Wafdigii culumada ahaa oo socdaal ku gaaray degmada Galdogob ee Gobolka Mudug

February 12, 2013 - Written by

Galdogob:-Wafdiga culumada oo socdaal dacwadeed ku soo kala bxiyey magaalooyinka Kalabayr, Jalam, Buurtinle, Xarfo, Bacaadweyn, Gaalkacyo, Beyra, Bursaalax, Riig-oomane iyo Qansaxle ayaa socdaalkooda ku soo khatimay magaalada Galdogob. Culumada iyo ducaadda magaalada ayaa wafdiga qado sharaf u sameeyey, waxayna is dhaafsadeen warbixino iyo talooyin muhiim ah. Wafdigu intii uu joogay magaalada wuxuu booqday Jaamacadda Bariga Afrika faraca Galdogob, Mac-hadka Imaamul Bukhaari ee culuumta shareecada iyo luqada carabiga, Isbitaalka guud ee magaalada, iskoolka iyo xarunta agoonta Al-nuur. Wafdigu wuxuu warbixino ka dhagaystay maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika Sh. Bashiir Warsame Maxamed, maamulaha Mac-hadka Imaamul Bukhaari Sh. Maxamuud C/sahal X. Xirsi, Maamulaha dugsiga Alnuur iyo maamulaha isbitaalka guud Maxamed C/laahi Aadan.

Culumadu intii ay magaalada joogeen waxaa kalimad guubaabo iyo dhiirrigalin ah u jeediyey ardayda jaamacadda Sheekh Xabiib C/qaadir. Waxaa kale oo kalimad noocaas oo kale ah loo jeediyey ardayda mac-hadka Imaamu Bukhaari, isla markaasna Sh. Axmed C/samad ayaa ardayda mac-hadka siiyey seminar lagaga wacyigalinayey qabyaaladda iyo kala qoqobista ummadda. Culumadu waxay kale oo muxaadarooyin ka jeediyeen masjidka jaamica ah.

Waxaa xusid mudan in magaalada Galdogob laga hirgaliyey xarumo waxbarasho oo isugu jira dugsiyo Qur’aan, duruusta masaajida, iskoolo ilaa heer dugsi sare ah, mac-had diini ah oo ilaa heer dugsi sare ah iyo jaamacad laakiin waxaa muuqata in aan dadka deegaanku sidii la rabey uga faa’iidaysan fursadahaas waxbarasho oo heerarka kala duwan leh, loona baahanyahay in la sameeyo wacyigalin dheeraad ah.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online