Sidee looga hortagi karaa hagardaamooyinka Ururka Al-shabaab W/Q Shiikh Cali Xuseen

February 21, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Waxaa talooyinkaan igu dhaliyey dilkii naxariis darada ahaa ee lagu beegsaday al-sheekha Al- callaama al-waalid C/qaadir Nuur Faarax oo ay soo abaabuleen arxan laa wayaasha ururka Al-shabaab ayagoo horayna u beegsaday Sh.Dr Axmed Xaaji Cabdi raxmaan iyo Sh. Ismacil Aw-xaashi iyo waliba in badan oo ka mid ah hal doorka umada, waxaan u malaynayaa inaanan maanta cidna u sharxayn hagardaamooyinka koox daan burcada ah.

Sababaha inta badan falalkooda loogu hortagi waayeyna waxaan isleeyahay waxaa keenaya ayadoon dadku fahansanayn tabaha kooxdaani adeegsato halka maamul kana aan awoodiisa sirdoon gaarsiisnayn inay fashiliyaan dhagaraha kooxdaan inkastoo ay hawl badan qabteen .

 Hadaba talooyinkaan waxaan u qaybinayaa saddex heer oo kala ah maamulka, culumada iyo shacabka.

Maamulka:-

1) Mushkilada kooxdaan maahan mid maxali ah sidaa awgeed waxaan usoo jeedinayaa maamulka in qaabkii looga hortagi lahaa uu maamulku lawadaago dhamaan cid kasta oo khibrad u leh dal iyo dibadba .

2) Waa inuu maamulku hormariyaa awooda iyo khibrada laamihiisa sirdoonka oo uu diraa tababaro dibada ah asagoo la kaashanaya dawlada dhexe.

3) Waa in cuquubo adag oo deg deg ah la mariyaa danbiilayaasha kooxdaan ee la qabto loona macaamilaa qaab ka duwan danbiilayaasha kale waxaanan aad ula yaabaa danbiilayaashii dilay Dr Axmed inay wali ku jiraan xabsiga oo waliba kooxda shabaab ay waday mudooyinkaan danbe qaabkii ay ula bixi lahayd ayadoo adeegsanaysa laaluush ay soo marinayso qaraabada danbiilayaasha.

4) Waa in maamulku sameeyaa barnaamij wacyi galin ah oo balaaran oo bulshada ku wajahan asagoo ka faaiidaysanaya saxaafada , culumaudiinka, goobaha wax barashada, kulamo heerar kala duwan ah oo bulshada loo qabanayo.

5) Waxaa jira dad badan oo laga yaabo in helaan xog ku saabsan kooxdaan ama wax ay ka shakiyaan isla markaana ka baqaya in ayaga dhib soo gaarto haday warkaas sheegaan sidaa awgeed waa in maamulku sameeyaa qaab dadkaasi xogtaas usoo gudbin karaan sida teleefoon ama email IWM.

6) Waa in dawladu la dirirtaa saraakiisha iyo qaaliyaasha kooxdaan laaluushka ka qaata una samaysaa jeelal iyo maxkamado uu gaara kooxdaan.

Culumada:

1) Maadaama ay idiin cadaatay hagardaamooyinka kooxdaan waa in culumadu isugu geeyaan awoodoodala dagaalanka kooxdaan ayna dajiyaan qorshe hawleed ku aadan arinkaas shaqaduna aysan ku koobnaan ayaamaha tacsida lagu jiro oo kaliya.

2) Waa in culumadu samaysaa gudiyo ka shaqeeya degmo kasta oo qarsoon gaar ahaan dadka idin ku xiran gudiyadaas oo laga dhex samaynayo dhalinyarada iyo dumarka waxayna xogta la wadaagayaan sheekha degmadaas jooga waana inuu jiraa gudi guud oo degmooyinkoo dhan isku xira.

3) Waa in culumadu sameeyaan wacyigalin balaaran oo bulshada ku wajahan oo joogto ah ayadoo loo marinayo saxaafada, masaajida, goobaha waxbarashada IWM. Soona bandhigaan barnaamijyo diini ah oo ay umada ugu naseexaynayaan shubuhaatka kooxdaana uga hortagayaan.

4) In culumadu hawshaan la wadaagaan qaybaha bulshada sida isimada, nabadoonada, dhalinyarada, haweenka IWM.

