Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wassunnah Sheekh C/qaadir waxaa dilkiisa ka Danbeeyey Ururka Al-Shabaab

February 16, 2013 - Written by

ictisaamBoosaaso:Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wassunnah oo uu ka mid ahaa Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa Bayaan ka soo saartay dilka Shalay loogu geystay magaalada Garoowe gaar ahaan Masjidka Al-Bedar xili Sheekh C/qaadir uu ku jiray Salaadii casar rakcadii u danbeysay . Waxaa wili socda kulamo aan kala kac lahayn oo ay leeyihiin makaatibka kala duwan ee Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wassunnah taas oo ay jawaab uga bixin doonaan dilka Sheekh C/qaadir Nuur faarax raximahulaah. Culimo ‘udiinka ayaa waxaa ay ugu baaqeen , waxgaradka , Isimada iyo dhamaan bulshada  Soomaaliyeed meel kasta oo a joogaan in shir deg deg ah ay iskugu yimaadaan Shirkaas oo looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa khatarta  dadka banaystay dhiiga muslimiinta iyo gaar ahaa culimada Soomaaliyeed.

Nuqul ka mid ah Bayaanka ay ka soo saareen Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wassunnah dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa soo gaaray Halgan.net  hoos ka akhriso.

Halkan ka Akhriso bayaanka ay Ururka Al-Ictisaam ka soo saareen dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax Raximahulaah.  Bayaan Ururka Al-Ictisaam oo Bayaan ka soo saaray dilka Sh. Cabduqaadir Nuur Faarax [Af-Carabi] .

Halgan.net
Boosaaso

7 Comments so far

Leave a comment

  1. ILa hayow danbigiisa iyo danbigayaga ba dhaaf ilaahayow shiikha janadii firdawsa gee
    ilaa hayow wixii dilay na ga kaafi ilaa hayow soo hadee wixii erey iyo ulba kula haa dilkii shiikha

    AAMIIN AAMIIN AAMIIN

  2. Sheekha Allaha u naxariisto waana in sidaas lagu iloobin dadkii dilay ee meel looga soo wada jeesto inagoo aan xad gudbin sidoodoo kale. waa in aan ka war sugno culumadda soomaaliyeed ee diinta sida fiican ee wasadka ah u bartay.

  3. ilaahay shiikh haw naxariisto anagana dabadood hana fitnayn ilaahayna hasoo qabto cidi dishay shiikh oo haduleeyo if iyo aakhiraba

  4. WAXAN HALKAN TACSI TIRANYA LEH UGA GUDBINAYAA SHIKHEENI WALIBA WAXAN DHIHI KARA INU AHAA SHIKUL UMMAHA ILAHEY SABIR IYO IMAN HA INAGA SIIYO ILAHEY GACANTISA MIDIG HAKA SIIYO KITABKISA JANATUL FIRDOWS HA KAWARABIYO

  5. Allah Janooyinkiisa fasiixa ha geeyo sh Abdulqaadir shiikhaygii ayuu ahaa. Waxaan ku xassuustaa kitaabka saxiixul muslimka oo uu noogu akhrin jiray sanadihii 85-86 amasjidkii Ceel Hidi ee Muqdisho. Kuwa dilay waa daalimiin inxiraafka ku fogaaday oo waxbadan looga digay ummada. فاعتبروا يا أولي الألباب.

  6. alla ha unaxariisto

  7. alaah ha unaxariisto sheekh waan uducaynay naa dhamaan muslimiinta maqashay geerida sheekh c/qaadir nuur faarax

Leave a comment

*