Weriye Daa’uud Cabdi Daa’uud oo damiin lagu sii daayey shalay galinkii danbe

February 13, 2013 - Written by

wariyeMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weriye Daa’uud Cabdi Daa’uud oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee DFS lagu sii daayey damaanad galinkii danbe ee shalay waxaana weriye Daa’uud Cabdi Daa’uud ay DFS ku eedeeysay in hadalo gaf ah ka yiri maxkamada gobalka Banaadir.

Weriye Daa’uud Cabdi Daa’uud ayaa waxaa damaanad ku sii deysay Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana arinkaas ka soo saaray war saxaafadeed ururka suxufiyiinta  ee NUSOJ.

Ururka NUSOJ ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan shaqsiyaad iska hor keenaya madaxada dowlada federaalka Soomaaliya  iyo Saxafiyiinta isla markaasna loo baahan yahay in arinkaas laga hortago.

Weriye Daa’uud Cabdi Daa’uud ayaa waxaa xirtay maxkamadda gobolka Banaadir 5-tii bishan, kaddib markii mudo sannad ah ay maxkamada gobalka Banaadir ku xukuntay weriye Cabdicasiis Koronto.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online