Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland oo ka hadlay qaraxii lala eegtay.[Dhagayso]

February 11, 2013 - Written by

QaraxGaalkacyo:-Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiii Axmed Muuse ayaa waxaa uu saxaafada kula hadlay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaana uu sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo ay u soo maleegeen ururka Al-shabaab  isaga iyo ciidankiisa .

Warar lagu kalsoon yahay oo na soo gaaray ayaa sheegaya in Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiii Axmed Muuse uu gaaray dhaawac fudud  ka dib markii askari ka tirsanaa ilaalada taliyuhu uu toogtay ninkii gaari watay oo doonayey in uu gaariga ku dhufto gaarigii Taliyah oo markaas galayey Saldhiga ciidanka Booliska.

Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Gen.Muxiyadiii Axmed Muuse ayaa waxaa uu qiray in dhaawac fudud soo gaaray haddana uu fiican yahay waxaase uu sheegay in ciidanka amaanka ee Puntlland  aysan ka hari doonin kooxda Al-shabaab ee doonaya in ay shirqoolada ku dilaan wax garadka iyo masuuliyiinta Puntland.

Weerarka qarax ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 9 askari iyo 5 qof oo rayid ah, Ciidanka Booliska ee Gobolka Mudug ayaa howl galo ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo iyo degmada Goldogob waxay sheegeen in ay soo qabteen xubno ka mid ah  amniyaadka  ururka Al-shabaab kuwaas oo fulin jiray qaraxyada iyo dilalka qorshayn ee ka dhici jiray  magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay weerarkii saaka lagu qaaday Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiii Axmed Muuse iyagoo sheegay in qarax uu fuliyey mid ka tirsan xubnahooda waxayna ay hoosta ka xariiqeen in weerarkii saaka uu geystay khasaaro badan .

Dhanka kale waxaa sidoo kale qaraxa ka hadlay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey waxayna ay qaraxa  ku eedeeyeen kooxo lid ku ah amaanka deegaanada Puntland .

Hoos ka Dhageyso Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Gen.Muxiyadiii Axmed Muuse oo la hadlay saxaafada
[audio:http://k006.kiwi6.com/hotlink/517n5prl8n/taliye.mp3] Ama Halkan

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online