Wasiirka amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise oo shirjaraa’id ku qabtay Boosaaso

February 6, 2013 - Written by

khaliifBoosaaso:-Wasiirka amniga dowllada Puntlland  Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa maanta waxaa uu shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari isagoo ku goodiyey in ay qaban doonaa cid walba oo isku dayda in ay sameeyaan ama abaabul banaan baxyo aan sharciyeysnayn oo dowllada aysan ogayn.

Wasiirka amniga dowllada Puntlland  Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ay digniintii ugu danbeeey ay u dirayaan siyaasiyiin ku sugan Boosaaso oo uusan xusin magacooda kana soo horjeeda siyaasada dowllada Puntlland iyo madaxdeeda iyagoo ku eedeeynaya in a yihiin kuwo sharci daro ah oo hareer maray Dastuurka Puntlland.

Wasiirka amniga dowllada Puntlland  Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ku celceliyey in ay yaqaanaan nimanka khal khalka abuuraya ee jooga Boosaaso ayna magaalada ka degan yihiin ilaa 4 guri talaabana ay ka qaadi doonaa haddii aysan ka waantoobin nabadgelyo xumida ay ku wadaan Magaalada Boosaaso.

Wasiirka amniga dowllada Puntlland  Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ku amaray ciidanka amniga in ay qabtaan cid walba oo hub sharci daro ah ku wadata magaalada Boosaaso haddii ay isku dayaan in ay dagaalmaan ay ciidanku amar u qabaan in ay talaabo waajib kooda ah ka qaadaan. Wasiirka amniga dowllada Puntlland  Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa sidoo kale ku amray ciidanka amaanka in ay talaabo adag ka qadaan kuwa wata baaburta leh muraayadaha madow oo horay looga mamnuucay degaanada Puntlland in aan lagu wadan karin.

Hadalka  Wasiirka amniga dowllada Puntlland  Col. Khaliif Ciise  ayaa ku soo beegmaya xili shalay uu saxaafada uu la hadlay wasiirkii hore ee amniga ee dowllada Puntlland Gen. Siciid Samatar oo ah siyaasi si weyn uga soo horjeeda dowllada Puntlland ka dib markii uu ku eedeeyey in waqtiga ay korarsadeen kuna tunteen Dastuurkii u yaalay Puntlland oo ay dadku ku hishiiyeen. Wasiirkii hore ee amniga ee dowllada Puntlland Gen. Siciid Samatar ayaa dhowr jeer waraysi uu bixiyey si cad u sheegay in uusan aqoonsanay dowllada Puntlland ee Madaxweynha u yahay Dr Cabdiraxmaan sh Maxamuud Faroole.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online