Wafdi ka socda IGAD oo Kismaayo yimid iyo Qarax ka dhacay xaafadda Calanley

February 8, 2013 - Written by

KismaayoKismaayo:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose wafdi ka kala socday Gudiga farsamada Maamul usameynta gobalada Jubooyinka  iyo IGAD waxaana wafdiga ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo masuuliin ka tirsan Maamulka KMG ah.

Wafdiga Gudiga Farsamada Maamul usameynta gobalada Jubooyinka ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliyey odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobalada Jubooyinka kuwaas oo wafdiga ka soo raacay magaalada Nairobi.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa qaban qaabada Shirka Maamul loogu sameynayo gobalada Jubooyinka kaas oo ka furmi doona magaalada Kismaayo maalmaha soo socda .

Dhanka kale waxaa maanta qarax lala eegtay Ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo kuwaas oo ka yimid Garoonka Diyaaradaha waxaana ciidanka uu marayey xaafadda Calanley qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 3askari oo ka tirsan Ururka Raaskambooni.

Afhayeenka Maamulka Ku meelgaarka ah ee magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa xaqiijiyey qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo balse wuxuu diiday in Khaasaro uu gaaray ciidanka Miinada loo dhigay.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online