Dabinka salaadda!W/Q Sh Xassam Maxamed Ibraahim

March 6, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Salaadda jamaacadu waa cibaado ku weyn qalbiga dadka iimaanka leh oo ay u hiloobaan ka qayb galkeeda, mar walba oo aadaanku dhagtooda ku soo dhacana waxay u sii qalab qaataan sidii ay jamaacada u haleeli lahaayeen safafka horena u gali lahaayeen, dad badan oo ahlu khayr ah ayeyna caado u tahay in ay jamaaco ku tukadaan shanta salaadoodba.

Dad badan ayaana laga yaabaa in xanuun kasta oo ay dareemayaan  ama cabsi kasta oo haysata ayna salaadda jamaacada uga hadhin, iyaga oo milicsanaya nusuusta faraha badan ee ku soo aroortay fadliga salaadda jamaacada, iyo khatarta ay leedahay in sabab la’aan jamaacada laga baaqdo, dadkaas waxay is barteen masjidka iyo dadka ku tukadaba waxaana laga yaabaa in la tabo haddii hal salaad laga waayo oo la is dhoho tolow qofkii hebal ahaa miyuu xanuunsaday jamaacada ma soo tukanine.

In badadn oo ka mid ah bulshada soomaaliyeed oo culimo iyo caamoba leh ayaana cibaadadaas (ka qayb galka salaadda jamaacada) u ehel ah masjid walba oo aad aragtana waxaad indhaha ku dhufaneysaa jamaaco ballaadhan oo inta badan buux dhaafisa, waana muuqaal uu ku farxo qof kasta oo khayrka jecel salaadduna qalbigisa ku weyntahay.

Iyada oo ayna ammaan aheyn dadka ay barbaarisay dacwada salafiga ah ee soomaaliyeed waxay caan ku yihiin ilaalinta salaadda jamaacada, dad badan oo aan ka wada hadalnay hoos u dhaca ku yimaadda dacwadaasna waxaan u sheegay in sababta hoos u dhucu ayna inta badan aheyn wax la xidhiidha tadayunka ( iltisaamka) dadka ku abtirsada dacwadan, maxaa yeelay sida la wada ogsoonyahay dadka dacwadaas ku dhex barbaaray meel kasta oo ay joogaanba sida badan salaadaha jamaaco ayey ku tukadaan, waxaadna arkeysaa iyaga oo dhulalka barafka leh u sii guuraya masaajidda salaadda subax ka hor, qofka sidaas joogteyn karana waa qof iimaankiisu noolyahay oo diin ahaan dhaqan, waxaase dhici karta in cilladdaha hoos u dhucu sababo kale noqdaan.

Cibaadadaas  dadka aakhiro qalbigooda ku weyntahay ay jecelyiin wax walbana ka hormariyaan waxaa dadkii u khadhaadheeyay  kooxda al shabaab oo dabin u dhigatay dadkii masaajidda cammirayay, waxaana caado u noqotay in ay dadka ku laayaan masaajid da hortooda iyaga oo ku sii socda ama ka soo socda masaajidda, haddana waxayba u sii dalleceen in ay dadka salaadda tukanaya masjidka ku dhex laayaan, sida dhacdadii foosha xumeyd ee ay ku dileen sheekh C/qaadir nuur faarax alle ha u naxariistee isaga oo ku jira rakcaddii 3aad ee salaadda casar maalin jimce ah 16/2/2013.

Ragga ka fakaray  dadka ay laynayaan  in ay dabin u dhigtaan masaajidda hortooda iyo dhexdooda waa rag si fiican u og in dadka ay laynayaan ay yihiin dad ahlu diin ah oo ay ku adagtahay in ay jamaacada ka baaqdaan xaalad kasta oo ay ku jraan, sidas darteed waxay u sii fadhiistaan masjidka agtiisa iyaga oo ku kalsoon in ayna jamaacada marnaba ka baaqan doonin, arrintaasina waxay daliil cad u tahay in dadka al shabaab laynayaan ayna u laynaynin in ay diinta meel kaga dheceen ama riddoobeen sida ay ciyaalka ay howl galinayaan ugu sheekeeyaan ee uu jiro qorshe kale oo ka danbeeya laynta dadkaas.

Ragga madaxda ururkaas u ah ee axmad cabdi godane iyo ibraahim xaaji jaamac ka mid yihiin way ogyihiin in dadka ay laynayaan aan salaad la’aan loo leyneynin, maxaa yeelay salaaddii ayaaba lagu dilayaa, sidoo kale way ogyihiin in ay iyaga salaadda uga dadaal badanyihiin maxaa yeelay iyaguba jamaaco kuma tukadaan! dhallinyarada ay dilkooda u dirayaanna  ma faraan in ay jamaacada la tukadaan ee waxay faraan in ay dad tukanaya soo laayaan!.

