Ciidanka DFS iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay Degmada Ufuroow ee gobolka Bay

March 7, 2013 - Written by

baydhaboBaydhabo:-Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ayaa  la wareegay degmada Ufuroow ee gobolka Bay waxaana isaga baxay ciidamada Ururka Al-shabaab oo sannadihii lasoo dhaafay gacanta ku hayey Degmada Ufuroow.

Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ayaa si nabad ah kula wareegeen degmada Ufuroow ee gobolka Bay,ciidamada huwanta ayaa waxay  xarun ka sameysteen duleedka Degmada Ufuroow oo u jirta 40KM Degmada Diinsoor oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidanka Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay qabsadeen gobalka Hiiraan ,Gedo iyo deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool iyaga oo sheegaya in ay taageerayaan DFS .Saraakiisha ciidanka DFS ee gobalka Bay ayaa ku goodiyey in ay dhawaan qabsan doonaan Degmada Diinsoor oo ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Ilaa haatan ma jirto cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay gacan ku heynta Degmada Ufuroow oo ay la wareegeen ciidamada DFS oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online