5) Dadka difaaca kooxdaan ama niyada kala jira waa in xogtooda loo gudbiyaa maamulka loolana macaamilaa danbiilayaal.

6) Waa in tirokoob lagu sameeyaa dhamaan dhalinyarada lagu ogaa inay la hawl galeen kooxdaan xili kamida noloshooda dhaqdhaqaaqooduna isha lagu hayaa loona sameeyaa dad daba gala meelaha muhiimka ah oo la fiirinayona waxaa kamida:

In isha lagu hayo dhaqaalaha uu isticmaalayo tusaale ahaan wiil dhalinyar oo reer leh oo aan shaqayn cidna aan wax waydiisan dhibaato dhaqaalena aysan haysan waa tuhmo.

Inuusan u furfurayn bulshada uusan ku dhex jirin dhalinyarada aynigiisa ah ama qaraabadiisa ah. Nin dhalin yaro ah oo kasta oo cusub oo xaafada kusoo biiray waa inaan la iska dhayalsan ilaa la xaqiijiyo halka uu ka yimid cida uu ku soo degay haddii arinkiisu kala cadaan waayana waa in si degdeg ah Booliska loogu gudbiyaa.

Hadii uu yiraahdo waxaan ka imid ahaa al shabaab waanan kasoo toobad keenay waa inaan la rumaysan horaanan u aragnay kuwo sidaa sheegtay oo hadana falal lagu qab tay ogaadana kooxdaan qofkii ka taga waa dishaa. Muuqaalka dhalintaan aalaa waa isu dhawdhaw yahay badankoodu waxay u dhexeeyaan 15 ilaa 20 waa dhuudhuuban yihiin waxay u labistaan qaabka ciyaal siyaha marmar waxay qaataan meeso jaakayaal si ay ugu qariyaan bastooladaha.

Bulshada:

1) Waa inay lahaataa bulshadu feejignaan guud gaar ahaan waa in aad loogu fiirsado dhalinyarada aan kor kusoo tilmaanay.

2) Waxaa masuuliyad gaara saaran tahay dadka xog ka haya ama qaraabada la ah qof ka mid ah kooxdaan.

3) Waxaa taxadar iyo feejignaan u baahan dadka guryaha laga kiraynayo maxaa yeelay dad hawlahaan kujiraa dadka lama dagaan aalaana waxay kiraystaan filooyin qaali ah oo ku yaal meelo aan loo malayn Karin si aan loo fahmin tusaale ahaan kooxdii dishay Dr Axmed waxay daganaayeen agagaarka guriga gudoomiyaha goboka . qofkastaana waa inuu kormeeraa gurigiisa dadka dagan maxaa yeelay mararka qaarkood waxaa dhaca qof aad taqaan oo aadan ka shakisnayn inuu kaa kiraysto macluumaad khaldana uu kaa siiyo dadka uu guriga u rabo.

4) Waa inay feejignaan gaara yeeshaan bulshada qaybahaani: hoteelada, taksiilayaasha dadka ukala gudbiya magaalooyinka, kaariyaasha,daka kala gada baabuurta iyo kuwa ka ganacsada, imaamyada iyo muadiniinta masaajida, dukaan xaafadeedyada, qofkastaana uu hoos u fiiriyaa dariskiisa.

5) Ismida iyo nabadoonadu waa inay ka hortagaan dadka kamida beelahooda oo kooxdaani usoo adeegsato inay difaacaan dambiilayaasha la qabto.

6) Waa in qabaailku ka feejignaadaan in kooxdaani isticmaasho ayadoo ka faaiidaysanaya xinifta iyo tartanka u dhexeeya qabaailka waana la og yahay kooxdaani dhibaatadii ugu badnaa waxay marisay qabaailkii garab istaagay.

7) Shirkadaha xawaaladaha kuwa teleefoonada gaar ahaan kuwa leh teleefoonada lacagta la isugu diro waa inay xil wayn isi saaraan maxaa yeelay waxay heli karaan xogo muhiim u ah hawshaan waana inay allaah uga baqaan masuuliyadaan oo aysan fiirsan faaiido kaliya.lana shaqeeyaan dhinacyada ku hawlan la dagaalanka koox daan.

 W/Q Shiikh Cali Xuseen
shiikhali622@yahoo.com

 

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online