Al-shabaab oo Degmada Xudur ku gowracay Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame

March 19, 2013 - Written by

xudurXudur:-Waxaa allaha u naxariistee lagu dilay Degmada Xudur xalay  Sh. C/raxmaan Macalin Warsame, oo  ka mid ahaa culimo’udiinka sida weyn looga yaqaan gobolka Bakool.:Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame ayaa waxaa gurigiisa kala baxay ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab xalay waxaan Sheekha meydkiisa oo gowrac laga hellay saaka  meel u dhow gurigii uu sheekhu deganaa.

Dadka degaanka ayaa saxaafada u sheegay in Sheekha markii la gowracay ay diideen Ururka Al-shabaab in meydka sheekha la aaso taas oo dadka degaanka ku abuuray cabsi  iyo welwel.

Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Warsame ayaa waxaa da’diisa lagu sheegay ilaa 75-jir Waxaan uuna imaam ka ahaa Masjidka weyn ee Xudur, mudo 40 sano ah Sheekha ayaa waxaa uu dadka degaanka Xudur u kala xukmin jiray arrimaha ay isku qabtaan isaga oo aad u yaqaanay fiqi Shaaficiga .

Xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka DFS ayaa u xaqiijiyey warbaahinta ka howlgasha gudaha magaalaa Muqdisho dilka Sheekh C/raxmaan Macalin Warsame.

Ciidanka Ururka Al-Shabaab ayaa Xudur la wareegay ka dib markii ay ciidanka Itoobiya oo ay weheliyaan ciidamada DFS ay isaga ka baxeen Degmada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool.

A/cawaale
Halgan.net

 

14 Comments so far

Leave a comment

  1. innaa lilaahi wa innaalilaahi raajicuun
    waa cajiib sida ay ururkani ugu mameen dhiga dadka muslimka ah siiba culumada iyo waxgaradka

  2. bismilaah waxaa moodaa mararka qaar in ummadda lagu intixaamayo waayo waa musiibo aad loola fajaco li,anna maalin kasta wax kaa fajiciyo ayey la imaadaan.marka hadii la dhaho maanta qabiil qabiiladda soomaaliyeed ka mida reer hebel baa nagu soo duulay halmarbuu qof walba qoriga boobi lahaa maxaa shaydhiinta shabaab mid loogu noqon waayay,ayagaaba diintii umada ka ceyrinayo.

  3. bismilaah, walaalayaal soomaali waxay ku maahmaahdaa dhagax taabasho iyo tuujin waa isaga mid marka shabaabu shayaadhiin nadwo laga jeediyey iyo canbaareen midna ma kala jecla ilaa gacanta loola tago sababtoo ah arinkan waa wax quluubtooda degay oo laga arko acmaashooda iyo ficilkooda waxaan seef aheyna kuma soo laabayaan ilaa intii allaah uu kheyr la doono mooyaana marka intey goori goor tahay nimankaa cudud halala wajaho haddii kale murugadda iyo tacsida kama dhamaaneyso guryaha soomaaliyeed. wa bilaahi towfiiq.

  4. Axmed aniga mar horaan iri waanka xarumo halaga sameeyo lagala dagaalamo oo meel loogu hagaago leh balse saad sheegtay arinku waa hadal uun.

  5. waa siduu axmed guray shegee calaacal badan loomabaahna hadiidan dadka iskaqabanayn tacsida badan hala joojiyo shabaab waa rag ma ahan dad bin AaDAN KABAXSAN haday qaldan yihiin hala qabto oo meel hala saaro aniga waxaanba is dhahaa mararka qaal dadkaan waxay samayanayaan way kusax sanyihiin haday qaldan yihiin oo khawaarij yihiin maa lagu baxo maxaa hadalbadan loo wadwadaa somali waxay dhahdaa” meel gacan ubaahan hadal waxba kamataro” marka waxaan dhihi lahaa culumada hana horkacdo kuwa dibadjooga iyo iyo dalka jooga ragaas Aan meel soosaarnee hadii kale buuqa halayareeyo ragaasan shaqadooda hawateen…………

