Wasiirka Beeraha ee Dowlada Puntland oo booqday Cuun iyo Shibiraaley

February 4, 2013 - Written by

wasiirka_beerahaGaroowe:-Wasiirka Beeraha ee  Puntland Eng.Maxamuud Xaaji iyo wafdi uu horkacaya ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanada Shibiraaley ,Siiga dheer,Cuun ,Xamur isaga oo booqday beeraha ku yaal deegaamadaas.
Wafdiga wasiirka Beeraha Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey waxgarad ,Cuqaal iyo Xeer-ilaaliyaha guud Puntland Maxamud Xasan Aw-Cismaan waxaana ay kulan la qaateen beeraleyda ku dhaqan deegaanada Shibiraaley ,Siiga dheer,Cuun ,Xamur .

Wasiirka Beeraha ee Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax ayaa inta uu kormeerka ku jiray waxaa uu u kuurgalay xaalada beeraha iyo beeraleyda wuxuuna warbixino iyo cabashooyin ka dhageystay beeraleyda ku dhaqan deegaanada Shibiraaley ,Siiga dheer,Cuun ,Xamur ee gobalka Nugaal.

beer04Beeraleyda ku dhaqan deegaanada Shibiraaley ,Siiga dheer,Cuun ,Xamur ayaa ka codsaday wasiirka beeraha Puntland in dowlad ay ka caawiso beeraleyda dalaga kala duwan ay beertaan iyo suuqgeynta dalagyada ay beertaan waxaana ka mid ah Qaraha,Saytuunka,iyo Yaanyada.

Wasaarada Beeraha ee Puntland ayaa waxay ka mid tahay wasaaradaha sida weyn ay u muuqato waxqabadkooda iyada oo uu karti badan uu muujiyey wasiirka beeraha Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax.

beero3Wasiirka Beeraha ee Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax ayaa waxaa sidoo kale la filyaa in uu booqasho ku tago dhul beereedyo ka tirsan gobollada Bari iyo Karkaar iyo Mudug maalmaha soo socda.

 

 

 

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online