Shirweynihii ururka Midnimo oo ka furmay magaalada Garoowe.[Daawomasawiro]

February 2, 2013 - Written by

saadiqGaroowe:-Waxaa maanta ka furmay hoolka shirarka PSU ee magaalada Garoowe shirkii ururka Mucaaradka ee Midnimo oo ay ku bahoobeen aqoon yahano, siyaasiyiin,Saraakiil ka tirsanaan jiray ciidankii xoogga dalka Soomaaliya. Ergooyin kale duwan oo taageersan ururka Midnimo ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen degaanada Puntlland waxaan dhamaan yimaadeen magaalada Garoowe shalay iyadoo maanta shirweynahoodii 1aad uu si rasmi ah u furmay ayna ku dooran doonaa hogaanka sare ee ururka iyo gudigooda fulinta.

In ka badan ilaa 300 boqol oo ergo oo ka kala yimid Gobollada Puntlland ayaa ka qayb galay shirweynaha ururka Midnimo waxaan goobta shirka ku sugnaa aasaasayaashii ururka , Xilibaano ka tirsan dowllada Puntlland iyo aqoon yahano ka yimid qurbaha oo u badan dhalinyaro.

no images were found

Shirweynaha ururka Midnimo ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay dhamaan xubnaha ururka ee ka kala yimid Gobollada Puntlland oo ay dhawaan ka soo furteen xafiisyo kale duwan oo uu ururku ka howl gali doono. Ugu horayntii ayaa waxaa hadal ka jeediyey shirka Gen.Cali Ismaaciil oo ka mid ahaan jiray Saraakiishii ciidanka ee xoogga dalka Soomaaliya ahna gudoomiye ku xigeenka ku meel gaar ka ah ee ururka Midnimo, Gen. Cali Ismail ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntlland in looga baahan yahay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha kale duwan ee dalka oo ay ugu horayso kheyraadka degaanada Puntlland. Shirweynaha ururka Midnimo ayaa waxaa lagu ansixin doonaa maanta xeerarka ururka  iyadoo xubnaha ururku ay ka doodi doonaa waxaan dhamaan loo qaybiyey ergooyinkii ka soo qayb galay shirka nuqul ka mid ah xeerka ururka Midnimo uu ku howl gali doono.

Gudoomiyaha KMG-ah ee urur siyaasadeedka Midnimo Dr Saadiq Eenow oo shirk ka hadlay ayaa waxaa uu ku dheeraaday hadafka ururkooda isagoo sheegay in ururkoodu uu matalayo dadka ugu badan ee degaanada Puntlland oo aan fursad u hellin in ay ka qayb galaan siyaasada oo ay ugu horeeyaan Aqoonyahanada iyo dhalinyarad.

Gudoomiyaha KMG-ah ee urur siyaasadeedka Midnimo Dr Saadiq Eenow aaa sheegay in ururkoodu uu doonayo in is bedel rasmi ah ka sameeyo degaanada Puntlland ayna doonayaan in Puntlland ay ka badbaadiyaan dib u dhac ku yimaada adeegyada guud iyo waxqabad ka la doonayo in loo sameeyo shacabka Puntlland.

Shirweynaha ururka Midnimo ayaa socon doono ilaa maalinta beri ah waxaan lagu dooran doonaa hogaan sare iyadoo markaa loo gudbi doono olole siyaasadeed oo ku saabsan in ay iskugu diyaariyaan doorashooyinka Golaha degaanka eek a dhici doonta degaanada Puntlland 3-da bilood ee nagu soo aadan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online