Ciidanka Booliska Garoowe oo qabtay rag ka mid ah burcadii dhaca u geystay Xawaalada Kaah Express

March 31, 2013 - Written by Editor

KaahGaroowe:-Ciidanka Booliska ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa ay gacanta ku dhigeen 2 nin oo ka mid ahaa kooxdii burcada ahayd ee dhaca u geystay Xawaalada Kaah Express ee magaalada Boosaas ee xarunta Gobolka Bari iyagoo doonayey in ay baxsadaan. Ciidanka Booliska Garoowe oo xog ka hellay ciidanka Sirdoonka ee dowllad Puntland ayaa maanta qabtay 2 nin oo ka mid ahaa raggii dhac u geystay  Xawaalada Kaah Express ee Boosaaso, 2-da nin ee lagu qabtay magaalada Garoowe ay waxaa ay kala yihiin Barre Maxamuud Cali Xuseen iyo  Mahad Cumar Bulxan.

Maalmo ka hor ayaa sidoo kale waxaa ay Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ku qabteen magaalada Boosaaso ninkii burcadaan  madaxda u ahaa oo lagu magacaabo Abdulqaadir Xassan Ciise Dabliq iyo nin kale wallow qaar kale ay baxsadeen markii ay ciidanku howl galo ka sameeyeen xaafadaha Boosaaso. Dadweynaha ku dhaqan degaanada Puntlland ayaa aad u soo dhaweeyey guushay ay ka gaareen  ciidanka amaanka qabshada Burcadaan dilka, dhaawaca iyo dhac u geytay shaqaalihii Xawaalada Kaah Express ee magaalada Boosaaso.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. maashallaah guul dawladda puntland the hope of somali people

Leave a comment

*