Daawo masawirada Qaraxii xalay lala beegsaday Masjid Rowda iyo Sh Axmed Cabdisamad oo dadka la hadlay.[Dhagayso]

March 8, 2013 - Written by

Qarax-(11)Boosaaso:-Waxaa xalay Bam gacmeed lagu weeraray Masjidka Rowda ee magalada Boosaaso xili ay ka socotay Nadwo cilmiyeed diini ah oo ay jeedinayeen culimo kale duwan ,duruusta nadwada ka baxaysay ayaa waxaa looga hadlayey in dadku ay ka fogaadaan in ay sameeyaan xadgudub diineed oo marka danbe gaarsiiya in ay umada gaalaysiiyaan ka dib ay ku laayaan masaajidda gudahooda.

Qarax Bamka ah ee xalay lagu soo tuuray Masjidka ayaa u jeedadiisu waxaa ay ahayd in la cabsi galiyo boqolaalka dadweynaha ah ee Nadwada culimada dhagaysanayey iyadoo Masjidka Rowda ay aad u soo buuxdhaafiyeen dhalinyaro , haween rag  halka kuwa kale oo aysan u suuto galin in ay boos ka hellan Masjidka iyo Xaafadaha ku xeeran ay kala socodeen Idaacaddaha  maxaliga ah ee ka howl gala degaanada Puntlland.

Qarax xalay ayaa hadafkiisu waxaa uu ahaa in culimada bixinaysa nadwda la dhibaateeyo balse Alle arrinkaas ma qadarin oo alle waa badbaadiyey dadkii dhagaysanayey muxaadaraadka iyo culimadii bixinaysayba, bamka ayaa waxaa uu ku dhacay Masjidka  dhinaciisa Bari waxaan uu khasaaro gaarsiiyey gaari uu lahaa qof shacab ah oo yaalay dibada masjidka walow firiri uu soo gaaray darbiga masjidka iyo daaqad hoose oo ku taal dabaq koowaad ee Masjidka Rowda.

Qarax ayaan laga gaarin u jeedadii laga lahaa  iyadoo oo ay ugu wacan tahay in Bamka lag soo tuuray meel fog , waqtiga qarax lagu soo tuuray Masjidka ayaa waxaa ay culimadu ay dadweynaha u sheegayeen in kooxda Al-shabaab ay yihiin kuwa dadka muslinka ah ku laaya Masaajida dad badan oo muslin ahna ay dileen xili ay ku socdeen masjidka ama ka soo baxeen.

no images were found

Sh Axmed cabdisamad oo hadal kooban jeediyey markii qarax dhacay  ka dib oo dadku ay salaadii cishe tukadeen ayaa waxaa uu dadka u sheegay in wadaad ama sheikh la dilo ama masjidka Bam lagu soo tuuro aysan cabsi galinaynin ducaada , culimada  diinta iyo xaqa oo la cadeeyana aysan u joogsan doonin.

Sh Axmed Cabdisamad ayaa waxaa uu ka sheekeeyey dhibaatadii loo soo maray diinta faafinteeda iyo towxiidka iyo in gabdhuhu Xijaabtaan arrinkaas oo uu shiikhu ku tilmaamay in alle loogu mahdiyo culimada Soomaaliyeed ee dadaal dheer u soo galay diinta ayaa weli ku howlan barista diinta iyo towxiidka bulshada Soomaaliyeed ee Muslinka ah. Sh axmed Cabdisamad ayaa waxaa kale oo uu xusay in reer Boosaaso ay idhahooda ku arkeen oo aan looga sheekayn doonin qarax ama dilalka lala beegsanayo masaajidda iyo dadka u socoda si ay ugu cibaadaystaan oo waajibkii alle saaray u soo gutaan.

Sh axmed Cabdisamad ayaa yiri ‘’ Kuwa u malaynaya in diinta alle ay ku joogsanayo masjid Bam lagu tuuro ama Shiikh caalim ah oo la dilo in ay diintu ku istaagayso arrinkaas waa been’’ Shiikh ayaa waxaa uu tusaale u soo qaatay dhibaatadii ka soo gaaratay saxwada dagaaladii ay galeen oo rag badan ay kuwaayeen balse markii danbe markii khaladkii la saxay ay dad badan fahmeen diinta oo hadda raggii waagaas dagaal ka ku jiray ay manta wax barayaan qaar ka mid ah shacabkii la dagaala mayey oo ay xifdisiinayaan quraanka Kariimka iyo sunadda Nebigeena Mohmed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

Sh Axmed Cabdisamad ayaa sheegay in maanta ay marayso in ciidankii Booliska ee Puntlland oo mararka qaar dhibi jiray dadka ay hadda ka waardi yeynayaan kooxda mujaahidiinta ee Al-shabaab , Masaajidda alle lagu caabudo, Shiikh Axmed Cabdisamad ayaa cod dheer ku jiri dadweynihii war diinta iyo ehelkeeda in aad difaacdaan diyaar ma u tihiin dadkii ayaa ku jawaabay cod dheer ‘’Haa’’

Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa ku soo tukaday dad aad u fara badan iyadoo aysan wax casbi ah ku reebin Bam xalay lagu tuuray masjidka xili ay ka socotay  Nadwo diini ah oo caawa la soo gabagabayn doono insha allaahu

 

Hoos ka dhagayso kalimadii uu Sh Axmed cabdisamad ka jeediyey Masjidka Rowda Qarax ka dib

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/obq923h62l/kalimad_shaxmed_cabdisamad.mp3″]

 

Muxaaradaarkii xalay ka baxay Masjidka Rowda oo ay kala jeediyeen Sh xassan Maxamed Ibraahim Abu xassan iyo Sh Axmed Daahir ayaan idiin soo gudbin doonaa haddii alle idmo ee ha moogaanina

M_M_Deeq
Halgan.net

8 Comments so far

Leave a comment

  1. allaah ku wan caadaystay baa inta diinta ciribtood hajo

  2. kkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Qoomkaas waa halaag sameen alaylehe masjid in lagu kala cararo ayey tabari ka gashay waana lasoo buuxdhaafshay masjidkii caawa jaba dheh oo gablama

  3. waa halkii ugu danbeysay ee ay gaadhaan, inyar ayaa ka hadhey taariikhdoodii, halloo sabro, inta ay galaaftaan allah ha u naxariista inta noolina xaqqa hakula dagaalamaan, dadkana ha uga digaan dhagar qabayaasha aan qof iyo makaan midna xurmaynayn, waa diintii shiicada ee masaajidada dadka lagu laynayey. halkannna ka shaqaynmayso

  4. bismilaah,bam la soo tuuray,bistoolad la qarsanhayo oo lala gariirayo jihaadna ma,aha diina lagu difaacimaayo,nuurka ilaahayna uma istaagayo waligiiba wuu soconayaa ilaa aakhiri saaca.

  5. ACWR. Allaah ha jebiyo daalimiinta gacanta shisheeye iyo fikirka qalooca wata ee diinta iyo ehelkeeda la dagaalamaya, masaajidina looga baxsan waayey! Allahuma ma aamiin. Hanii’an lakum reer puntland la dagaalama dulligaas takfiiriga ah, ee axmaq XASAAN XUSEEN iyo GODANE oo CIA ah idiinsoo direen. dhiirane iyo digtoonaanna muujiyya, oo yaan loo kala harin, hooyo, aabe, gabar iyo wiilba. qofkii aad ka shakidaan booliiska waca, wadajirna uqabta foojignaadana, masaajiddana waardiye haloo sameeyo iyo culumadaba. Alle haydin dhawro.
    w/s

  6. ASCWWR,walaal bam latuuro iyo shiikh ladilo diinta fidinteeda iyo xaqa oo lasheega ku istaagi mayso wayna guulaysanaysaa ducaada dacwadii ay soo hogaaminayeen inshaa allah anaguna waan ku garabtaaganahay waana ladhimanaynaa.

  7. Alaah hangaqabto kuwa dhiiga iyo kharaabinta masaajidada guryaha ilaahay ku xad gudbaaya

  8. Waan fadhiyey muxaadarada qiimaha badan xalay markii qaraxu dhacay. Ujeeddadu waxay ahayd in dadka la bajiyo, laakiin taas waanu diidnay, muxaadaraddii iyo salaaddii cishana waanu dhamaysanay Illaahay fadligiis; caawana waxaa ii qorshaysan haddii Alle idmo inaan bartaydii xalay ee barakaysnayd fariisto, dersigana halkaas ku dhagaysto. Anaga nalama bajin karo; waxaa baqdin qaba oo fulay ah qofka nin wadaad ah oo aan hubaysnayn oo hadal jeedinaya xamili waayey hadalkiisa oo isagoo gariiraya guri dabadiis wax kasoo tuuray. Haddii uu xaq yahay waxa uu difaacayo meesha hadal baa lagu hayey ee muu yimaaddo oo doodiisa jeediyo; hadduu xaq ku hadlayo dadkaa maqli lahaa oo u garaabi lahaa, laakiin waa dad fara madhan oo aan wax xaq ah iyo diin midna meesha ku haynin sidaas darteed iyagoo dhuumaalaysanaya inay si fulaynimo ah dad aan hubaysnayn oo misaajid illaahay ku cibaadaysanaya oo malaa’igta Alle ay ku meersan tahay in ay si bahalnimo ah usoo weeraraan waa calaamad muujinaysa inay caqliga iyo cilmigaba sabool ka yihiin

Leave a comment

*