Taliye ku xigeenka booliska Puntland Muxiyaddiin Axmed Muuse oo qarax lala beegsaday

February 11, 2013 - Written by

muxuyadiinGaalkacyo:-Taliye ku xigeenka booliska dowlada Puntland Jen Muxiyaddiin Axmed Muuse ayaa saaka waxaa uu ka badbaaday isku day dil ka dib markii lagu weeraray gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu waday qof  nafti hure ah waxaana weerarka ku dhaawacmay qaar ka mid ah ilaalada taliyaha.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay qaraxa waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan in jiraan khasaaro gaaray dad rayid ah oo wadada marayey .

Qaraxa saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhaawac fudud uu ka soo gaaray taliye ku xigeenka booliska iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa kuwaas oo la dhigay isbitaal magaalada Gaalkacyo.

Ilaa haatan Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse waxaa loo badinayaa in ay ka danbeeyaan Ururka Al-shabaab kuwaas oo dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka geystay deegaanada Puntland .

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa ka nasatay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dib howlgalo balaaran oo ay magaalada ka sameeyeen ciidamada Puntland iyaga oo qabtay dad lagu eedeeyey in ay xiriir la leeyihiin Ururka  Al-Shabaab .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online