Suldaan Muuse Faarax Muuse oo loo yaqiin Muuso Onkod oo lagu dilay Boosaaso

February 2, 2013 - Written by

breakBoosaaso:-Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa maanta ku dilay gudaha magaalada Boosaaso mid ka mid  ah isimada Puntland ugu caansan waxaana magaciisa la yiraahdaa Suldaan Muuse Faarax Muuse oo loo yaqiin Muuso Onkod wuxuuna isim u ahaa beesha Muuse Saleebaan (Ugaar Saleebaan).

Alaha u naxariistee Isimka lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari  ayaa waxaa uu  ka mid ahaa Isimada  sidaweyn looga yaqaan degaanada Puntland gacan weyna ku lahaa aas aaskii Maamulka Puntland.

Kooxda dilka u geystay Suldaan Muuse Faarax Muuse oo loo yaqiin Muuso Onkod ayaa goobta ka baxsaday ilaa haatana lama yaqaan ujeedada ka danbeysa dilka Suldaan Muuse Faarax Muuse .Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa soo gaaray goobta markiiba waxaana ay howlgalo ka bilaabeen xaafadaha ku dhow goobta uu dilku ka dhacay.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa ka nastay in mudo ah dilalka qorsheysan ee loo geysan jiray waxgardka iyo dadka umada u ah indhaha .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online