Wafdi ka socda DFS oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose

February 25, 2013 - Written by

KismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in maanta duhurkii uu gaaray Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka DFS    C/kariin Xuseen Guuleed magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Kismaayo waxaana loo galbiyey wafdiga wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee DFS   C/kariin Xuseen Guuleed xarunta madaxtooyada ee magaalda Kismaayo

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee  C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan DFS waxaana sidoo kale ay la kulmi doonaaan wafdiga DFS Saraakiisha ciidanka dowlada Kenya .

Ma jiro hadal ay warbaahinta siiyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo Masuuliinta Maamulka magaalada Kismaayo waxaana u socda kulan loo diiday saxaafada  Ilaa haatan lama garan karo wax ka soo bixi doona waxaana jira khilaaf u dhexeeya DFS iyo Maamulka ku meelgaarka ah ee magaalada Kismaayo ka saaray kooxda Al-Shabaab.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online