Ciidanka Amaanka ee Boosaaso oo gacanta ku dhigay burcadii dhacday xawaalada Kaah

March 28, 2013 - Written by

Boosaaso:-Ciidanka booliska ee Boosaaso oo kaashanaya dadweynaha ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan xalay  qaar ka mida ragii dhaca u geystey xawaalada Kaah ee Bosaaso maalinimadii shalay weerarka oo ay ku dhinteen laba qof ayna ku dhaawacmeen qaar kale oo dhamaantood ahaa shaqaalaha xawaalada Kaah. Ciidamada PIS iyo kuwa Booliska ayaa xalay u dhacay guri uu ku dhuumaaleysanayey  Abdulqaadir Xasan Ciise Dabliq oo 60 sanno jir ah kaas oo ahaa hogaamiyihii kooxda Burcada ee dhacday  xawaalada Kaah  ,Dabliq ayaa la sheegay in uu dhalay Farxaan Cabduqaadir Xasan. Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay ku weli wadaan baaritaan ku saabsan sababah rasmiga ah ee ka danbeeya in dhac loo geysto Xawaalada Kaah ee magaalada Boosaaso.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen laba nin oo kale kuwaas oo ka mid ahaa Burcadii dhacday Xawaalada Kaah ee magaalada Boosaaso waxaana sidoo kale Booliska ay baadi goobayaan nin kale oo ka mid ahaa burcada weerartay Xafiiska Xawaalada Kaah ee magaalada Boosaaso.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online