Suldaan Muuse Faarax Onkod Alaha u naxariistee oo lagu aasay magaalada Boosaaso

February 3, 2013 - Written by

tacsi-8Boosaaso:-Waxaa maanta lagu aasay magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari Alaha u naxariistee Suldaan Muuse Faarax Onkod oo shalay kooxo hubaysan ay ku dileen magaalada Boosaaso marxuum Suldaan Muuse Onkod ayaa waxaa lagu aasay qabuuraha Biyo Kululle ee bariga magaalada Boosaaso.

Aaska Marxuum Suldaan Muuse faarax Onkod ayaa waxaa ka soo qeyb galay  waxgarad ,Nabadoono , issimo, masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ,Madaxweynihii hore ee Puntland Jen Cadde iyo Dadweyne kale oo tiro badan.

Aaska Marxuum ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka amniga ee dowladda Puntland Khaliif Ciise Mudan  waxaana uu sheegay ayaa inay dowladu hayso raadad la xiriira dadkii dilka Suldaanka fuliyay iyo halka ay u baxsadeen waxaana uu muujiyey in dowladu rajo badan ka qabto in ay soo qabtaan raga dilka u geystay Suldaan Muuse Faarax Onkod.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi oo ku sugnaa aaska Marxuum Suldaan Muuse Faarax Onkod ayaa sheegay in dilka Suldaan Muuse Faarax Onkod uu ahaa kii ugu foosha xumaa ee ka dhaca gobalka Bari wuxuuna sheegay Jen Cadde in Suldaan Muuse Faarax Onkod uu ahaa suldaan qiimo badan wax badan nabad ka soo qeyg qaatay wuxuuna alle uga baryey in alle janadii ka waraabiyo Suldaan Muuse Faarax Onkod.

Waxaa sidoo kale aaska Marxuum Suldaan Muuse Faarax Onkod ka hadlay Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah issimada Puntland waxaana uu tacsi u diray ehelada Suldaan Muuse Faarax Onkod  wuxuuna alle uga baryey in uu janada ka waraabiyo.

 M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online