Ciidamo ka tirsan DFS oo gadoodsameeyey soona buuxiyey magaalada Baydhabo

March 12, 2013 - Written by

ciidanka_jabutiBaydhabo:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DFS oo ka gadoodsan kana cabanaya Mushaar la,aan ay maanta ka soo baxeen furimo badan oo ka tirsan gobalka Bay ka dib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay la xalin waayey in la siiyo Mushaaraadkoodii

Ciidamadan Gadoodsan oo wata gawaari tikniko ah ayaa soo buuxdhaafiyey gudaha magaalada Baydhabo waxayna ciidmadan ka kala yimadeen degmooyin Qansaxdheere, Berdaale iyo deegaanka Goof-gaduud.

Maamulka degmada Baydhabo iyo saraakiisha ciidanka DFS ayaa ku mashquulsan sidii ay u xalin lahaayeen ciidamada Gadoodsan ee saaka soo buuxdhaafiyey gudaha magaalada Baydhabo ,Guddoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macallin Axmed Biikole ayaa xaqiijiyey in ciidamo gadoodsan ay jiraan wuxuuna sheegay in amar lagu siiyey ciidamada in ay dib ugu laabtaan furimihii ay ka soo baxeen.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa ka codsaday ciidamada DFS ee ka cabanaya Mushaarla,aanta in ay isigu tagaan deegaanka Buukaay wuxuuna sheegay in la xalin doono mushkiladooda.

Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa dhowr goor tagay magaalada Baydhabo isaga iyo wasiirka arimaha gudaha waxayna ka sameeyeen maamul cusub Degmada iyo Gobalka Bay xili aysan wili bixin mudo ku dhow 7bilood mushaarada ciidamaa DFS ee ku sugan gobalada Bay iyo Bakool

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online