Shirweynihii ururka Horseed oo maanta lagu doortay hogaanka Ururka(Masawiro)

February 1, 2013 - Written by

1Garoowe:-Waxaa 3-dii maalmood ee u danbeeyey ka socday xarunta Jaamacada Puntland State University ee magaalada Garoowe shirweynihii ururka Horseed kaas oo maanta si rasmi ah loo soo afmeeray, shirka ayaa intuu socday waxaa looga dooday xeerarka ururka Horseed iyadoo ergooyin fara badan oo ka kala yimid degaanada Puntlland ay mudo dhan 3 cisho ay ka doodayeen iyadoo markii danbe xeerka ururka la ansixiyey.

Gudiga doorashooyinka ee Ururka Horseed ayaa maanta waxaa ay si rasmi ah u soo bandhigeen hogaanka cusub ee ururka ka dib dood dheer ka dib ayaa waxaa la soo gudbiyey ilaa 4 xunbood oo loo arkay in ay noqdaan hogaanka sare ee ururka Horseed waxaan ka mid ahaa.

1- Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

2- Madaxweyne ku xigeenka dowllada Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire

3- Guddoomiyahah Baarlamaanka Dowllada Puntlland C/rashiid Maxamed Xirsi

4- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee  dowllada Puntlland Gen.C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir)

Ergooyinka ka qayb galayey shirweynaha ururka horseed ayaa waxaa ay aqbaleen xubnaha ay soo gudbiyeen gudiga doorashooyinka ee horseed waxaan ay gabagabadii isla garteen oo cod aqlabiyad ah si gacan taag ah ku doorteeen 4-ta xubnood oo noqonaya hogaanka ugu sareeya ee ururka Horseed waxayna kala yihiin.

1-Madaxweynaha dowllada Puntlland waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyahah  ururka Horseed

2- Madaxweyne ku xigeenka dowllada Puntlland waxaa loo doortay Gen. C/samad Cali Shire oo ah in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka Ururka Horseed.

3-Guddoomiyahah Baarlamaanka Dowllada Puntlland C/rashiid Maxamed Xirsi  waxaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Ururka Horseed.

4-Wasiirka arrimaha gudaha Gen.C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) waxaa loo doortay  Xoghaynta arrimaha maamulka ee Ururka HORSEED.

Gabagabadii Shirka ayaa waxaa hadal ka jeediyey gudoomiyaha cusub ee Ururka Horseed Dr Cabdiraxmaan Faroole ahna madaxweynaha dowllada Puntlland waxaan uu mahad balaaran u soo jeediyey ergooyinka ka soo qayb galay shirka Horseed oo kalsooni buuxda siiya  isagoo doorashada dhacday uu ku tilmaamay mid guul ah oo loo baahan yahay in lagu daydo.

Guddoomiyaha ururka Horseed ahna Madexweynaha Puntland ayaa sheegay in mudo 2 cisho ah ay soo xuli doonaa  xubnaha gudiga fulinta oo dhamaystiran ayna ka soo baaraan degi doonaa  mudo 2-bo maalmood ah ka dibna shirweyne ay u qaban doonaan ururka Horseed si loo ansixiyo.

no images were found

Sidoo kale waxaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan ka wada magaalada Garoowe ee caasimada Puntlland ururka mucaaradka ee Midnimo oo uu hogaaminayo Dr Saadiq Eenow waxaan ay maalinta beri ah la filayaa in ay qabtaan shirweynihii ururka Midnimo si ay u doortaan hogaan rasmi ah , dhamaan ergooyinkii ururka Midnimo oo ka kala yimid Gobollada Puntlland ayaa soo gaaray magaalada Garoowe.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online