Shirkii maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ka furmay Kismaayo

February 28, 2013 - Written by

kismaayoKismaayo:-Waxaa saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose Shirkii maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. Shirka ayaa saaka waxaa ergooyinka ka qayb galay shirka la arkayey iyagoo iskugu tegaya xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ku taal duleedka magaalada Kismaayo. Shirka maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa ka qayb galay dhaamaan beelaha dega  gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo waxaan  beeluhu ay soo dirsadeen dadkii u matali lahaa shirka. Afhayeenka maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo Cabdinaasir Seerar oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu xaqiijiyey in Shirka maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uu si rasmi ah  u furmay amaanka magaalada Kismaayo iyo goobta uu shirku ka socdana amaankeeda ay aad u sugayaan ciidanka dalka Kenya  iyo kuwa Raaskaam booni.

Shirka maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa lagu casumay in ay ka soo qayb galaan madaxda ugu saraysa dowllada Federaalka Soomaaliya balse ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah uga soo qayb gashay taas oo muujinaysa in uu weli jiro mad madow u dhexeeya Madaxda dowllada federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamula u samaynta Gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid  iyo Madax weynaha DFS ayaa la sheegayaa in ay ku kala aragti duwan yihiin qaabkii maamul loogu samayn lahaa Gobollada Jubooyinka iyo Gedo iyo halka ugu haboon ee lagu qaba nayo shirka maamul u samaynaya Gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online