Wafdigii culumada oo booqday koonfurta magaalada Gaalkacyo

February 4, 2013 - Written by

kalimad_ardayda_Alshacab1Gaalkacyo:-Wafdigii culumada ahaa ee uu hoggaaminayey Sheekh Axmed C/samad ayaa 27/01/2013 booqday Mac-hadka Al-imaam Al-Muzani ee culuumta shareecada iyo luqada carabiga, waxaana culumada soo dhaweeyey maamulaha Mac-hadka Sheekh C/kariin Xasan Maxamed, wuxuuna wafdiga warbixin ka siiyey Mac-hadka iyo guud ahaan dacwada gobolka oo horumar badan ku tillaabsatay sannadahaan dambe. Mac-hadka Al-Imaam Al-muzani oo leh dhismo wanaagsan iyo maktabad cilmi ah iyo masjid ayaa maamuluhu culumada ku soo wareejiyey, ka dibna Sheekh Axmed C/samad ayaa ardayda ku guubaabiyey barashada cilmiga, faafinta dacwada iyo inay isu dhigaan culumo berry ummadda wax weyn anfaca, wuxuuna asi gaara ardayda ugaga digay jirrada dilaaga ah ee aafaysay bulshada Soomaaliyeed oo gaartay heer jifo jifo ah, marar badana soo dhexgasha xarumaha waxbarashada iyo dadkii la doonayey inay ummadda badbaadiyaan.

Waxaa kale oo culumadu booqdeen Dugsiga Al-shacab oo ay jaaliayadda dibadu kaalin libaax ka qaadatay hirgalintiisa, kana mida xarumaha aqooneed ee ugu muhiimsan guud ahaan gobolka Mudug. Waxaa wafdiga culumada madrasada ku soo dhaweeyey maamulaha Ustaad C/raxmaan Cumar Sh. Nuur, wuxuuna warbixin faafhfaahsan ka siiyey dugsiga iyo waxqabadkiisa, kulankana waxaa goobjoog ka ahaa maamulaha Mac-hadka Imaam Almuzani Sh. C/kariin Xasan Maxamed.

Intaa ka dib Sh. Axmed C/samad ayaa ardayda dugsiga sare iyo dhexe kula hadlay hoolka shirarka ee dugsiga, wuxuuna aad ugu tirtirsiiyey barashada diinta, ku dhaqankeeda gaar ahaan cibaadada oo ay salaaddu ugu horayso, akhlaaqda wanaagsan, walaalnimada islaamka, ka fogaanshaha qabyaaladda iyo dhaqamada xunxun ee doolka ah. Si gaara Sheekhu wuxuu ardayda ugu boorriyey gudashada xilka dacwada iyaga oo raacaya habab iyo waddooyin ay degdeg wax ugu qaban karaan.

Waxaa wafdiga culumada aad iyo aad u faraxgaliyey heerka aqooneed ee ardayda dugsiga Alshacab, tarbiyada wanaagsan ee ay xambaarsanyihiin iyo wacyiga sarreeya ee ka muuqda.

Dabadeed culumadu waxay kalimad ka jeediyeen masjidka Alsunnah iyaga oo jamaacada masjidka dareensiiyey xilka weyn ee ka saaran diinta iyo in qof walba laga doonayo inuu kaalintiisa buuxiyo gaar ahaan odayaasha dhaqanka, madaxda dowladda iyo dadka maalqabeenka ah. Waxaa kale oo ay jamaacada ku boorriyeen walaalnimada islaamka, isku kalsoonida iyo in qaybaha bulshada oo dhan ay isu kaashadaan khayrka iyo horumarinta diintooda iyo dalkooda. Waxaa kale oo ay aad iyo aad uga digeen cudurka qabyaaladda oo beryahaan usoo daadagay heer xaafadeed iyo jifo.

Waxaa xusid mudan in koonfurta Gaalkacyo ay sannadahaan dambe ku tillaabsatay horumar weyn oo taabanaya dhinacyada waxbarashada, dacwada, wacyiga bulshada, dhaqaalaha iyo koboca magaalada oo aad u faaftay, heshayna adeegyo badan.

Halgan.net
Gaalkacyo

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online