Bayaankii Culimmadu ka soo saartay Nadwadii ka socotay Masjid Al-Rowda(Akhriso)

March 8, 2013 - Written by

masjidka-al-rawda-20Boosaaso:-Waxaa caawa oo taariikhdu tahay 08/03/2013 kusoo gabagaboobay Masaajidka Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari , Nadwo cilmiyeed socotay afar habeen, cinwaan keeduna ahaa “ Iska jira Xadgudubka”  (quliwiga) Nadwadaas ayaa ka hadlaysay Xadgudubka fahamka diinta iyo noocyadiisa, sida; muuqaaladiisa, sababihiisa, raadkiisa iyo daawadiisa.

Waxaa ka qayb qaatay culimmo kala duwan, waxaana aad looga digay, lana cadeeyey xadgudubka Kooxda Shabaab, kaasoo gaaray meeshii ugu fool xumayd oo ah inay ku dhiiradaan weerarida Masaajida, iyo laynta dadka tukanaya, taasoo ay ugu danbaysay  dilkii  caalimkii Soomaaliyeed Sh. C/qaadir Nuur Faarax lagu dhex toogtay masaajidka Bader  salaada dhexdeeda.

Nadwadan oo qayb ka ah olole dacwadeed oo socon doona sadex billood, ayna soo qaban qaabisay mu’asasada Minhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta, lagagana digayo waxyaabaha lagu halaagsamo. Ayaa  gabagabadii Nadwada waxaa Culimmadii ka qayb gashay soo saareen bayaankan;

1-  Waxaan ummada ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyo Sunnada Nabiga (scw) iyo faafinta iyo difaaca manhajka saxda ah, maxaa yeelay iyagaa xadgudubka ka noqonaya gabaad adag, sidoo kale waxaan ku baaqaynaa faafinta fiqiga sahlanaanta, ee tilmaanta u ah diinta Islaamka. Iyo kadigida shubhooyinka kuwa  xadgubay ay bulshada ku dhex faafinayaan, iyo barashada manhajka firqooyinka dhumay si looga digtoonaado in xiraaf kooda.

2- Waxaan ummada ugu baaqaynaa inay fahamto khatarta uu leeyahay xadgudubka ay wado kooxda Al-Shabaab, iyo inaan la isku khaldin shareecadii reebtay xadgudubka, lana dagaalantay iyo xadgudbkii la reebay laftigiisii. Isla mar ahaantaana waxaan ka digaynaa ka hortaga xadgubka in loo adeegsado la dagaalanka Dacwada, ducaada iyo Diinta Islaamka.

3- Waxaan ku baaqaynaa in cilmiga laga qaato culimmada ehelka u ah, sida illaahay qur’aankiisa ku sheegay,  Waydiiya kuwa cilmiga leh hadii aydnaan idinku cilmi lahayn, “فاسئلوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون”    waxaana ku baaqaynaa in laga digtoonaado kuwa isu ekaysiinaya culimmada ee illaahay iyo rasuulkiisa ku been abuuranaya iyo goobaha ay fikirka  xadgudubka ku faafiyaan, sida;  warbaahintooda, qoraaladooda iyo fataawooyinkooda.

4- Waxaan ugu baaqaynaaa maamulada waddanka ka jira inay gutaan masuuliyada ka saaran ilaalinta ummada iyo amnigeeda, sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in la adkeeyo midnimmada iyo  isku xirnaanta waaltinimo ee bulshada.  Waxaan kaloo ku baaqaynaa in dhamaan qaybaha bulsha ee kala duwan ay kawada qayb qaataan sidii looga hortagi lahaa khatarta  halista ah ee kooxda Shabaab, iyadoo la adeeg sanayo wado kasta oo suura gal ah Shareecadana ku banana.

5- Waxaan ku baaqaynaa in la daaweeyo sababaha xadgudubka keenaya, siyaasad ahaan, mushtamac ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Iyo sidoo kale in la dhidbo nidaam cadaaladeed oo ku qotoma shareecada Islaamka, bulshaduna u simantahay, maxaa yeelay cadaaladu waa saldhiga dowladnimmada iyo daganaanshaha.

6- Waxaan ugu baaqaynaa madaxdda Al-shabaab iyo xubnahooda inay illaahay u soo noqdaan, kana waan toobaan gaalaysiinta muslimiinta iyo daadinta dhiigooda, iyo inay dib ugu  soo noqdaan Sunnada Nabiga (scw) iyo ummaddooda ay ka baxeen.

7- Waxaan ugu baaqaynaa Maamulada, Isimmada, iyo bulshada  qaybaheeda kala duwan inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan, magangalinta, iyo nolol usamaynta dhalinyarada kasoo baxa fitnada Shabaab, una toobad keena illaahay, una soo noqda Sunnada Nabiga (scw) iyo ummadoodii fikirka takfiirku ka dhexsaaray, hubkana ugu dhiibay.

Culummada ku Saxiixan Bayaanka

1-    Sh. Daahir Aw Cabdi

2-    Sh. Axmed Daahir

3-    Sh. Xasan Xuseen

4-    Sh. Maxamed Macalin Axmed

5-    Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari

6-    Sh. Axmed Cabdisamad

7-    Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan)

8-    Sh. Cabqani Qorane

9-    Sh. Xasan Dhooye

10-Sh. Maxamed Maxamud Ciise

11-Sh. Axmed Faarax Garaase

12-Sh. Maxamed Faahiye Ciise

13-Sh. Abdiraxmaan Aw-ciise Muuse

14-Sh. Cismaan Maxamud Xaajid Dirir

15-Sh. Faarax Maxamed Cajab

Halgan.net
Boosaso

5 Comments so far

Leave a comment

  1. Allaah haxifdiyo culuma da wali tilaabadii saxda ahed oo al shabaab ku haboonayd marko culumadii. Dhameeye.

  2. Waa bayaan runtii dhaxal-gal ah oo mudan in loo dheg’raariciyo laguna waan toobo , kooxdaa al-shabaabna waa inay ufiirsadaan oo xaqa baaraan iskuna dayaan bal inay ay sax yihiin waxaa ay culimadu sheegayaan sax tahay iyagoo kudadaalaya xaqdoonida iyo kafogaan shaha tacaasubka iyo taqliidnimada indhaha la’ , allena waxa uu hanuuniyaa cidii xaqa raadisa
    Ilaahay culimada ha barakeeyo umadana ha ku anfoco

  3. waa howl marhore loo baahnaa in la qabto iyo waajib culimadda saarnaa oo soo daahay marka hadii hadda Alle subxaanuhu waafajiyey waa kheyr ayaan leeyahay tankale Soomaalida ayaa dhahdo Nin Naagtaada rabo Gabadhaada kuma qanco marka dadkan tagfiir ayeey u bateen oo waxaan ka baqaa in Nadwada wax qaataa iska yaraan doonaan Allow na badbaadi Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  4. Waa bayaan cad ILAAHAY ha idin barakeeyo hana idin xafido dhamaan culimada khaasatan kuwa jooga gudaha wadanka oo aan haysan amaan,, lana banaystay dhiigooda ,sharaftooda,cirdigooda iyo maalkooda

  5. manshaa allah culumada iyo shuyukhda allah ha xidiyo xaqqa iyo dacwada ay faaafinayaan allah halagarabgalo waxan ugarajeyneynaa in uu allah malinka qiyaame lasoosaaro shuhadada saalinxiinta iyo anbiyada ameeeeeeeeeeeeen yaa rabbi………………….

Leave a comment

*