Xarunta AL-UMMAH iyo Dhamaan Jaaliyada Somaaliyeed ee Zambia oo tacsi u diray Ehelada Sh C/qaadir

February 17, 2013 - Written by

 tacsiZambia:-Anagoo ah maamulka Xarunta AL-UMMAH ee Luasaka Zambia, ducaada, macalimiinta, Odayaasha, wax garadka iyo dhamaan jaaliyada soomaaliyeed ee Zambia oo 8bilood ka hor Sh Abdiqaadir Nuur Faarax uu ku soo booqaday Zambia asagoo jeedinayay muxaadaraat iyo wacyigalina sida awgeed naxdinta iyo geeridu si gooni ah ayay noo taabanaysa.

Waxaan dhamaan Ummada Somaliyeed ee ku nool dunida dacaladeeda uga tacsiyaynaynaa Geeridii naxdinta lahayd ee kaga timid dilkii waxashnimada ahaa ee loo gaystay ALLAAH ha u naxariisto dambigiisana ALLAAH ha dhaafo Qabrigiisa ALLAAH ha u waasiciyo Al-callaamah Sh Abdiqaadir Nuur Faarax .

Dilkaas oo qayb ka ah silsiladii dilalka dabargoynta Culimada ee Mudooyinkaan dambe ka socday gayiga somaliyeed, iyadoo la caadaystay in Culimada, Salaadiinta, Aqoonyahanka, Nindoorka, iyo Dhamaan birmageedyada lagu ugaarsado masaajida iyo xarumaha barakaysan.

Tusaale waxaa noogu filan ALLAAH ha naxariiste Sh Dr Axmed Xaaji Abdiraxmaan asagoo salaad subax ka soo Baxay oo sooman in la dilay.

ALLAAH SWT waxaan magacyadiisa wanaagsan iyo Tilmaamihiisa sare ku waydiisanaynaa inuu culimadaa iyo dhamaan umada xaq darrada lagu dilay Dambigooda dhaafo, Qabrigoodana waasiciyo, meel karaamaysana geeyo, Qabarigana uga dhigo beer janno, su,aashana u fududeeyo, cadaabta qabriga iyo fitnadiisana ka ilaaliyo, waxaan kaloo ALLAAH SWT waydiisanayanaa inuu dabar gooyo cid kasta oo ku lug leh dilalka culimada, ALLAAH SWT waxaan waydiisanayanaa inuu soo hanuuniyo cida waxaas taageersan haduu hanuun u qoray, hadii kalan uu ALLAAH umada ka qabto oo uu ceebeeyo,  aakhirana jahannama hooy uga dhigo.

Aamiin, aamiin, aamiin
Al- ummah Muslim society
Lusaka – Zambia

1 Comment so far

Leave a comment

  1. a.c.w.dhamaan waxaan salaamaya bahda halgan sida qiimaha badan ay uga qayb qaateen tacsida shiiqa,intaa ka dib waxaan u rajaynayaa shiiqa inuu ku dhintay khaatumo wanaagsan,asagoo da, kii dilayna khaatumo xumo asago dhalinyaro ah.Ilaahay ha u naxariisto jana fardowsana ha geeyo.amiin inta ka dib waxaan qabaa.SHIIQA WAXAA DILAY 3 QOLO.SH.XASAAN OO FATWOODAY.GODANE OO AMAR BIXIYAY IYO S.MIDNIMO OO FAAFISAY IN LA DILO.MARKA DHIIGA SHIIQA HALOO RAADSADO SADEXDAA QOLO.

Leave a comment

*