwaas oo diidan in Maamul gobaleed laga sameeyo magaalada Kismaayo iyo Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online