Madaxda ururkaasi haddii ay dan ka leeyihiin in diinta la koryeelo  mayna laayeen intii ku dadaaleysay haysashadeeda masaajiddana dabin uma dhigteen,waxaana la arki lahaa iyaga oo ka gubanaya salaadda jamaacada ee dartood looga waashay, ficilkooduna wuxuu muujinayaa in ay ka xunyihiin lana dagaalamayaan masaajidda camirantay iyo dacwada faaftay!.

Masaajiddu waxay maanta tabeysaa dad badan oo safka hore laasimi jiray oo mowlac ama guri salli iska dhigtay, haddii aad dhinacyada eegtana waxaad tabeysaa dad aan sida badan salaadda jamaacada laga waayi jirin, dadkaas diin xumo kuma dhicin, qadarka salaadduna qalbigooda kuma yaraanin ee waxaa masaajidda ka fiijiyay dabinka al shabaab irridaha masaajidda dhigteen.

Dadka qaar waxay la gaadhay in ay cabsi darteed uga baaqdaan xataa salaaddii jimcaha si ay naftooda ula badbaadaan, iyaga oo aan garaneynin sabab loo dilayo iyo cid ay wax u dhimeen midna, sow wax yaab leh ma ah in salaaddii tukashadeeda dadka lagu badbaadin jiray ay isu baddashay tilmaan dadka lagu ugaadhsado?!.

Waxaan marar badan isweydiiyaa tolow wiilasha hubka loo soo dhiibay ee lagu yidhi qofka aad dilaysaan masjidka agtiisa ama dhexdiisa u fadhiista miyaan lagu arag wax caqli ku jiro oo is yidhaahda jidgooyadan laguu diray waamaxay ujeedada ka dan beysa?masaajiddu haddii ay cidlowdu dadkuna ka cararaan yaa cammiri doona? Ficilkan aad samyneyso diinta miyuu baa’inayaa mise wuu koryeelayaa? Wali ma arag mana maqlin wiil arrintaas ka biyo diiday, waxaana arrintaas u aaneynayaa in carruurtaas yaryar cabsi galin lagu wado oo ay ka cabsanayaan in iyaga la khaarijiyo haddii ay su’aalahaas is weydiiyaan ama ay dadka loo diray toogan waayaan.

Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu umadda ka qabto cadowga masaajidda ka hor istaagay ee salaaddii jamaacada u diiday in ay tukadaan iyaga oo aadaanka maqlaya.. aamiin

W/Q Sh Xassam Maxamed Ibraahim

Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Asw, Walaalayaal Jirro aad u adag oo muzmin ah baan qabay muddo labaatan sano ku dhaw taas waxaan ku waayay Soonkii iyo macaankiisii waxaan garan kara cidda nicadaas wayda, waxaan bixiyaa furasho….. waxaa iigu darsamay inaan laba sano jamaco markaan magaaladayda joogo aadin oo sali dhexdhigto Gurigayga oo isag laftigiisa ay igu qarxiyeen (( Murtad baa tahay awgeed) maalintii aan caqli yeeshay anoo khad ama anqaas ay dhabankayga ku taalo ilaa maanta diin barasho iyo khar sheegin baa ku jiray aniga iyo ahalkay, aabahay waxaa dil loogu xukumay 1974 diinta daraadeed waxaan nahay qoys Ahlu diin ah…. marnaba ma ka aqbalayo wiilal caamo ah inay iyagu islaamka iga saaran haddii aan aqbalana ay i hogaansadaan… arinta muhiimka ahi waxay tahay Jamaacaddii fadligeedii, dhadhankeedii, macaankeedii, masaajidka udgoonkiisii, qabowgiisii, degaanshihiisii, xasiloonidiisii, dawankii quraankaa, danankii adkaarta, dhamaaan way iga hor istaageen, inan yar baa dhinacayga soo fariistay waxa uu ii sheegay inaan isaga kaco oo ka baxo masjidka dib danbe umaan arag, mana aqoon, ( Adeer degdeg uga bax masjidka buu yidhi…)) ilaahay macaanka cibaadada oo aad iga xarimteen aniga iyo kuwa badan ha idiin kashifo xaqiiqadiina

  2. walaahi waa arin laga naxo in salaada iyo masaajida horteeda dabin u yaalaan shabaab

  3. sh. abuu xasaan aad ayaad ugu mahad santahay, walaalaha halgan aad ayaad ugu mahad santihiin baraamijta kala duwan ee waxku oolka ah ee aad bulshada usoo gudbinaysaan, allaha ha idinka ajar siiyo

Leave a comment

*