  6. “Ninkii qayrkii loo xiirayoooow adna soo qoyso”
    Calaacal iyo fadhi ku habaar wax tari maayo, waxaa maanta loo baahan yahay in meel cad looga soo wada jeesto ashahaado la dirirkan cusub “Al-shabaab”.oo maskax, muruq, maal, iclaam, qof waliba kaalinta uu awoodo ka qaato halganka, caalim ma noola,masaajid ma noola, cilmi ma noolaa, dhakhtar iyo hal door ummadeed ma noola, hooyadiin goblaantay ma waxaynu sugaynaa inta mid walba oo inaga mid ah xabad afka laga gelinayo.

    No Noo taasi ma dhacayso, waxaa jira wax badan oo aynu qaban karno.

  7. inaalilaahi wa inaalilaahi raaicuun allaah shekha ha u naxariisto sabarna allaah hanaga siiyo qofna ajashiisa dhaafi maayo balse alshaydaan aduunka caaaqibo xumo ayaan uga barinayay allaah akhiranona cdaab ay ku waraan

  8. innaa lilaahi wainaa illeeyhi rajucuun alle sw ha u naxariisto, naxariistii jannada ha geeyo ,alle sw ehelkuu ka tagayna sabur alle sw haka siiyo allahayoow hadaad kheeyr la doonin naga qabo kuwa diley culumada allahayoow naga qabo ciqaab aduun iyo aakhiro aamiin dhaha walalaha kheeyrka jecel

  9. waxaan layaabanahay fudaydsiga dhiiga muslimiinta, iyo jahliga nimanka aafeeyey,hadaad nimankaa la sheekaysato waxaan dil ahayn kuu sheegimaayaan.
    waa munaafafq, waa la dilayaa, jeeebkay ku wataan fatwada kooda arbiciinka xataa aan garanayn isagaa kuu fadwoonaya, subxaanalaah….
    waar waa maxay wasiilada aad guusha ku rajaynaysaan ee dilka culumada ah, xagaad u socotaan? yaad u danaysaan markaad caalim 75 jir ah dilaysaan?

  10. innalillahi wa ina ilayhi rajicuun waa shaydaamo kuwaasi somali lagu soo saladay ilaahoow umada ka qabo shartooda

  11. alow aayad lala fajaco ka muuji amniyaadka aayadaasoo qarniyo laga sjeekeeyo culumo lays iyo waliba ambiyalays waaye ileen culumadu waa kuwii dhaxlay ambiyada waxay ulaynayaana waa maxaad dhaxalkaa u xambaarteen

  12. alaaaah ha u naxariisto sheekha kuwa dilayna ciqaab alaaah ha ku rido haddaba waxaan maqlayaa in qarax wayn ka dhacay isla magaalada diinsoor oo la sheegayo in uu ku qarxay gaadhi al shabaab u diyaarinayeen in ay dad muslimiin ah ku qarxiyaaan oo iyagii ilaahay ku qarxiyay ilaa 16 qof bay shegayaan oo shabaab ah in ay ku nafwaayen waa haddii war kaasi saxan yahay eh shabaaab waaa fitno dadka loo soo saaray kana dhashay dunuubtii tirada badnayd ee somalidu galasay

  13. shiikha allha unaxariissto alshabaabku awalba waycaadeysteen ineydaadiyaaan dhiiga isslaamka siiba kan culuma islaamka ooiinta xan baarsan siaywadanka ugu gacan galiyaan baleydey u adeegayaan illaahaw nagasooqabo

  14. Inaa lilaahi wa Inaa ileehi raajicuun..

    Yaa shaki ka qaba inay kuwaan khawaarij yihiin oo banaystay dhiiga Kuwa ahlu diinka ah.

Leave a comment

*