Been-abuurka Al-shabaab iyo Aamuskayga ( Qeybta 1aad)

March 6, 2013 - Written by

masjidka-al-rawda-6Ilaahay Qur’aanka ayuu kaga jawaabay dicaayadihii gaalada iyo munaafiqiintu islaamka ka sameeyeen iyo beenihii ay nabiga ka sheegeen. Sidoo kale nabigu axaadiistiisa ayuu kaga hadlay. Waxaa kale oo Qur’aanka iyo axaadiistu ka hadleen khaladaad ay muslimiintu galeen; waayo waxaas oo dhan waa xumaan ay waajib tahay in la reebo. Haddaba aniga oo ka shidaal-qaadanaya Qur’aanka iyo xadiiska nabiga sida ay uga jawaabi jireen dicaayadaha iyo nabista cadowga waxaan qormadaan fikrad gaaban kaga bixinayaa qaar ka mid ah xeeladaha kooxda Alshabaab ay culumada iyo ducaadda uga joojiso shaqada ay diinta iyo ummadda u hayaan oo dicaayadda iyo been-abuurku kow ka yihiin, waxaana soo qaadaynaa afarta xeeladood ee ugu muuqaalka dheer, waana:

  1. In marka hore Sheekha la marinhabaabiyo iyada oo loo adeegsanayo warar iyo warbixino farabadan oo dicaayad iyo been-abuur wada ah, kuwaas oo ay si is dabajoog ah ugu muujinayaan iyaga fiicnaantooda iyo khayrka ay qabteen, iyo kuwo ay ku soo bandhigayaan khayrdarada iyo sharka dadka kale ilaa wadaadka dadkii xumaa la wanaagsanaadaan, kuwii wanaagsanaana la xumaadaan.

Intaa waxaa u dheer in wadaadka ammaan iyo buunbuunin nafta lagaga qabto ilaa uu kala badbato, isla markaasna la weydiiyo su’aalo miinaysan oo dabinka lagu soo galinayo, ka dibna waxaa la gaarsiinayaa heer laga dhex hadlo oo uu noqdo makarafoon iyaga codadkooda gudbiya.

Way ila tahay in la garanayo rag badan oo magac ku lahaa diinta, bulshaduna u hanweynayd oo ugu dambayntii nimankaas u noqday la haystayaal sida shimbirta BABAGHAA wixii ay nimankaas sheegaan ka daba-dhaha, sacabkana ugu tuma xaq iyo xaqdaraba. Ragga noocaas ah waxay isugu dareen inay ka joojiyeen sheegista xaqii ay wadeen iyo difaacista baadilkii ay ka digi jireen; sidaa darteed kooxdaani waa tan ugu nasiibka daran.

  1. Markii sheekhu diido marinhabaabintooda, uuna caddeeyo xaqa ay diidanyihiin ama uu buriyo baadilka ay doonayaan waxaa lagu furayaa dicaayad xoog leh oo been-abuur ah, taas oo marxalado maraysa, laguna celcelinayo, loona adeegsanayo habab iyo waddooyin kala duwan oo isku meel ku biyo-shubanaya ilaa aakhirka la soo gaaro heer ninkaas wixii laga sheegaba la rumaysto. Ujeeddada sheekha been-abuurka iyo dicaayadda looga samaynayo, loogana faafinayo waxaa weeye in kalsoonida bulshadu ku qabto la seejiyo; si aan cilmigiisa loo qaadan, xumaha uu ka digayana looga harin, khayrka uu sheegayana loo raacin.

 

  1. Waxaa dhinac socda dicaayaddaas iyo been-abuurkaas hanjabaad iyo cagajuglayn joogto ah oo sheekha si toos ah iyo si dadbanba loo soo gaarsiinayo. Waxaa ka mid ah in loo soo diro: E-mail ama text massege ama telefoon loogu hanjabayo. Waxaa kale oo dhacda in dad saaxibadiis ama qaraabadiis ah loo soo marsiiyo hanjabaad shaati naseexo wadata oo ah xaalku waa xunyahay, nimankaana waa khatar ee iska aamus ama meesha isaga carar, maxaa adiga kaligaa ku waalaya!. Marmar kale sheekha gurigiisa ama goobta uu ka shaqeeyo ayaa rag ama gaari ku warwareegayaa; si loo cabsigaliyo oo uu u aamuso ama dalka uga cararao.

 

  1. Kolka ay sheekha sumcadda ka dilaan waxaa u sahlan (sida ay iyaga la tahay) in ay dilaan oo lagu farxo ama ugu yaraan aan laga nixin. Mar walba ujeeddadii laga lahaa dilkiisa waa la gaaray, waxaase muhiim ah in la sii diyaariyo ciddii dilkiisa dusha laga saari lahaa, lana allifo sababta loo dilay. Marka sheekha la dilana nin walba oo kooxda ah meesha uu joogo ayuu ka faafinayaa been-abuurkaas; si sheekha dhiiggiisa looga fakado, shar kalena loogu adeegsado.

Xeeladahaan haddii la faahfaahiyo mid walba waxay u kala farcamaysaa laamo badan, waxaanse ku gaabsan doonaa labo tusaale oo qur ah ee waa inoo kulan dambe iyo qaybta labaad ee qormada.

W/Q Sh Axmed C/samad

Halgan.net, Boosaaso

 

 

6 Comments so far

Leave a comment

  1. Maash alah alaha xifdiyo sh.axmad c/samad

  2. laafuda fuuk
    war alshabaab waa balaayo la isu soodiraye ragoo maxaa talaa

  3. shiikh alaha xifdiyo waxad modaa inuu shabab sirtoda ku taqaqusay hada wadad nayrobi joga say ulahayen shiikhu islaam kawaran madilaa haa waa ladili karaa mel uusan garin bay geyen markasuu iftooday wuxuusan garin wadadkii kadiidana waa ashahado ladirir nimankan haloo cadeyo dadka wabsedadka oodhan halugu soo dabaco BENTA SHABAB IYOBURBURINTA DIINTA

  4. Ascww
    Carabkaaga biri ma goydo cadaabna Allaha kaa dhawro Sharita cadawga Allah ha kaa xafido intii dhib kula maahan ayaga allaah ha ku celiyo mawduucaan waa loo bogay waa meesha sartu ka quruntay oo shabaan ay umada ku jaha wareeriyeen ee halkaas ka hay alaah Waxaan kuu weydiinaynaa inuu ku sugo

  5. WAXAA HUBAAL AH IN SHABAAB AY YIHIIN SHAR WADE YAAL, LAAKIIN WAXAA ILAAH MAHADDII AH IN HADDA LAGU BARAARUGAY OO LA OGAADAY QIYAANADOODII IYO FIKIRKOODII QALLOOCNAA,
    WAXAA LOO BAHAAN YAHAY IN MEEL LOOGA SOO WADA JEESTO..

  6. ماشا الله ، الشيخنا الفاضل
    الله يحفظك ويثبتك ويوفقك لما يحبه ويرضاه.

Leave a comment

*