Talefishinada Soomaalida oo faafinta Fasaadka ku darsaday hurin colaad qabiil

February 2, 2013 - Written by

LCD-TVQaar ka mid ah Talefishinada Soomaalida,  ayaa dhawaanahan doodo laga sii deynayey waxay dadka dib u xusuusinayeen colaadihii sokeeye ee sagaashamaadkii rogay dalka.

Barnaamijyada ay Talefishinadan doodaha ugu qabanayaan dadka qaarkood, ayaa ah kuwo aan lala gabbaneynin dib u soo nooleynta colaadihii dalka burburiyey, waxaana qaarkood si cad banaanka loogu soo dhigaa dagaaladii Soomaalida dhex maray.

Doodahan oo hadda dad badan xiiseeyaan, ayaa sabab u noqon kara in dad badan ay  colaado qabiil huriyaan, iyadoona mararka qaarkood sida loo doodo ay ka mid tahay, iyadoo la isu hanjabayo, laguna faanayo dhibkii dhex maray dadka Soomaaliyeed.

Inta badan doodahaas waxaa loo qabtaa dad caaddifad badan oo aad isaga soo horjeeda, iyadoona qaabka taleefishinadaas wax ku wadaan ay u muuqato mid dadka dib loogu celinayo waxyaabo ay ka soo gudbeen.

Xiligan la joogo dadka Soomaaliyeed ma xamili karaan colaad hor leh oo ka dhex tolata, taasoo sida muuqata ifafaalaheeda la arkayo, waxaana meelaha ugu daran ka mid ah dalalka dibadda ee Soomaalidu u qaxday, markii dalkooda ay burburiyeen.

In l;a wada hadlo oo la doodo ayaan dhib lahayn, balse marka la fiiriyo bulshada Soomaaliyeed waa dad caadifad badan oo ay kicin karaan wax aad u yar, iyadoon weli laga soo doogin dhibaatadii dalka ku dhex martay qabiilada Soomaaliyeed.

Dhanka kale Talefishinada Soomaalida qaarkood ayaa waxay aad u faafiyaan heesaha iyo filimaanta Hindi iyo Turki ah kuwaas oo fasahaadinaya qeybaha kala duwan ee umada waxaadba moodaa qaarkood in ay ku jiraan xiligii hantiwadaaga uu heystay dalka.

Ugu dambeyntii: Talefishinada Soomaalida, ayaa waxaa wanaagsan inay doodaha isugu keenaan dad hufan oo dadkooda aan dib u xusuusineyn colaado soo faagisteeda aan wanaag u soo kordhineynin dadka Soomaaliyeedna ay u dhowraan akhlaaqdooda iyo diintooda.

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asc, waa arin muhiim ah in dadka laga ilaaliyo wax kasta oo uhorseedi karo dhibaata horleh, waxaana fiican in lala hadlo mulkiilayaasha talafiishanada loona nasteexeeyo.

Leave a comment

*